the gumcadle then call the Liyu police which attacked the group until they fled into somalia.
Next day, a large group of somali tribal militia from the central regions with Tikniko attacked again, and the two sides have been fighting the last 2 days with many dead and wounded.
The conflict is tribal in nature with each side using local government resources at their disposal.
(OgadenToday Press)-
Dagaal xooggaan ayaa hadda ka qarxay Deegaanka, Xaadh-Xaadh oo ka tirsan Labba Baar, Dhanka Barrina kaga beeggan, Deegaanka ayaa guud ahaan hoos taga Shilaabo, waana dhulka loo Yaqaano Ceel-Gaab.
Dagaalkan ayaa sababay kadib markii Ciidmo beeleed Habargidir weerar ku qaadeen Fadhiisimo Ciidamo Itoobiya ee Liyuu Booliska.
Wararka ka soo baxaya Magaalada Shilaabo oo Qurba Joogta Shilaabo xidhiidh la sameeyaan ayaa la sheegay in halkaas Khasaare xooggaan uu saaka ka dhashay.
Wararka Hordhaca ah ayaa sheegaya in Dagaalkan Saaka Salaadii Subax dhacay halkaas ugu yaraan 35 qof ku dhinteen oo qaar Dumar Yihiin.
Xogta ayaa sheegaysa in Baabuur Tikniko ah oo ka tagtay Guurceel xalay gaadheen Goobtaas oo Weerar ka qayb qaateen.
Boqolaalan Ciidamada Liyuu Booliska ayaa ayaa Gobalka Doolo Iyo Qoraxay ka baxay kuwaas Weerar ku sii ag Goobta sida Shilaabo laga hadal hayo.
OgadenToday Press
May 29 (Jowhar)— Dagaalo ayaa laga soo sheegay deegaano dhaca xuduuda Itoobiya iyo Soomaaliya, gaar ahaan deegaano dhaca Galgaduud, kadib markii Ciidamada Liyuu Boolis ee Kililka Shanaad ay weerareen deegaan ay ku sugnaayeen dad rayid ah.
Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali wehliye Cirfo ayaa sheegay in dagaaladaas ay dad badan ku dhinteen, isla markaana ciidamada maamulka Kililka shanaad ay ku soo duuleen dad xoolo dhaqato ah oo reer miyi ah.
Mr Cirfo oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in arrintan ay marar badan soo noq noqotay, ayna wal wal badan ku heyso dowladda Soomaaliya, waxaana uu ugu baaqay dowladda Federaalka Itoobiya in arrintaas soo fara geliso.
“Dagaalo ayaa ka dhacayay deegaanka Kheydar iyo Isma-Dhawa, ciidamada Liyuu Boolis ee Kililka shanaad ayaa waxay ku soo duuleen dad reer miyi oo xoolo dhaqato ah, khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawax ayaa ka dhashay, waa arrin laga naxo dowladda Soomaaliya wal wal ayay ku heysaa”ayuu yiri Guddoomiye Cirfo.
Waxaa uu sheegay in arrintan ay gaarsiiyeen saraakiisha Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM, isla markaana Wasiirada dowladda Soomaaliya ee Gobolka ku sugan la socodsiiyeen, waxaana uu ku baaqay in arrintaas si deg deg ah wax looga qabto.
Dagaalada ka dhacayay xadka Itoobiya iyo Soomaaliya, gaar ahaan deegaano u dhow Gobolka Galgaduud ayaa ahaa kuwo dhowr jeer oo hore soo noq noqday, waxaana jirin ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

