Mine i will pick a classic gabay made by my favorite Poet Carays Ciise
May this legend rest in Peace!
Post ur favorite somali Proverb or gabay! Even include ur favorite somali poet
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- TheMightyNomad
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1704
- Joined: Thu Apr 16, 2015 6:47 am
Re: Post ur favorite somali Proverb or gabay! Even include ur favorite somali poet
"DOQONKII OGAADEEN DOOLO LAGA QAAD" by Cali Dhuux the great Dhulbahante poet.
Doqonkii Ogaadeen ahaa Doollo laga qaadye
Loo diid Dannood iyo hadduu degi lahaa Ciide
Nimanbaa dalkoodiyo xukuma labadi daaroode
Darraatoole iyo Faafanoo wada duraabaaya
Deegaanta haraday ku tiil daaqi mahayaane
Deex kama mareershaan halkay deleb ku beerneyde
Markii duraha jiilaal kacee doogga la idlaysto
Duurkiyo dayada Hawd markay Debec ku soo oonto
Laaskii uu ku dalandooli jiray loogu degi waaye
Alla daw guduuddii Wardheer kama durduuraane
Dawadeedu waa Jeerinley uga dul geeraare
Ceelkii biyaha diirranaa looma dawdabo'e
Dixda Qarandi Deeroy Mataan loo dardari waaye
Maantana dukaamaa la dhigay degelkii Gaafoowe
Darar kagama maalaan Camuud diiqo iyo xoore
Dixda Raygaleed iyo Gargaar laysu dacareeye
Dayr baaba lagu meeriyoo loo dabbaal degaye
Wardheeroon dagaal xumi ka dhicin dig iyo baaruudi
Doox iyo Doh iyo Faafanna waa soo dalbanayaane
Kuna dalaaqin naagihii inaanay dib uga laabmayne
Iiddoorku siduu damacsanaa loo diyaafadiye
Hadba dunida duul baw kacoo diin la soo shira'e
Dar Illaahay uun baa xaggiis looga soo diraye
Sow sida Darwiishkii Isaaq duub cad uma qaadan
Makaahiilku doy uma kaceen degeya Hiiraane
Daacuunku meeshuu ku leyn uma dalluumeene
Daal iyo hadhuudh kuma cuneen degelkii Haarweyne
Habar-Yoonis bay uga durkeen degeladoodiiye
Dullinimo inay qaayibeen waxaw daliilkiiya
Dadba weli ma arag Reer-Subeyr duul ka soo baxaye
Dooyiyo dabriyo weerar iyo malaha duullaane
Ninnaba uunka kama dawladsana Dir iyo Daaroode
Ilaah baa dabkoodiyo nasakhay danabadoodiiye
Dadka uguma liitaane wey diriri waayeene
Afartaa sidii dalab la riday maysu daba joojay
Da'daan kaga bilaabiyo miyaan deelkii ka habawshay
Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
Dacwad kalana waa Reer Xirsiga halan dareensiiyey
Dadka waa la wada laynayee waw darreydeene
Dubbihii ku dhacay Bihina Cali doogta weli haysa
Waa waxay la dabandeebayaan daqarradeediiye
Waxay dalagga beeraha la qodon waa dagaagnimo'e
Damal Aboodi Dayr iyo Afmeer dixida Gaaroodi
Reerahoodu maantay degeen daawo lagu boobye
Sidii galab dawaar loogu rogay Delab ma maalaane
Ina Raabbi waa tii la dilay waana Reer-Dalale
Dumar kuma sagootiyin kuwii dahay Ugaaskiiye
Dan baa tidhiye lama duudsiyeen Dirirkii dheeraaye
Aniguba dubkaan uga nixiyo diirka oogada'e
Ma damqodo'e kii dad ugu xigay waa durduriyaaye
Ilmo Dacarba duul bay indhaha dumuq ka siiyeene
Nimankii walaalkood durqumay kama dambaysiine
Degdegsiinyo waa tay ciyoon duqaq u laayeene
Nimaan aabbihiis danabyo dhalin looma duurxulo'e
Dibbaa looga yaabiye iyo inuu kaaga sii daro'e
Dagaalkii Killaas ugama rayn duulkii Reer Shalace
Dunta boqorka nimankii sitee duubi jiray shaalka
Anse kolay duraan waxbana yaanay dillin doorarna u layne
Geerida Hurahan diidayey dereja dhaamaane
Afartaas sidii dalab la riday maysku daba joojay
Da'dii aan ka qaadiyo miyaan deelki ka habawshay

