

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigii uu hogaaminayay oo soo gaaray magaalada Garowe.
(Pi Garowe):- Ra’iisul wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhowayd kasoo dagay garoonka diyaaraddaha ee magaalada Garowe.
Wafdi Ra’iisul wasaaraha ayaa sii diiran loogusoo dhoweeyay garoonka, halkaas oo ay ku sugnaayeen madaxweynaha dowladda Puntland, ku xigeenka, gudoomiyaha barlamaanka iyo boqolaal shacab ah.
Ra’iisul wasaaraha ayaa loosoo galbiyay dhinaca madaxtooyada Puntland halkaas oo la filayo inay goor dhow saxaafada kula hadlaan, inkastoo laga yaabo caawo inay saxaafadala hadlaan maadaama waqtigu habeen ku dhow yahay.
Ra’iisul wasaaraha waxaa uu soo maray magaalada Cadaado ee dhawaan lagu dhisay maamulka sharci darrada ah ee Galmudug, iyadoo halkaas soo dhowayn balaaran loogu sameeyay, kulana la qaatay Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Puntlandi.com- Garowe.