Page 1 of 1

Maxa laysku haysta

Posted: Sun Jun 07, 2015 10:15 am
by gobdoon
Madaxda , odayaasha amd indheer garadku rajo ma leh wadankana cid u talisa oo wadanka nabad kusoo dabaasha , umada walaalaysa lama hayo , waxaynu dabada ka wadna qabiil iyo Kansar , anaga reer hebel ah anaga deganka u badan oo maamulayna waligeed ma dhamanayso , war belaayadii iyo Jinigii raba ha maamulo ama ka taliyo ee is qabqaabshada aan iska dhaafno , intan isku jeednay ba dadkeeni in gaajo u dhimata , in xeryo qaxooti kujira iyo in Bad ku harqada , hada tussalo u soo qaado J/hoose , Kismaayo , war xiligii dagaalku wa dhamaaday ee dhulka iyo barwaaqadu inaka badan , ee aan nabad iyo nidaam soo celino , oo maamulka hada jira garab istaagno , ilayn wuxu wa maamul e nabada ba ka muhiimsan , koleyba asagu wa tegaya oo kuwa kala ka dameyn e , maamulkuna ilahay ha ka baqo oo umada ha u xaqsooro ee yuusan noqon mid xoog iyo khasab wax ku maquuniya , ee wa inuu soo dhoweeyo , qof kasta ama koox kasta oo xaq daro sheeganaysa.