Shir maamul loogu sameynayo Hiiraan, Galgaduud iyo koonfurta Mudug oo maanta ka furmaya Dhuuso Mareeb

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Somaliman%
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3787
Joined: Sat Mar 06, 2004 7:00 pm
Location: The hills. England,
Contact:

Shir maamul loogu sameynayo Hiiraan, Galgaduud iyo koonfurta Mudug oo maanta ka furmaya Dhuuso Mareeb

Post by Somaliman% »

Shir maamul loogu sameynayo Hiiraan, Galgaduud iyo koonfurta Mudug oo maanta ka furmaya Dhuuso Mareeb.

(Galgaduud) Magaalada Dhuusemareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa maanta ka furmaya shir maamul loogu sameynayo gobolka Galgaduud, hiiraan iyo koonfurta gobolka Mudug.

Sargaal katirsan Ahlusuna Waljamaaca oo lagu magacaabo Maxamed Mursal ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in dadka dega gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo koonfurta Mudug ay ka tashanayaan masiirkoodii iyo mustaqbalka deegaanadooda.

Sargaalkaan oo qaabilsan arrimaha bulshada ayaa sheegay inuu fashil kusoo dhamaaday shirkii Cadaado ka socday, isagoo dowladda federalka ku eedeeyay inay iska horkeenayso dad wada gobolada dhexe oo muddo dheer nabad kuwada noolaa.

Shirkaan waxaa ka qeyb galidoona xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federalka Soomaaliya iyo xildhibaano dhawaan lagu dhaariyay Cadaado oo la sheegay inay ku qanci waayeen faro galinta Xukuumada Muqdisho.

Filo goor dhow codka Mas’uulka Ahly Synna u hadlay.
User avatar
Somaliman%
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3787
Joined: Sat Mar 06, 2004 7:00 pm
Location: The hills. England,
Contact:

Re: Shir maamul loogu sameynayo Hiiraan, Galgaduud iyo koonfurta Mudug oo maanta ka furmaya Dhuuso Mareeb

Post by Somaliman% »

Cadaado oo laga kala tagay, Ahlu Sunna oo shir ku qabneysa Dhuusamareeb
134

June 25, 2015

Ergooyinka Beelaha wada deggan Goballadda Dhexe ee ku sugnaa Degmadda Cadaado ayaa u ruqaansaday magaallo-madaxda Gobalka Galgaaduud ee Dhuusa-mareeb, si ay uga qeyb galaan Shirweyne ay Ahlu Sunna Wal-jameeca gogoshiisa dhigtay.

Wafuudda Beelaha Wacaysle, Murusade iyo Cayr ayaa saakayto gaaray magaalladda Dhuusa-mareeb, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Ahlu-sunna Wal-jameeca ee gacanta ku haya inta badan Gobalka Galgaduud.

Wafdiga Beesha Wacaysle, waxaa hoggaaminayey Ex-Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor, oo isagu horey u shaaciyey inay Beeshiisa qaadaceen Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe ee haatan ka socda Degmadda Cadaado.

Ergadda Beesha Marayxaan ee ka mid ah Beelaha wada degga Goballadda Dhexe ayaa horey u gaaray Dhuusa-mareeb, si ay uga qeyb galaan Shirka looga tashanayo Aayaha dadka ku nool Goballadda Galgaduud iyo Mudug.

Dhinaca kale, Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federalka ee ka soo jeeda Goballadda Dhexe ayaa la sheegay inay gaareen Dhuusa-mareeb, si ay uga qeyb galayaan Shirka ka furmay Dhuusa-mareeb.

Ergooyinka haatan ku sugan Dhuusa-mareeb ayaa ku eedeeyey Dowladda Federalka inay faragelin ka hayaan Shirka Cadaado, isla markaana ay Dowladda taageerayso qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxtinimadda oo ay ka tilmaameen Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, C/kariim Xuseen Guuleed oo ay sheegeen inuu ku fashilmay xilkii uu Dowladda Federalka ka hayey

C/kariim Xuseen Guuleed waxa uu Is-casilaadiisii hore ku tilmaamay iyadoo ay ku adkaatay Hawlihii loo idmay, isla markaan uu Amnigii Muqdisho faraha ka baxay.

Si kastaba ha ahaatee, Shirka ay Ahlu Sunna Wal-jameeca dhigeen magaalladda Dhuusa-mareeb ayaa u muuqda mid ay inta badan Beelaha wada deggan Goballadda Dhexe taageersan yahay, waxaana la filayaa in Shirkaasi lagu soo dhiso Maamul Gobaleed ay u dhan yihiin beelahaasi
User avatar
thegoodshepherd
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3571
Joined: Thu Jan 09, 2014 2:59 am
Location: Somalinet boycott by Puntites in effect 24/12/14

Re: Shir maamul loogu sameynayo Hiiraan, Galgaduud iyo koonfurta Mudug oo maanta ka furmaya Dhuuso Mareeb

Post by thegoodshepherd »

Mamulka curdanka ah ee Hiiraan, Galgaduud iyo koonfurta Mudug is the best idea I have seen in a long time.
GalHiraan would be a great name, forget about Mugdi Mudug. Ahlu Sunna are very smart and know that Cadado is a farce.
User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19029
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Re: Shir maamul loogu sameynayo Hiiraan, Galgaduud iyo koonfurta Mudug oo maanta ka furmaya Dhuuso Mareeb

Post by FarhanYare »

Fake!!
Last edited by FarhanYare on Thu Jun 25, 2015 7:13 pm, edited 1 time in total.
User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19029
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Re: Shir maamul loogu sameynayo Hiiraan, Galgaduud iyo koonfurta Mudug oo maanta ka furmaya Dhuuso Mareeb

Post by FarhanYare »

Anywayz this is fake
User avatar
Somaliman%
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3787
Joined: Sat Mar 06, 2004 7:00 pm
Location: The hills. England,
Contact:

Re: Shir maamul loogu sameynayo Hiiraan, Galgaduud iyo koonfurta Mudug oo maanta ka furmaya Dhuuso Mareeb

Post by Somaliman% »

FarhanYare wrote:Anywayz this is fake
Dont be mad, we all know mudug was going to be halved, :lol:
BigBreak
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6320
Joined: Fri Oct 05, 2012 11:31 am

Re: Shir maamul loogu sameynayo Hiiraan, Galgaduud iyo koonfurta Mudug oo maanta ka furmaya Dhuuso Mareeb

Post by BigBreak »

mudug will not be halved. either north mudug joins central state or south mudug joins bari and nugaal
User avatar
Somaliman%
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3787
Joined: Sat Mar 06, 2004 7:00 pm
Location: The hills. England,
Contact:

Re: Shir maamul loogu sameynayo Hiiraan, Galgaduud iyo koonfurta Mudug oo maanta ka furmaya Dhuuso Mareeb

Post by Somaliman% »

BigBreak wrote:mudug will not be halved. either north mudug joins central state or south mudug joins bari and nugaal
Whatever the case central state or ' galmudug ' will be no more, but we all knew this didn't we.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”