Madaxweynaha: “Dadka Muqdisho, wey sameysan karaan Maamul”dhageyso

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalayay Barnaamij ka baxa Radiyaha Dowladda ayaa sheegay in Dadka ku nool gobolka Banaadir ay xaq u leeyihiin inay ka tashtaan aayaha Maamul u sameynta Gobolka.
Xamar waxaa ku nool Dad ka badan kuwa ku nool Gobolada kale ee Dalka, in Federaalka ay ka qeybgasho Magaalada Muqdisho waa arrin quseysa Dadka oo aan ku xirneyn Dowladda” ayuu yiri Madaxweynaha.
Xassan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya uu doorkeeda yahay kaliya in hadii ay go’aansadaan reer Muqdisho inay Maamul sameystaan inay ku gacan siiso, sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in Muqdisho ay sii ahaaneyso Caasimada Dalka.
Warkaan ayaa ah mid aay aad ugu farxeen shacabka degan gobalka Banaadir oo malmahan ku howlana maamul u sameynta gobalada kala ah Sh/ dhexe Banaadir Iyo hiiraan.
Siyaasadda manta waxaa soo saarey Nuur Ismail Sheikh oo Muqdisho Jooga,
source http://www.shaaciye.com/site/?p=45820