Aala-Sheekh Mise Damul-Jadiid, Yaa Ku Guuleysan Doona Hanashada Maamulka G/dhexe?
Posted: Thu Apr 23, 2015 2:59 pm
Musharixiinta ay kala wataan labada urur Diimeed ee Ala-Sheekh & Damul-jadiid, ayaa ilaa hada ugu cad cad looolanka loogu jiro hanashada maamulka G/dhexe.
Musharixiinta ugu cad cad ee hada uu loolanku u dhaxeeyo waxa ay kala Matalayaan Kooxaha Damul Jadiid iyo Aalla Sheekh, waxa ayna labadan Koox mid waliba uu donayaa in ay ku guuleestaan Hanashada Maamulka Gobolada Dhaxe si ay ugu gor gor tamaan marka la gaaro sanada 2016-ka.
Damul Jadiid waxaa u Sharaxan oo lacag badan ku bixinayaan sidii uu Madxaweyne ugu noqon lahaa Maamulka Gobolada Dhaxe Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ,halka Kooxda Alla Sheekh iyana ay sharaxdeen Axmed Macalin Fiqi, labadan Musharax ee kala wataan labada koox ee Damul Jadiid iyo Aalla Sheekh ayaana kasoo wada jeeda hal jufo.
Cabdi Kariin Xuseen Guuleed waxa uu kamid yahay raga ugu waa weyn uguna saameynta badan Ururka Damul Jadiid, Musharaxan ayaana Saaxiib dhaw la yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana qarashka doorashada uga baxeysa inta badan bixinaya Ururka Damul jadiid iyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Magaalada Cadaado waxaa si weyn looga dareemayaa hadal heynta Maamulka loo sameenayo Gobolada Dhaxe, waxaana gawaarida magaaladaasi dhax mareysa intooda badan lagu dhajiyay Sawirada Musharixiinta Maamulka Gobolada Dhaxe gaar ahaan labadan Musharax ee tartanka xoogan u dhaxeeyo.
C/Kariin Guuleed oo hada Muqdisho kusugan ayaa la sheegay maalmihii uu joogay Cadaado in goobta uu dagnaa ay aheed meel mashquul badan, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in Cabdi Kariin ololihiisa xoogooda ay tahay lacag uuna ku doonayo in uu kusoo baxo Qaab laaluush ah.
Kooxda Aalla Seekh iyo Musharaxooda ayaan iyaga naftooda rabitaan ku heleyn Xilka Madaxtinimo ee Maamulka Gobolada Dhaxe, waxa ayna kooxdan adeegsaneysaa iyagana lacago badan oon la ogeyn halka rasmiyan laga keenay.
Kooxda Damul Jadiid ayaa hada ku guuleesatay in Tartamayaasha Maamulka Gobolada Dhaxe ka reebto Axmed Cabdi Salaan oo saameyn badan lahaa, waxa ayna Siyaasigan oo hada ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Itoobiya lagu qanciyay in laga dhigi doono Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Mareykanka, waxaana taa badalkeeda Axmed laga doonayaa in Damul jadiid kala shaqeeyo hanashada Maamulka Gobolada Dhaxe . (55)