he should do the same in Mudug. They have had years to change the security situation, and have miserably failed.War Deg Deg ah:-Madaxweynaha Dawlada Puntland oo Maamul cusub u magacaabay Gobolka Bari iyo degmada Bosaso.
Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’,ayaa maanta Arbaco ah Maamul cusub u magcaabay Gobolka Bari iyo degmada Bosaso,wuxuuna kala diray Golaha deegaanka degmada Bosaso.
Afhayeenka Dawlada Puntland Mudane Cabdullaahi Quraan jecel ayaa Saxaafadda uso Bandhigay Mas’uuliyiinta uu Madaxweynaha Puntland uu magacabay xilalka.
Mas’uuliyiinta uu Madaxweynuhu magacaabay ayaa kala ah;-
1) Guddoomiyaha Gobolka Bari waxaa loo magacabaya Yuusuf Maxamed Wacays’’Dhedo’’.
2) Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Gobolka Bari waxaa loo magacabaay Axmed Cali Cabdulaahi.
3) Axmed Xaaji Maxamed Axmed waxaa isna loo magaacabay gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Gobolka Bari.
Maamulka degmada Bosaso.
-Maxamed Siciid Shabeele ayaa si Kumeel gaar ah loogu magacaabay duqa degmada Bosaso.
-Qaasim Cabdiraxmaan Caluuke ayaa isna si Kumeel gaar ah loogu magacabay Guddoomiye ku xigeenka degmada Bosaso.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ayaa Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ku amray inay 45-cisho kuso dhisto Golaha deegaanka degmada Bosaso.
Hopefully the new governors of Bari and Mudug are more capable people.
