Galmudug VP visit Cabudwaaq huge crowd came out to welcome him new state has born

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Galmudug VP visit Cabudwaaq huge crowd came out to welcome him new state has born

Post by THE_TRUTH1 »

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo gaaray Caabudwaaq
0 COMMENTS


Wararka hadda ka imaanaya magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu gaaray madaxweyne ku xigeenka Dowlad gobaleedka Galmudug mudane Maxamed Xaashi Cabdi.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Caabudwaaq waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb qaatay dadweynaha iyo masuuliyiin kala duwan.

Maamulka degmada, culumada, waxgaradka, odayaasha dhaqanka, ururada bulshada, dhallinyarada, haweenka iyo xildhibaanno ka tirsan Galmudug ayaa Caabudwaaq ku soo dhoweeyay.

Madaxaweyne ku xigeenka Galmudug waxaa safarkiisa ku wehliya mudanayaal ka tirsan Galmudug ee golaha baarlamaanka waxaana uu hadda ku sugan yahay degmada Caabudwaaq.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”