Masuuliyadda Dhibaatada Shacabka La Xasuuqay Waxaa iska Leh Itoobiya iyo U-adeegayaasheeda

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
incognito1
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 964
Joined: Fri Oct 03, 2014 2:37 pm

Masuuliyadda Dhibaatada Shacabka La Xasuuqay Waxaa iska Leh Itoobiya iyo U-adeegayaasheeda

Post by incognito1 »

part 1

Masuuliyadda Dhibaatada Shacabka La Xasuuqay Waxaa iska Leh Itoobiya iyo U-adeegayaasheeda

Soomaalaay is moogeey, iyadu iska adageey, ayaantii la joogaba is-oof-wareemaay…Waxaa intaasoo dhan ka daran ”iilka kii dhigay u ergootaay!!!”.

Dagallada qabiilku way soo noqnoqdeen, balse kuwani waxay kaga duwanyihiin waxaa ka qayb qaatay uadeegayaasha Itoobiya ee kala ah ”Ahlu sunna” iyo ”Liyuu Boolis” . Soomaalida damiirka leh way ka damqatay waxa meeshaas ka dhacay shacabka labada dhinac ku dhintay. Laakiinse dadka wax magaratada ah qaar ayaa meelahaa kaga doodaya in arrinku yahay qabiil xasuuqay mid kale oo Soomaaliyeed. Ma dafirayno in laba qabiil oo walaalo Soomaaliyeed oo Muslimiin ah wax kala gaadheen, mana caddayn karno midkii gardarrada lahaa billowga. Waxaase muuqata in labada dhinacba ay la soo kala safteen laba ciidan oo labaduba adeegsanaya hub iyo ciidan ay jiritaankiisa iyo abaabulkiisaba ka dambaysay Itoobiya. Itoobiya aad ayay u qoslaysaa caawa iyadoo aan filayno inay ku sheekaysanayaan ”isu gayn waa imisa?” yacni ”ma kala jeclin Soomaali is dishaye wadartooda dhimatay fara badnidooda ayaan ku farxaynaa”: sidaas ayay caawa Itoobiya leedahay ayaan filaynaa. Waxay taas Itoobiya uga sii farxad badantahay sida ay ugu guulaysatay inay colaad u dhex dhigto dad walaalo ah oo iyadu ay u aragto inay midnimadoodu hasli ku tahay iyada jiritaankeeda.

Waxa dhacay masuuliyaddiisa waxaa iska leh Itoobiya iyo inta u adeegta gaar ahaan Cabdi M Cumar, sii hayaha Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida oo isagu amarka siiya Liyuu Boolis, iyo ”Ahlu Sunna” oo iyana dagaalka soo gashay.

Farriin ku socota Soomaalida lagu xasuuqay Galgaduud iyo Hiiraan

Walaalayaal Haddaan nahay Soomaalida ku nool Deegaanka Soomaalida ama Soomaali Galbeed dhibka idinka soo gaadhay Liyuu Boolis waan ka xunnahay. Waxaan aad uga xunnahay dhiig Soomaaliyeed oo gacan Soomaali sheeganaysa ku daadanaya. Walaalayaal idinku digan mayno, waxaanse jecelnahay inaad fahantaan dhibkan idin soo gadhay annaga shacabkeenna wuxuu haystaa maalin iyo habayn. Waxaa Qoriile, Malqaqa, Xarshin iyo meelo kale oo badan lagu xasuuqay hooyooyin iyo gadhcaddaa guudku casaaday iyo carruur. Waxaasoo dhan iyadoo cidna koob shaah ah saxar kaga ridin ayaa loo xoog sheegtay oo illaa hadda labi Cali cid iska waydiinin. Itoobiya iyadaa nagu soo daysay haawaydan aan u kala aaba yeelayn carruur iyo cirroole.