Dacwad kalana waa aniga iyo dan iska sheegayga
Maansadan dad wada qoonsadee diradiraha u qaatay
Diin runa dalliilkii sharciga yaan ka daabacaye
Denbi inaanu iga raacihayn daacaddaa furiye
Daahyaale geelii la helay waakan dayr dhalaye
Duudweyn ma jiro Haamo iyo Daba Cadaadeede
Derrinkii afkii Daadmareen kama dareershaane
Dahab waatan iyo qaalmihii deyrcadka ahaaye
Dalba quruxsanleeyeey ma foga dalawadiiniiye
Danbarkiisu waydiin uraa waana dabataane
Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneedleh
Oo wada dunuunucahayuu idin dul joogaaye
Dubuxbaaba lagu sii wadaa iyo dararkii Baarjeexe

Da'dii aan ka qaadiyo miyaan deelkii ka habawshay

Dacwad kalana waa aniga iyo duun u hadalkayga
Nabsigu waa daruuraha cirkiyo sida dabayleede
Dersinkii wax qaatuu la' yahay deynki godobeede
Daa'iradu maantay waddaa duulashii galaye
Xaqa daguugmay duunyada la dhacay dumarka ooyaya
Naagaha ilmada duugayey diilalyadu hayso
Daa'imo hadaydaan ahayn dagan xaqiiniiye
Dagaal waan jeclaa xaajo aad dib ugu aydaane
Doqon yahay ka kaca meeshanaad dacayda laalaadin

- jalaaludin5
- SomaliNet Super
- Posts: 8832
- Joined: Thu Jan 05, 2012 7:37 am
- Location: “Beauties in vain their pretty eyes may roll; Charms strike the sight, but merit wins the soul.”
Re: Post ur favorite somali Proverb or gabay! Even include ur favorite somali poet
Careys Ciise Kaarshe (AUN) was the king of Saar. That's what that particular style of gabay is called.TheMightyNomad wrote:Mine i will pick a classic gabay made by my favorite Poet Carays Ciise
May this legend rest in Peace!
There 11 different type in suugaanta I think.
Gabay, hees, saar, shirib, guurow, buranbur and so on. Not exactly in that order and careys ciise's is Saar.
Careys Ciise is also one of my favourite.
Qamaan Bulxan. The reply to Ali Dhuux's ....
qaasim...Dacartuba mar bey malab dhasha....
Sayyidka....Jiinley.
Ali jaamac Haabil reply to Sayidka.
And of course Suldan tima Cade.
-
-
-
Its realy not easy to just pick one or two from our Gabayada Soomaalida. Its an unparalleled rich ocean and most northerners don't bother with the beauty of Guurow

