Saraakiil Xabsiga loo dhigay inay Al shabaab u fududeeyeen Weerarkii Hotel SY

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Saraakiil Xabsiga loo dhigay inay Al shabaab u fududeeyeen Weerarkii Hotel SY

Post by THE_TRUTH1 »

Muqdisho (KON) -- Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA), ayaa Xabsiga dhigtay 11 Saraakiil Ciidan dowladda kamid ah, kadib markii looga shakiyay inay Al shabaab u fududeeyeen Weerarkii Hotel SYL.


Image

Saraakiisha la xiray, ayaa kamid ahaa Illaadii loo xilsaaray inay sugaan Amaanka Hoteelka, Maalintii uu Madaxweynaha Turkey Erdogan uu Booqashada ku imaanayay Muqdisho, waxaana hadda Su'aalo lagu weydiinayaa Saldhiga NISA.

Wararka KON ay helayso ayaa sheegaya in Saraakiisha xiran ay ku jiraan kuwa Darajadooda ay sareyso, inkastoo aysan noo suura galin inaan Magacyadooda iyo Tiradooda helno, maadaama Kiisaskooda uu yahay mid la baarayo oo Saxaafadda loo ogoleyn.

Weerarkii SYL Hotel oo uu fuliyay Maxamuud Cismaan Jimcaale, oo ku magac-dheeraa (Dhagey), oo 2013 kasoo laabtay dalka Switzerland, ayaa waxa uu geestay Khasaarooyin badan oo Dhimasho iyo Dhaawac.

Mas'uuliyada Weerarka, waxaa sheegtay Kooxda Al shabaab, iyadoo markaasina Ujeedkiisu ahaa in lagu dili Saraakiil Ciidan iyo Diblomaasiyiin Turkish ah oo diyaarinayay Booqashada Erdogan oo xilligaasi kusoo wajahnaa Muqdisho.

Al shabaab ayaa la sheegay inay Xariiro Wadashaqeyn ah la leedahay Xubno kamid ah Ciidanka Amniga DFS, oo inta badan u fududeeya Weerarada ay ka fuliyaan Xaruumaha Muhiimka ah ee Muqdisho.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
User avatar
Ismail87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3417
Joined: Mon May 06, 2013 7:53 pm
Location: Carpe diem, quam minimum credula postero.

Re: Saraakiil Xabsiga loo dhigay inay Al shabaab u fududeeyeen Weerarkii Hotel SY

Post by Ismail87 »

They should be in front of the firing squad :pacspit:
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Saraakiil Xabsiga loo dhigay inay Al shabaab u fududeeyeen Weerarkii Hotel SY

Post by THE_TRUTH1 »

Image

General Ture Yare great investigation job well done , Next should be live execution theses traders have committed the highest treason collaborating Enemy of Somalia ......

Their bodies should be dragged in streets of Mogadishu Send strong Message :stylin:
:som: :up:
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Saraakiil Xabsiga loo dhigay inay Al shabaab u fududeeyeen Weerarkii Hotel SY

Post by THE_TRUTH1 »

321 Views
Dowladda oo ka hadashay dadkii loo qab qabtay Qaraxii Hotelka SYL
Posted on March 10, 2015 by Webmaster in WARAR, WARARKA // 0 Comments



Share
Ka dib howlo baaritaano ah oo ay wadeen Gudigii loo xilsaaray in ay baaris ku sameyaan cida ka dambeysay Qaraxii 22 biashii Janaayo ka dhacay Hotelka SYL Ee magaaladda Muqdisho ayaa maanta gudigaasi sheegey in ay ku guUlaysteen in ay helaan xogaha rasmiga ah ee ku saabsan shakhsiyaad ku lug lahaa qaraxaasi.

Dr Axmed Cali Abuukar ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha Qaranka oo kamid ahaa gudiga loo xilsaaray baaritaanka arintan ayaa sheegay in 11 ruux oo lagu eedeyay in ay falkaasi ka dambeeyeen xabsiga dhexe loo gudbiyay isla markaana baaritaano lagu sameyn doono.

Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha qaranka ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu ku sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad loo soo taagi doono shakhsiyaadkii lagu helo in ay fududeeyeen qaraxiika dhacay Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.

“Dadka la qabtay waxaa ku jira saraakiil ,Waxaan aaminsanahaya in aan kiisaska arintan aad de dejinay maadaama arintan ay aheyd mid culeyskeeda leh waxaana loo gudbinayaa Maxkamadda ku shaqada leh” ayuu yiri Dr Axmed.

Dr Axmed ayaa sidoo kale sheegay in dadka hadda la qab qabtay ay yihiin oo kali ah tuhunsanayaal isla markaana ay kala saari doonoto Maxkamad.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in gudi ay u saartay oo baaritaano ku sameynaayo qaraxii 22-ka bishii Janaayo ee sanadkan, waxaana laga dhursugayay natiijada baxda baaritaanada ay gudigu sameeyeen.

:som: :up:
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Saraakiil Xabsiga loo dhigay inay Al shabaab u fududeeyeen Weerarkii Hotel SY

Post by THE_TRUTH1 »

Image

Janeral Madaale Mogadishu police chief Sacked and Arrested what shame , what Shame for on old Man Good for him Next School Polize fire squad.......

Somali Gov institutions are getting strong
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: Saraakiil Xabsiga loo dhigay inay Al shabaab u fududeeyeen Weerarkii Hotel SY

Post by TheblueNwhite »

Madaale dhulal ayaa lagu haystaa. Kan wadaad waxba uma fududeynaayo, asagey ka bilaabaayaan. Lol

Saraakiisha kalena negligence ayaa loo haystaa. Ilaa hadda ma jirto cid loo qabtey SYL hotel.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”