






wasiirka Amniga Puntland & Ciidamo aad u Hubaysan oo Maanta Gaaray Deegaanka Tukaraq ee G. Sool.
Waxaa Habaynkii xalay ahaa ilaa shalay Xiisad ka taagnayd deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, oo shalay Ciidamo Soomalailand kasocda ay yimaaden.
Ciidanka Soomaaliland ayaa Markii ay dawladda Puntland ka warheshay inay kusoo dhawaadeen Tukoraq waxa Garoowe ka baxay Ciidamo katirsan kuwa Puntland oo ku hubaysanaa hubka noocyadiisa kala duwan.
Maanta ayaa waxaa Tukoraq gaaray Wasiirka Amaanka dawladda Puntland iyo Ciidamo gaashaaman kuwaas oo ka ambabaxay Magaalada Garoowe.
Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa sheegay in xaalada Tukoraq ay tahay mid wanagsan ayna kusoo dhaweeyeen Wasiirka Amaanka puntland iyo Ciidanka dawladda Puntland.