Nicholas Kay, Welcomed “The New Regional Galmudug State Parliament Speaker

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Nicholas Kay, Welcomed “The New Regional Galmudug State Parliament Speaker

Post by THE_TRUTH1 »

Nicholas Kay, Welcomed “The New Regional Galmudug State Parliament Speaker :lol:
Image
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa soo dhoweeyay doorashadii shalay ka dhacday degmada Cadaado ee Guddoonka Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Mr Kay ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug Mr Cali Gacal Casir, isagoo xusay sida muhiim u tahay dhameystirka marxalada uu haatan marayo dowlad goboleedka Galmudug.

Danjire Kay ayaa ku ammaanay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Guddiga Farsamada iyo xubnaha Baarlamaanka Galmudug, guusha ay ka gaareen geedi socodka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa.

Waxaa uu xusay in hadda howsha muhiimka ee hadda hartay ay tahay doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo la qaban doono 4-ta bisha July, waxaana uu ku booriyay in doorashadaas noqoto, mid hufan oo lagu kalsoonaan karo, si looga guul keeno dhameystirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud.

Danjire Nicholas Kay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada buuxda ay u hayaan howsha Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud ee hada heer gabo gabo ah maraysa.

Shalay ayay aheyd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay doorteen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, Guddoomiye kuxigeenka koowaad Xareed Cali Xareed iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad Mohamed Sheikh Ahmed Macalin.

Maalinta sabtida ee soo socota, taariikhduna ku beegan tahay 4-ta Bisha July ayaa la filayaa inay degmada Cadaado ka dhacdo doorashada Madaxweynaha, iyadoo ay u taagan yihiin dhowr musharax oo maalmihii u dambeeyay waday olole ay ugu diyaar garoobayeen doorashada.
TheCadaanGuy
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 527
Joined: Mon Apr 06, 2015 3:17 pm

Re: Nicholas Kay, Welcomed “The New Regional Galmudug State Parliament Speaker

Post by TheCadaanGuy »

The title should have been:

"The president welcomed new regional Galmudug state parliament speaker"
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Nicholas Kay, Welcomed “The New Regional Galmudug State Parliament Speaker

Post by THE_TRUTH1 »

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo sheegay inay wadahadal la furayaan Ururka Ahlusunna
Image


Axad, Juun 28, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir oo markii ugu horreysay la hadlay Warbaahinta ayaa sheegey inay Wadahadal la galayaan maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo haatan gacanta ku haya Magaalada Dhuuso-mareeb oo lagu wado inay noqoto Caasimadda maamulka Gobollada Mudug iyo Galguduud.

Casir oo Wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in wax kasta lagu dhameyn doono wada-hadal, wuxuuse qiray inay hortaalo hawl-adag oo u baahan mas’uuliyad iyo in wax loogu qabto bulshada ku nool Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

“Runtii Howl cuslus ayaan xambaarnay aniga iyo ku xigeennadayda, taasoo aanu wax ugu qaban doono Shacabka Gobollada dhexe oo dhibaatooyin badan soo maray, balse hadda diyaar u noqday inay dhistaan maamul,” ayuu yiri Casir.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa xusay in howsha hadda hortaalla ay tahay doorashada madaxweynaha maamulka, si uu xukuumadii la qaban lahayd howsha uu u soo dhiso.

Guddoomiyaha oo la su'aalay inuu filayo inay doorashada madaxweynaha ku dhici doonto ayaa ku jawaabay inuu filayo inay ku dhici doonto si cadaalad ah, maadaama guddoonka baarlamaanka la doortay xilli xildhibaanno kaliya jiraan.

Waxaa kaloo la weydiiyay mowqifkooda ku aaddan Ahlsuunna Waljamaaca oo gacanta ku haysa degmada Dhuuso-mareeb oo xarunta maamulka ah, isgaoo sheegay inay wax walba ku dhameyn doonaan wadahadal iyo is-afgarad.

“Rabitaanka Shacabka Mudug iyo Galguduud ayay ku Xiran Tahay Galka ay Caasimaddu noqonayso, mana ahan in Dhuuso-mareeb oo keliya ayaa noqonaysa la yiraado meel walba oo ay shacabku doortaan ayaa noqonaysa,” ayuu mar kale yiri Cali Gacal Casir.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlmaaanka Galmudug oo shalay la doortay ayaa sheegay in Ahlusunna ay ka mid tahay shacabka deggen gobollada Galguduud iyo Mudug, uuna rajeynayo inay wadahadal aqbali doonaan.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

- See more at: http://www.hiiraan.ca/news/2015/Jun/war ... gDd1O.dpuf
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”