
How fuckin weak are AMISOM ?? You never hear al-shabaab killing 70 poorly equipped somali soldiers in one day and here they are massacring a fully equipped AMISOM military unit with bazookas and ak-47s. Big salute to SFG soldiers.
Xoogaga Shabaab oo 70 askari oo Amisom ka tirsan ku dilay deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose
Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, ayaa waxay maanta weerar ballaaran ay ku galeen deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Waxayna ku dileen dad ku dhow 100 ruux.
Weerarkan oo bilowday aroornimadii hore ee saakay, ayaa wuxuu ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu jebiyay albaabka hore ee Xerada Ciidamada Amisom ku lee yihiin deegaankaasi.
Xoogaga Al Shabaab oo xoog ku galay Xerada, ayaa wuxuu dagaal culus uu ku dhex maray Ciidamada Amisom. Amisom waxaa lagu khasbay inay isaga baxaan Xeradaasi, oo gacan ku haynteeduna ay la wareegeen Shabaabku.
Weerarkan waxaa lagu dilay 70 ka mid ah Ciidamada Amisom, waxaana jira Saraakiil iyo Ciidamada Amisom qaarkood oo lagu waayay dagaalkii saakay, waxaana loo fishay inay Shabaabku afduubteen.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa Al Shabaab ku eedeeyay inay gowraceen 13 ka mid ah dumarkii deegaanka. Waxa kaloo uu sheegay inay qafaasheen ganacsato iyo Saraakiil Ciidamada Dowladda ka tirsan.
Ciidanka Dowladda Somaliya ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaan wax gurmad ihi u fidin Ciidamada Burundi ee Amisom ka tirsan, oo askar badan looga laayay weerarkii Leego.
Inkastoo caawa ay degan tahay xaaladda deegaanka Leego, ayaa waxaa la soo sheegayaa inaanay jirin cid ka arrimisa. Shabaabka oo goor dhow isaga baxay iyo Ciidamada Amisom oo aan weli ku laaban.
http://universalsomalitv.net/infusions/ ... omali_7804