Walaalayaal kuwan kuwan Itoobiya ugama dacwoon karno illeen iyadaa nagu soo fasaxdaye. Caalamka maanta jirana waxaa looga taliyaa meelo uu Ingiriisku ka mid yahay. Walaalayaal Ingiriisku iyagaa lacagta lagu tababaray iyo mushahaarkoodaba bixiya nimankan. Marka xalku wuxuu ku jiraa inaan Liyuu Boolis loo arkin qabiil kusoo duulay qabiil kale ee loo arko inay yihiin calooshood u shaqayste loogu tala galay in xabadda loo dhigo laguna abuuro is nacayb ka dhex aloosnaada Soomaalida si ayna abid u heshiin.

Sidaa darteed walaalayaal dhibka idinku dhacay waan ka xunnahay ee idinkuna garaaba oo hanoo aananynina Liyuu Boolis haddaan nahay qabiilooyinka kala duwan ee Deegaanka Soomaalida ku nool.
Last edited by incognito1 on Sat Jun 06, 2015 11:22 pm, edited 2 times in total.
User avatar
incognito1
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 964
Joined: Fri Oct 03, 2014 2:37 pm

Re: Masuuliyadda Dhibaatada Shacabka La Xasuuqay Waxaa iska Leh Itoobiya iyo U-adeegayaasheeda

Post by incognito1 »

continues........
Last edited by incognito1 on Sat Jun 06, 2015 11:23 pm, edited 1 time in total.
User avatar
incognito1
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 964
Joined: Fri Oct 03, 2014 2:37 pm

Re: Masuuliyadda Dhibaatada Shacabka La Xasuuqay Waxaa iska Leh Itoobiya iyo U-adeegayaasheeda

Post by incognito1 »

part 2


Wa ayo Liyuu Boolis?

Wa ayo Liyuu Boolis-ku? waxay ka koobanyihiin guud ahaan qabiillada wada daga Deegaanka Soomaalida –inkastoo ragga madaxda sare ah ay u badanyihiin reer Marsin oo ah qoyska Cabdi M Cumar (Cabdi Iley), sii hayaha madaxweynaha Deegaanka Soomaalida.