Maxamed Gacal Xaayow

- TheMightyNomad
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1704
- Joined: Thu Apr 16, 2015 6:47 am
Re: Post ur favorite somali Proverb or gabay! Even include ur favorite somali poet
Beautiful more people should post
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2419
- Joined: Wed Apr 29, 2015 8:24 am
Re: Post ur favorite somali Proverb or gabay! Even include ur favorite somali poet
Abshir Bacadle, Bidcada
Re: Post ur favorite somali Proverb or gabay! Even include ur favorite somali poet
Xuseen Maxamuud Faarax, Xuseen-dhiqle, Xoghayaha Warfaafinta ee Daraawiishta
Dagaalkii Fardhidin ee 1901dii dhexmaray Daraawiish iyo Ingiriis ka dib waxaa dhacay duullaankii lagu hoobtay ee Beerdhiga (1902dii.) Beerdhiga wuxuu Daraawiishta iyo Ingiriis iyo wixii la socday ku dhexmaray goob magaceeda lagu sheegay Xodayo oo Mudug ka tirsan.
Kolkii Fardhidin lagu jabiyey, Kornayl Swayne oo ciidamada Ingiriiska madax u ahaa wuxuu la kulmay ceebin iyo canaan kulul oo kaga timid xukuumadii Ingiriiska. Sideebay Daraawiishi uga adkaatay ciidankii xoogga badnaa ee boqortooyada? Sideebuu kaaga il helay wadaad miskiin ah oo aad ka hub iyo hantiba badan tahay? Ciidan, cudud iyo cuud maxaad u baahan tahay si aad usoo afjarto wadaadkan iyo dhaqdhaqaaqiisa? Wasaaraddii Dagaalka ee Ingiriiska ayaa soo dirtay su’aalo noocaa oo kale ah, Swayne naftiisana waxaa loo arkay hoggaamiye nugul oo aan aqoon fiican u lahayn tabta dagaalka.
Haddaba, si uu ceebta isaga rogo una aarguto, wuxuu soo abaabulay dagaal hor leh oo aanu waxba la hadhin. Daraawiish oo dhinaca Mudug u naqraacday ayuu doontay iskuna dayey inuu iyagoo warmoog ah darbad aysan kasoo waaqsan ku dhufto. Xoog lagu sheegay illaa 4000 oo asgari oo Ingiriis, Hunuud, Afrikan iyo Soomaali isugu jira ayuu soo kiciyey. Daraawiishina way ka war heshay duullaankaa kusoo maqan cidhbaha ayeyna aasatay.
Xodoyo ayey xabbadu miifleysay, waranka, gaashaanka iyo seeftuna kulmeen. Illaa habeenka niskiisii dambe ayey guubaabadu dhinac walba ka uugaantay. Guul iyo geeri ayuu Darwiish walba goostay inuu mid ahaan helo. Xaqa iyo Dulmigu ma eka, laba ninna kolba kii ciil qaba ayaa adkaada, mintid fara yarna maaro looma helo. Aaheey, aji iyo midgabana wuu dilaa Uustar buuxsamay.[2] Maydkii ayaa labada dhinacba tiro beelay. Daraawiishi saynta ayey gacanta ka buuxsatay Ingiriis caga-weyne illeen waa rag uu ciil ku gaaxsamaye. Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruude[1] oo hordhac ah ayaa ka dhabowday. Mahbar badan oo Soomaalida la muuqaal ah asii mabda’ kale ku dagaalamayey ayuu tukuhu indhaha kala baxay. Geeri lama seego godkuna waa lama huraane, Ingiriis aad ayey Daraawiishi u hurguftay, libtii iyo guushiina waxaa la hoyday Sayid Maxamed iyo raggiisii. Swaynekii wacadka ku maray inuu Daraawiish cidhibtirayo ilbay xabadi kasoo tuurtay oo gorof noqotay. Beerdhiga ka dibna Soomaalidu, wax ka naanaysi ogee, waxay ninkaa ku naanaystay Swayne Cawar. Ka xaabxaabi waxa kaa tif lihi, waa xinjiro dhiige.[3]
