Page 1 of 1

Galmudug and Ahlu Sunna start Negotiating Strong warning from U.N to Ahlu Sunna backs down

Posted: Wed Jul 08, 2015 3:57 pm
by THE_TRUTH1
XOG: Maamulka Ahlu Sunna oo gorgortan la bilaawday maamulka C/kariim Guuled XOG: Maamulka Ahlu Sunna oo gorgortan la bilaawday maamulka C/kariim Guuled

07/08 02:110 commentsViews:
Sida aan wararka ku heleyno ayaa waxa ay sheegayaan i wadahadal hoose uu u bilaawday maamulka DF Somalia ,Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug si xal looga gaaro khilaafka ku aadan hab qeybsiga maamulka gobolada dhexe loo sameeyay.
Sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah Xildhibaanada KMG ah ee maamulka Galmudug oo lagu magacaabo C/qani Aadan Gargaar ayaa waxa uu cadeeyay in hadda ay socdaan wadahadalo hoose isla markaana lagu wada in maamalmaha soo socda wax kasto xal laga gaaro.
Ahlu Sunna ayaa la sheegay in ay matalayaan xubno ka tirsan maamulkii sida fowdada ah loogu dhawaaqay Dhuusa-Mareeb waxa ayna doonayaan in kuraas fiican laga siiyo Wasiirada cusub si ay kaga tanaasulaan qorshahoodii hore.
Dolwadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Cusub ee Galmudug ayaa Labaduba sheegay in ay diyaar u yihiin Wada hadal lala galo Xoogaga Ahlusunna Waljamaaca ee Gobolada Dhexe.
Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3821
Balcad Media Network Email : balcad@live.com

Re: Galmudug and Ahlu Sunna start Negotiating Strong warning from U.N to Ahlu Sunna backs down

Posted: Wed Jul 08, 2015 4:03 pm
by THE_TRUTH1
Qaramada Midoobay oo ku hanjabtay inay burburin doonto awooda Ahlusuna hadii uu xaalka sidaa kusii socdo

Image


Ergayga Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Nickolas Key ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay ka gaabineyso kaalintii kaga aadaneyd hanashada Maamul Goboleedyada dalka.

Key ayaa sheegay in Qaramada Midoobay aysan u dulqaadan doonin waxyaabaha ka socda Magaalada Dhuusamareeb waxa uuna sheegay in Qaramada Midoobay ay qaadi doonto talaabooyin lagu burburin doono awooda Ahlusunna wal-jameeca.

Waxa uu Key carabaabay in Qaramada Midoobay ay garabtaagan tahay kaliya Dowlada Somalia wixii kasoo harana aysan la jaanqaadi doonin wixii intaa kasii badan, wuxuuna cadeeyay in awooda Ahlusunna ay sheeganeyso ay u dhiganto awood Maleeshiyo beeleed taasina aysan u hakan doonin Dowlada iyo Qaramada Midoobay.

‘’Waxaa burburi doona kalsoonidii Qaramada Midoobay ay u qabtay Ahlusunna hadii wax laga bedeli waayo awoodaha ay Ahlusunna sheeganeyso waxaa waajib nagu ah inaan ka qeybqaadano burburinta ahlusunna waayo waxaa dhamaaday dulqaadkii, ujeedka ahlusunna waxa mid lid ku ah dhicitaanka doorashada taasina masuuragali doonto’’

Carada Nickolas Key, ayaa u muuqanaayo mid taageero loogu muujinaayo Dowlada Somalia, balse waxaa meesha ka maqan talaabooyinkii waajibka ku ahaa Qaramada Midoobay markii laga soo tago hanjabaada Nickolas Key.

Ahlusunna ayaa weli ku dhagan mowqifkeeda waxa ayna taasi qalqal galisay hamigii beesha caalamka ay ka qabtay doorsho xor ah oo ka dhacda Somalia, Ahlusunna ay kala dhantaashay maamulkii dhismihiisu rajada laga lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho - Somalia
Allbanaadir@live.com

Re: Galmudug and Ahlu Sunna start Negotiating Strong warning from U.N to Ahlu Sunna backs down

Posted: Wed Jul 08, 2015 4:08 pm
by THE_TRUTH1
Wada-hadal u furmay Galmudug iyo Ahlu-Sunna!
By Xanaan (http://caasimadda.com/author/xanaan/) / Jul 8, 2015 (http://caasimadda.com/wada-hadal-qarsoo ... dug-ahlusu
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in si qarsoodi ah uu u bilowday wada-hadalkii Maamulka kala dhexeeyay Maamulka Ahlusuna wal-jameeca.

C/qani Aadan Gargaar oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug ayaa xaqiijiyay in wada-hadalka ay ka qeybqaadanayaan Mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia oo ku sugan Cadaado, waxa uuna sheegay in xal loo raadinaayo khilaafka Maamulka kala dhexeeyo Ahlusunna.
Waxa uu xildhibaanka sheegay in ay doonayaan in wax walba wada-hadal lagu dhameeyo oo laga soo gudbay xiligii Xooga iyo Dagaalka wax lagu raadin jiray.
”Wada-hadalka si isfahan ah ayuu ku socdaa waxaan rajeyneynaa in Ahlusunna ay aqbasho in xal laga gaaro khilaafka kala dhexeeya DF iyo Maamulka Galmudug”


Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xusein Gulleed ayaa sheegay in damaciisa uu yahay in si cabashooyinka Ahlusunna, waxa uuna dhawaan ballan qaaday inuu waxbadan ka bedeli doono Siyaasada


Re: Galmudug and Ahlu Sunna start Negotiating Strong warning from U.N to Ahlu Sunna backs down

Posted: Thu Jul 09, 2015 5:26 pm
by 1moonlight
Mooryaanta Ahlu Sunna waa in xoog looga saaraa Galgaduud iyo Hiiraan, Ahlu Sunna waa qas wadayaal u adeego doofaarada Garoowe.
dhalinyaradii Reer Galgaduud iyo Reer Matabaan ayeey hubeenayaan si eey dagaal ugu galaan.

shalay waxee tageen Matabaan oo eey dhalinyaradii Matabaan ka dhigeen ciidan ayaga u adeego.


sida aan maqlay Ciidan aad u badan ayaa Muqdisho kasoo socdo oo la doonayo ineey Ahlu Sunna u awood sheegtaan, sidoo kale siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan ayaa joogo Magaalada Cadaado oo u imaaday tageero maamulka Galmudug iyo sidii laga yeeli lahaa Mooryaanta Ahlu Sunna.

Re: Galmudug and Ahlu Sunna start Negotiating Strong warning from U.N to Ahlu Sunna backs down

Posted: Fri Jul 10, 2015 2:39 am
by FarhanYare
Waa inuusan la faadisan much less offer them ministerial portfolios. Because they do not represent us dhuusamareebians.

Re: Galmudug and Ahlu Sunna start Negotiating Strong warning from U.N to Ahlu Sunna backs down

Posted: Fri Jul 10, 2015 8:08 pm
by THE_TRUTH1
FarhanYare wrote:Waa inuusan la faadisan much less offer them ministerial portfolios. Because they do not represent us dhuusamareebians.
CYer when from President TO Terrorist / wahab/ Ahlhu Sunna


Image

Image

Good All days for CEYR

Re: Galmudug and Ahlu Sunna start Negotiating Strong warning from U.N to Ahlu Sunna backs down

Posted: Fri Jul 10, 2015 9:43 pm
by FarhanYare
.