Ujeeddadooda ugu wayn ee loo aasaasay waxay ahayd in ONLF lagu jabiyo.
Waxaa maalgaliya Ingiriiska, waxaase tababara Saraakiil ka tirsan Ciidanka Itoobiya oo ay hormuud ka yihiin ragga awoodda dalka gacanta ku haya ee Tigreega (ama TPLF).
Ciidankan oo ah kii gumaaday shacabka Soomaaliyeed waxaa loo dagay labo qorshe oo is barbar socda kuwaasoo kala ah in laga cabsado: si looga cabsado waa inay shacabka gumaadaan, kaddibna soo sawiraan (sida ka muuqata video-ga hoose).
Dhanka kale si shacabka loo marin habaabiyo oo loo jeclaysiiyo ciidankii dadkooda gumaaday, ayaa waxaa la unkay koox hooballo ah oo adeegsada magaca ciidankan, Liyuu Boolis Band. Kooxdan ayaa qaabilsan allifaadda iyo bandhigga riwaayado, heeso, gabayo iyo dhaantooyin is daba jooga oo lagu weynaynayo ciidanka Liyuu Boolis. Sidoo kale waxay si joogta ah u u af lagaaddeeyaan kolba qaybaha bulshada inta ay is hayaab Cabdi M Cumar. Waxaa xusid mudan in fannaaniintooda iyo madaxdoodaba ay xoogga saaraan sidii shacabka Deegaanka oo Af-Soomaaliga dhaqan ahaan kaalin muhiim ah ugaga jira Geeska Africa, sidii looga suulin lahaa Af-Soomaaliga, iyadoo si doqoni magaratay ah loogu badhxayo magacyada, eray-bixinta iyo howl-maalmeedka ciidanka iyo tan kooxdooda fankaba erayo af-Axmaar ah. Sida ka muuqata magacooda, kan kooxda, darajooyinka iyo garaaddaha kala sarraynta ee ciidanka intuba waa af-Axmaar. Waxaa ay soo qaadaan heeso si ula kac ah lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo erayo dareenka Soomaaliga ah kicinaya jeclaysiinayana nimankan iyo maamulkooda shacabka aan digtoonayn, sida heestan uu ku luuqaynayo fannaankooda Soomaalida intooda wax ma garatada ahi ka daba dheceen ee Axmad Budul (Halkan ka eeg fannaaniinta Liyuu Boolis heesahooda qaar ka mida).
Sida ay sannado hore noo sheegeen rag kasoo tirsanaan jiray Liyuu Boolis waxaa mid kasta oo ciidanka ka mid noqda loo diraayaa inuu godob galo, si uu u kasbado kalsoonida madaxda ciidanka. Godobtaas oo noocya badan waxaa ka mid ah inuu gabdhaha ugubka ah iyo kuwa reeraha leh, kuwa uurka leh iyo kuwa carmalka iintaba wada kufsado, inuu odayada biri ma gaydada ah aflagaaddo iyo addin ka hadalba isugu daro! Inta badan dadka godobta laga galayo waa dad loo dan leeyahay oo la rabo in la jaa’ifeeyo, ama sharafta la ga dhigo. Ujeddada gobobaynta shaqsiga ka mid noqonaya ciidankan ayaa ah in qofku uu uga aamin baxo shacabka oo uu ciidankana ugu adeegsado awood uu isku difaaco, illeen waa nin godob galye. Waxaa horay loo fashilay hab-dhaqan aad u gurracan oo ay madaxda Itoobiya uga wakiilka ah ciidankani ku dhaqmaan, kaasoo ah in shaqsigii laga dareemo inuu in yar oo wax isku-fal ah ama xishood ah laga dareemo la mu’aamaradeeyo oo inta badan isagoon waxba war u hayn madaxa laga toogto!
Waxaa la sheegaa, balse aanaan xaqiijin karin in ciidankani ay isticmaalaan daroogooyinka nooca ugu culcus marka la dagaal galinayo si aysan u cabsan.
Waxaa lagu abaal mariyaa anshax xumada, iyo dambiyada dagaal ee ay galaan sida inay ku dul dhaanteeyaan maydka cidda ay dilaan, mararka qaarkoodna ku tuntaan maydka, iyadoo isku si usoo bandhiga maydka dhibbanayaashooda haddii ay ahaan lahayd cid hubaysan oo la dagaallamaysa ama shacabka aan waxba galabsan ee ay gumaadaan. Sannadihii dambe waxaa askarta badankooda (gaar ahaan kuwa horay godobo usoo galay) lagu qalabeeyay kaamarado ay tahay inay kusoo sawiraan/duubaan dambiga ay galaan iyadoo taas looga dhigo xujada abaal marinta arrinka uu soo fuliyay askarigu si uu u mutaysto abaal marinta loo ballan qaaday. Askarigii aan caddayn keenin laba abaal marinayo! Arrinkan caddayntiisa meel dheer loo dooni maayo oo waxay ku caddahay muuqaal uu soo duubay mid ka mid ah askartii ka qayb qaadatay dagaalkii aagga Guriceel. Sida aad muuqaalkan (Digniin muuqaallo damiirkaagu uusan ku siinayn ayaa ku jira! Halkan ka eeg haddaad caddaynta rabto) ka aragto eed ka maqasho wuxuu afkiisa ka qiranayaa inuu muuqaalka u duubayo ”duqqa” oo ah eray kale oo Liyuu Boolisku u adeegsadaan ”Aabbahood” waa Cabdi Ileye!
Waxay aaminsanyihiin inuu Cabdi M Cumar (Cabdi Iley) yahay Nabi Khadarkii la sugayay!!!, inkastoo arrintaas ayna isku wada raacsanayn iyaga dhexdooda oo qaar ay ku doodaan Nabi ma ahee waa Wali. Waxayse kulligood ka midaysanyihiin inay adeegsadaan magaca ”Aabbe” marka ay ka hadlayaan isaga.
Maxaa inala gudboon shacabka daga ”xadka” labadiisa dhinac daggan ee Soomaaliyeed?