Guushaa ay Daraawiishi hanatay ayaa geyiga Soomaaliyeed oo dhan gaadhay. Aadbaa loogu farxay Soomaalidaa sanka jabisay shisheeyaha doolaalo dhaafka ah, gardarro iyo daandaansigana ka dayn waayey Daraawiish. Tolalkii Soomaaliyeed ayaa tarab-tarab taageero iyo tahniyad wada socota uga timid. Boqor Cismaankii Majeerteen ee gobolka Bari fadhiyey ayaa ka mid ahaa ragga dagaalkaa ka dib Daraawiish dhinaceeda usoo yara dunmay. Wuxuu soo diray sahan, hub iyo saad birmad iyo xoojin ahna wuu soo raaciyey. Lix iyo toban casho ka dib ayuu safarkaasi xaruntii Daraawiishta ku furay. Si fiican ayey Daraawiishi usoo dhawaysay kolkii ay dib u ambabaxayeenna Sayidku geel iyo badeeco xoog leh ayuu siiyey.
Xuseen Maxamuud Faarax, Xuseen-dhiqle, oo ahaa Xoghayaha Warfaafinta ee Daraawiishta ayuu Sayid Maxamed ka codsaday inuu safarka sagootiyo lana dardaarmo. Haddaba wuxuu Xuseen-dhiqle tiriyey gabay nabadgelyeyn, duco, xog waran, dardaaran iyo soo jiidasho isugu jira. Wuxuu yidhi:
× Socdaaladatan joogow berraad, socod damcaysaane
× Safaryahow salaama e haddaad, saaka naga guurto
× Sagootigii iyo hadday, sooryo idin raacdo
× Saraar yeelan meel siman bannaan, suudi iyo guure
× Jidku waa sursuuree haddii, Eebbe idin saabsho
× Sabadii baddii waxaad u dhixi, laba siddeedaade
× Hadday idin salaamaan kuwii, sahanka dhawraayey
× War haddii lagaa sugo adoo, daal la socon waayey
× Sunne ma aha xaajaduye yey, idinka seeraarin
× Abtiyaal sidaan idin fariyo, sawd yar naga geeya
× Ku salaama boqorkii adduun, seegid bow darane
× Gabay waa nin seegiyo nimuu, saabka kaga yaalle
× Sikhilaa la mariyaa birtaan, soofe kicinayne
× Waan kala sifeeyaa sidii, saayaqoo kale
× Afartaa intaan saxay miyaan, siinka ka higaadshay
× Sawd kalena waa hadal yarood, sixi akhbaartiisa
× Sallax Eerigooy maalintey, samaddu gaadootey
× Sumuciyo jigraha maalintay, saanadu is dhaaftay
× Saraakiisha maantuu tukuhu, saabka kaga joogay
× Ee suuniyaalow Kufrigu, baqaha siigeeyey
× Waa siin Illaahay wuxuu, gaalku noo sidaye
× Ingiriis sidii loo galiyo, saxalka Iidoor ah
× Sanbab dooxaniyo xiidmo sayan, sabar wixii yiilay
× Saf dhanbaa la gawracay sidii, sadaqo Ciideede
× Cawar waxaa surkii lagaga jaray, sulub dharaareede
× Saddex aliflayaashaan gudnayn, sedatay naartiiye
× Sumaciyo seefaha dabkiyo, saanadda aan taabnay
× Tagoo seediyaal kaga warama, suuqa iyo xeebta
× Ku sayaxa safkii Ferenji iyo, saaxirka kharaabay
× Ku salaama boqorkii adduun, seegid baw darane
× Sucdigaynu leenahay haddaan, anigu suureeyey
× Sifadooda reer boqor haddaan, hadal kusii saydho
× Nimanyahow sokeeyeynu nahay, saxar la’aaneede
× Saalixiya diinteenu way, ina simaysaaye
× Samaan iyo kalgacal Eebbahay, wuu na kala siine
× Sayidkuna jeclaa idinka iyo, socotadiiniiye
× Soomaali hadalkeedu yuu, suruq inoo yeelin.

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 960 Views
-
Last post by Advocatar
-
- 2 Replies
- 681 Views
-
Last post by kambuli
-
- 15 Replies
- 1826 Views
-
Last post by Yohannes
-
- 22 Replies
- 21839 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 433 Views
-
Last post by shaamboo
-
- 22 Replies
- 3082 Views
-
Last post by Rabshoole
-
- 1 Replies
- 785 Views
-
Last post by WasteMan
-
- 16 Replies
- 2203 Views
-
Last post by wagardhac
-
- 3 Replies
- 835 Views
-
Last post by abdisamad3