
Kala dirista Baarlamaanka Axmed Madoobe oo si weyn loo taageeray
Baydhobo (KON) -- Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Go’aankii Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay Go’aanka uga gaareen Golaha Wakiilada Jubbaland,
Jubbaland,
Warsaxaafadeed ayaa lagu sheegay in Axmed Madoobe markii horeba si aan Sharci aheyn kusoo Xulay Xildhibaanada, sidaasi darteedna uu Go’aankii Baarlamaanaka Soomaaliya ku kala eryeen uu ahaa mid Aad u wanaagsan.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horey uga soo horjeestay Dhisamaha Baarlamaankii Axmed Madoobe, kadib markii Beelaha kasoo jeeda Baay & Bakool ee deggan Jubboyinka aan laga qeybgelin Dhisamaha Baarlamaanka.
Axmed Madoobe ayaa Afhayeenka Baarlamaankiisa u magacaabay Nin Maleeshiyadiisa Raas Kambooni kamid ahaa oo Beel ahaana kasoo jeeda Baay & Bakool, taasina ay diideen Shacabka la sheegay inuu matalayo.
Si kastaba, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay Kalsoonida kala laabtay Golaha Wakiilada Jubbaland,iyadoo 132 Xildhibaan ay Codka U diideen 142 Xildhibaan oo Kulankii shalay soo Xaadirtay.
Dhanka kale, Maamulka Axmed Madoobe oo ka taliyo Kismaayo oo kaliya, ayaa sheegay in Xariirka ay u jareen Dowladda Federaalka ah Soomaaliya oo aysan wax wada shaqeyn danbe la yeelan doonin, maadaama Baarlamaanka Soomaaliya kala diray Baarlamaankiisa.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho