Ismacil Buuba the former Foreign minister of Somalia rejoins SL and advocates for 2 states.
Moderator: Moderators
Ismacil Buuba the former Foreign minister of Somalia rejoins SL and advocates for 2 states.
Listen to the radio interview:
http://www.qurbejoog.com/2015/06/18/ism ... an-jirtay/
-------------------------------------------------------------------------------------
Dubai June 18,2015(SDN/QJ)- Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre [Buubaa] oo kamid ah siyaasiyiinta dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda balse aaminsan wixii laysku odhan jiray Soomaaliya ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday in hadda wixii ka dembeeya uu aaminsan yahay qaddiyada gooni isu taagga Somaliland, kadib markii ay waxba kama jiraan noqotay fikradii uu inta badan u ololaynayay.
Ismaaciil Buubaa, waxa uu sheegay in uu dhawaan dalkiisa hooyo ee Somaliland ku guryo noqon doono isaga oo ka qayb qaadan doona ka midho dhalinta dawadnimada Somaliland oo uu carrabka ku adkeeyey inay tahay mid gaamurtay oo ku dayasho mudan.
Mr. Buubaa, waxa uu sidan ka sheegay Waraysi gaar ah oo uu Magaalada Dubai ee isu taga imaaraadka Carabta ku siiyey telefishanka Horn Cable. Waraysiga Ismaaciil Buubaa oo nuxurkiisu daarnaa isbedelka siyaasadeed ee ku yimi mawqifkiisii hore iyo xaqiiqada aan indhaha laga qarsan karin ee Somaliland ka jirta ayuu sunne wanaagsan oo Soomaali oo dhami intifaacsan karto ku tilmaamay, waxaanu ku baaqay in hadda wixii ka dembeeya la iska ilaawo riyadii midnimada soomaalida, taas bedelkeedana haddii la danaynayo dhismaha qaran Soomaaliyeed oo taam noqdo ay marka hore shuruuda hortaalla tahay in la aqbalo dawladnimada Somaliland ka jirta.
Waraysigaas oo dheeraa, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qayb ka mid ah, waana kan isaga oo Ismaaciil ugu horeyn ka jawaabaya su’aal ahayd in uu dalka hooyo u soo xamaam urursanayo iyo asbaabta keentay. Waxaanu yidhi “In muddo ah su’aashaas dhawr sannadoodba waa lay waydiinayay aniguna Somaliland waan tegeyaa baan lahaa , sideedabana mawqifka siyaasadeed ee aan aaminsanahay qof Soomaaliya ayaan ahay oo Soomaalinimada jecel laakiin maanta siyaasadda ka socota geyiga Soomaaliyeed waa mid ay lagama maarmaan tahay in cid waliba halka ay ka soo jeedo ay ka dhaadhiciso mawqifkooda siyaasiga ahi sida uu yahay, sidaas aawadeed waxaan tegayaa Somaliland, anigoo maanta arka in mawqifkii hore ee aanu aaminsanayn ee aanu lahayn midnimadu dusha ha ka timaado immika aanu odhanayno wax aan hoosta laga heshiin inaanay dhacayn midnimaduna ay ku iman karto iyado wax walba raalli layska yahay, sidaas darteed waxaan goostay inaan ku noqdo dadka aan ka dhashay iyo Somaliland oo maanta halka ay taagan tahay oo ah in la noqdo laba qaybood, qayb uu ingiriisku xukumi jiray [Somaliland] iyo qayb talyaanigu xukumi jiray [Soomaaliya] oo mid kastaaba uu gooni u taagan yahay, taasna maanta waxa aan arkaa inay tahay mid xagga Koonfurta iyo xagga waqooyigaba ay dantoodu ku jirto oo ay noqdaan laba dal oo walaalo ah oo wada shaqayn kara oo is difaaci kara, maantana arrintaasi waa mid ay dani ugu jirto xaalada ka taagan Koonfur iyo dib u gurashada ku dhacday dawladdii dhexe iyo maamulladan badan ee la samaynayo.
Sidaas darteed [xalku waxa uu noqonayaa] in qaabkaas cusub ay labada State [qaran] mid federaal u shaqaynaya iyo Somaliland oo goonideeda u taagani ay wada shaqeeyaan”. Sidaa ayuu yidhi Md. Ismaaciil Buubaa, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka jawaabay su’aal nuxurkeedu ahaa asbaabta xilligan keentay in uu garawshiiyo ka muujiyo gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hore indhaha uga lalin jiray, waxaanu yidhi “Waxaan arrimahaas u garawsaday markaad eegto xaallada maanta ka taagan koonfur iyada oo dawladdii dhexe ay qiiro-qiiroba ku jirto in sida ugu haboon ee Soomaali ku hagaagi kartaa ay tahay dawladda Somaliland oo leh Experience [khibrad] iyo maamul si wanaagsan u gaamuray uu yahay ka maanta dhibaatada koonfur iyo soomaali oo idil haysta ka saari karta isla markaana dawlad wanaagsan oo jaar ah oo walaal la yahay u iman lahayd, waayo waqtigan waxa aad moodaa inuu yahay mid ay Siyaasaddii Hoos u daadegayso sidaas darteed waxay ila tahay in Somaliland noqon karto dawlad shaqaysa oo tusta qaybaha Soomaaliyeed qaab dhismeedka dawladeed ee qaranku leeyahay. Dawlad soomaaliyeedna waxaan qabaa inaanay iman karin haddii aan la aqbalin Somaliland oo iyadu gooni u taagan oo leh awoodihii ay dawladi lahaan jirtay”. Sidaa ayuu yidhi Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre [Buubaa}
Sida laga warqabo siyaasigan oo labaatankii sanno ee u dembeeyey aaminsanaa Somaliweyn oo uu kamid ahaa shakhsiyaadkii dhidibada u taagay nidaamka federaalka, waxa dhinaca kale uu kamid ahaa siyaasiyiintii ururkii SNM ee dalkan Somaliland xoreeyey, isaga oo markii Somaliland gooni isu taageeda lagu dhawaaqay 18-kii MAY 1991-kii ka mid noqday dawladdii SNM Hoggaaminaysay ee uu Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali Madaxweynaha ka ahaa, isla markaana noqday wasiirkii u horeeyey ee wasaaradda Maalliyadu yeelato. Dhinaca Somaliweyn muddadii uu ku sugnaa waxa uu xukuumadihii kala dembeeyey ee Soomaaliya loo dhisay kasoo qabtay xilal wasiirnimo oo kala duwan isaga oo markii u dembeysay ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda dawladdii Cabdillaahi Yuusuf Axmed.

Re: Ismacil Buuba the former Foreign minister of Somalia rejoins SL and advocates for 2 states.
Response of Dr.Cumar cilmi duxood on Ismaacil buuba's talk.
Re: Ismacil Buuba the former Foreign minister of Somalia rejoins SL and advocates for 2 states.
here is the video interview.
- jalaaludin5
- SomaliNet Super
- Posts: 8832
- Joined: Thu Jan 05, 2012 7:37 am
- Location: “Beauties in vain their pretty eyes may roll; Charms strike the sight, but merit wins the soul.”
Re: Ismacil Buuba the former Foreign minister of Somalia rejoins SL and advocates for 2 states.
He should be welcomed with opened arms and a red carpet rolled out for him.

- PrinceDaadi
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2442
- Joined: Sun Jul 10, 2011 5:32 pm
- Location: Daadi Island
Re: Ismacil Buuba the former Foreign minister of Somalia rejoins SL and advocates for 2 states.
Buubaa was always a failure!
- jalaaludin5
- SomaliNet Super
- Posts: 8832
- Joined: Thu Jan 05, 2012 7:37 am
- Location: “Beauties in vain their pretty eyes may roll; Charms strike the sight, but merit wins the soul.”
Re: Ismacil Buuba the former Foreign minister of Somalia rejoins SL and advocates for 2 states.
Been a pro-unionist doesn't make him a failure.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 17681
- Joined: Sun May 01, 2011 1:15 pm
- Location: "Dareen naxli reeba iyo nolosha aan loo sinayn naftaaday dhaawacaan" by dhaglas
Re: Ismacil Buuba the former Foreign minister of Somalia rejoins SL and advocates for 2 states.
This is the most senior isaaq unionist in xamar they used his image against us for decades. how should we do ?
I am suggesting
1. He must first resign from the tfg parliament. thats MUST if he wants to come back to the motherland.
2. Secondly he should accept that we use him as a propaganda against Somalia for the next several months years.
2. He should not be allowed to participate the internal Somaliland politics such as joining SLN political parties or joining other acors like madasha. how ever he can work for us in the foreign field.
I am suggesting
1. He must first resign from the tfg parliament. thats MUST if he wants to come back to the motherland.
2. Secondly he should accept that we use him as a propaganda against Somalia for the next several months years.
2. He should not be allowed to participate the internal Somaliland politics such as joining SLN political parties or joining other acors like madasha. how ever he can work for us in the foreign field.
- jalaaludin5
- SomaliNet Super
- Posts: 8832
- Joined: Thu Jan 05, 2012 7:37 am
- Location: “Beauties in vain their pretty eyes may roll; Charms strike the sight, but merit wins the soul.”
Re: Ismacil Buuba the former Foreign minister of Somalia rejoins SL and advocates for 2 states.
He doesn't deserve that.Rambie wrote:
- abdikarim86
- SomaliNet Super
- Posts: 12077
- Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
- Location: Bristol
Re: Ismacil Buuba the former Foreign minister of Somalia rejoins SL and advocates for 2 states.
He does.jalaaludin5 wrote:He doesn't deserve that.Rambie wrote:
The man has allowed himself to be used against the Isaaq/Somaliland
for the last 20 years.
He is a traitor pure and simple ... Though he was member of the SNM,
I suppose that is a redeeming quality
- jalaaludin5
- SomaliNet Super
- Posts: 8832
- Joined: Thu Jan 05, 2012 7:37 am
- Location: “Beauties in vain their pretty eyes may roll; Charms strike the sight, but merit wins the soul.”
Re: Ismacil Buuba the former Foreign minister of Somalia rejoins SL and advocates for 2 states.
That comment is a direct contradiction to the claim...'Somaliland waa Qaran'. Is he a "traitor" because of been pro-unionist or is because he is ISAQ UNIONIST?abdikarim86 wrote:He does.jalaaludin5 wrote:He doesn't deserve that.Rambie wrote:
The man has allowed himself to be used against the Isaaq/Somaliland
for the last 20 years.
He is a traitor pure and simple
Somaliland is trying to lift itself off from the shackles of Qabilism to a platform of Qaranism which will lead to a well earned and an overdue recognition.
Sheekada localka ka bax and look at the horizon and beyond.
There is no benefit whatsoever to get emotional about Isaq/somalanders men who have different take on the politics and future direction of Somalia/Somaliland.
We should pride ourselves at been independent and mature enough to address issues concerning people from Somaliland who still wish for unionism.
Educating people and articulating as to why Somaliland is better off not joining the South is a lot more healthier than just to rely on raw emotions.
-
-
-
- abdikarim86
- SomaliNet Super
- Posts: 12077
- Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
- Location: Bristol
Re: Ismacil Buuba the former Foreign minister of Somalia rejoins SL and advocates for 2 states.
You have misinterpreted what I have said, I do not have any problems with the fact that he is a unionist, he is entitled
to his opinion and I cannot fault him for exercising that right.
Laakin that being said, from what I have heard (I may be mistaken), I am of the opinion
he has ALLOWED himself to be used as a tool against us - it is for this reason, I consider him a traitor.
to his opinion and I cannot fault him for exercising that right.
Laakin that being said, from what I have heard (I may be mistaken), I am of the opinion
he has ALLOWED himself to be used as a tool against us - it is for this reason, I consider him a traitor.
- jalaaludin5
- SomaliNet Super
- Posts: 8832
- Joined: Thu Jan 05, 2012 7:37 am
- Location: “Beauties in vain their pretty eyes may roll; Charms strike the sight, but merit wins the soul.”
Re: Ismacil Buuba the former Foreign minister of Somalia rejoins SL and advocates for 2 states.
Hadaba say sorry for spitting like a bloody lamaRambie wrote:^Good point.![]()

- jalaaludin5
- SomaliNet Super
- Posts: 8832
- Joined: Thu Jan 05, 2012 7:37 am
- Location: “Beauties in vain their pretty eyes may roll; Charms strike the sight, but merit wins the soul.”
Re: Ismacil Buuba the former Foreign minister of Somalia rejoins SL and advocates for 2 states.
A politician from the north looking to get a sit in the south will have all sort of lies spread about him. And no matter his achievements even if he is elected president that wouldn't change opinions of....HE IS (allowed himself to be) used against us/somaliland/Isaq.abdikarim86 wrote:You have misinterpreted what I have said, I do not have any problems with the fact that he is a unionist, he is entitled
to his opinion and I cannot fault him for exercising that right.
Laakin that being said, from what I have heard (I may be mistaken), I am of the opinion
he has ALLOWED himself to be used as a tool against us - it is for this reason, I consider him a traitor.
-
-
-
Dji..I mean Somaliland Allaw Dhawr

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 354 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 220 Replies
- 10855 Views
-
Last post by Young Royal
-
- 14 Replies
- 800 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 8 Replies
- 2294 Views
-
Last post by ahmad guray
-
- 6 Replies
- 1804 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 5 Replies
- 816 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 0 Replies
- 633 Views
-
Last post by Strategic
-
- 0 Replies
- 501 Views
-
Last post by newsbot
-
- 15 Replies
- 1275 Views
-
Last post by Cilmiile