“Waxaan ognahay in uu socdo hindise Soomaaliya loogu dhisaayo ciidan, kaas oo dalal kamid ah Caalamka ay ku garab siinayaan, madaxda Soomaaliya ayaa ku cel-celiyey in ciidankoodu soo celin doono midnimadii Soomaaliya, hubka lagu soo dal-dalayo Soomaaliya waxa uu khatar ku yahay deganaanshaha gobolka oo dhan” ayuu yiri
Maalmihii la soo dhaafay ayaa Maamulada Somalia iyo Maamulka Xasan Sheekh isla afgarteen sidii ay u samaysan lahaayeen Ciidan qaran oo ka wada dhexeeya islamarkaana Maamulka Muqdisho madax ka noqdo.
Dalalka jaarka la ah Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa in ay ka soo horjeedaan in Soomaaliya ay yeelato ciidamo xooggan, taas beddelkeeda ayey doonayaan in Soomaaliya ay tahay dal diciif ah oo ku tiirsan iyaga.
Hargeysa-(BON)-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo socdaal kaga soo laabtay Waddamada Kenya iyo Itoobiya, ayaa sheegay inay Caalamka kala hadleen Ciidan Somalia samaysanayso oo khatar ku ah amaanka Somaliland iyo kan Geeska Africa.Wasiirka oo muddo wadamadaasi ku maqnaa ayaa sheegay inay isla afgarteen sidii looga hor tagi lahaa Khatarta ay geeska Africa u leedahay.
“Wadamadaas aanu Madaxdooda Is aragnay waxaanu kala hadalnay arrin runtii khatar ku ah Geeska Africa oo ay dabada ka riixayaan Maamulka Somalia ka dhisan ee Muqdisho, oo runtii ah in Ciidamo Ururis ah ay keenaan xuduuda Somaliland iyo Somalia u dhexaysa. Sidaad la socotaan waxaynu Somalia in muddo ah kula jiray wada hadal, haseyeeshee wada hadalkaas waxaa fashiliyay Maamulka Somalia, kadib markii ay wada hadalkii keeneen dad aan ahayn dadkii Somaliland wada hadalku ka dhexeeyay.