Waxa walaalayaal inala gudboon waad wada garanaysaan oo waa inaan nabad ku wada noolaanno gayigaas Alle inagu beeray. Innagaa Soomaali wada ah. Dhulka qabiilkii dooni ha sheegtee wuu ina wada deeqaa ee walaalayaallow yaynaan ku dhicin dabinnada cadowgeenna inoo qoolayaan dharaan iyo habayn. Dadku wax waa kala gaadhi jireen waana laga heshiin jiray.

Wixii shacabkeenna kala gaadha aynu ka heshiinno oo ka xaallo. Wixii Ahlu sunna iyo Liyuu Boolis kala gaadhayna yaynaan isu qabannin illeen labaduba Xabashi ayay ka amar qaataan oo dad inoo qabsoomi kara ma aha! Innagii baaba gacan ku gabbad ah!
User avatar
incognito1
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 964
Joined: Fri Oct 03, 2014 2:37 pm

Re: Masuuliyadda Dhibaatada Shacabka La Xasuuqay Waxaa iska Leh Itoobiya iyo U-adeegayaasheeda

Post by incognito1 »

soomaaliyeey amxaar ayaa maanta aqli inoo sheeganaya, dhiig islaam ayaa amxaar dartiis lagu daadinaya. dagaalka uma dhexeeyo walaalaha soomaaliyeed lakinse wuxuu u dhexeeya liyu polis iyo ahlul sun, oo labadaba axmaaro ka amar qaata. soomaaliya horay bey usocotaa lakiin amxaar 91ki ayuu rabaa inaan dib u booqano,waayo asaga intaanu dugaagta nahay umbu wax ahaan kara, marka sidaa u ogaada reer somalinetow!!!!!

kuwiina qabiil cabudka ah nacalla idin ku talaala, habar gidir iyo ogadeen waa walaalo.
User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19029
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Re: Masuuliyadda Dhibaatada Shacabka La Xasuuqay Waxaa iska Leh Itoobiya iyo U-adeegayaasheeda

Post by FarhanYare »

Ahlusunnah and liyuu in the same sentence :shock: war ma washeen dadkeen
User avatar
incognito1
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 964
Joined: Fri Oct 03, 2014 2:37 pm

Re: Masuuliyadda Dhibaatada Shacabka La Xasuuqay Waxaa iska Leh Itoobiya iyo U-adeegayaasheeda

Post by incognito1 »

they are both trained, equipped and sponsered by ethiopia, one uses hiddo iyo dhaqan card while the other uses islam.
MarsinQorahay
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3328
Joined: Tue Oct 30, 2012 8:34 am
Location: Hawd bartu geela ka daaqo.

Re: Masuuliyadda Dhibaatada Shacabka La Xasuuqay Waxaa iska Leh Itoobiya iyo U-adeegayaasheeda

Post by MarsinQorahay »

Marsin kulaha :lol:
MarsinQorahay
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3328
Joined: Tue Oct 30, 2012 8:34 am
Location: Hawd bartu geela ka daaqo.

Re: Masuuliyadda Dhibaatada Shacabka La Xasuuqay Waxaa iska Leh Itoobiya iyo U-adeegayaasheeda

Post by MarsinQorahay »

Did you write all this or did you Get this bullcrap from a webside?
User avatar
incognito1
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 964
Joined: Fri Oct 03, 2014 2:37 pm

Re: Masuuliyadda Dhibaatada Shacabka La Xasuuqay Waxaa iska Leh Itoobiya iyo U-adeegayaasheeda

Post by incognito1 »

bila dhiig baad tahay
MarsinQorahay
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3328
Joined: Tue Oct 30, 2012 8:34 am
Location: Hawd bartu geela ka daaqo.

Re: Masuuliyadda Dhibaatada Shacabka La Xasuuqay Waxaa iska Leh Itoobiya iyo U-adeegayaasheeda

Post by MarsinQorahay »

How?
User avatar
incognito1
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 964
Joined: Fri Oct 03, 2014 2:37 pm

Re: Masuuliyadda Dhibaatada Shacabka La Xasuuqay Waxaa iska Leh Itoobiya iyo U-adeegayaasheeda

Post by incognito1 »

cadowga dadka soomaaliyeed ayaad sacabka u tuntaa
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”