The place seemed to be dead today, so this might help lit it up.
Alif wax ma leh iyo wax buu leeyahay sax ma wada noqon karaan. GalMudug waxay ka kooban tahay Mudug iyo Galguduud ama Dowlad Goboleed ma aha. Haddii sida magaceeda ka muuqata ay tahay Mudug iyo Galguduud, Puntland ayaa loo qarinayaa in la doonayo in Mudug oo dhan laga xukumi doono Dhuusa Marreeb, taas oo xaaladda maanta taagan aan u maleynayo in aanay suurta gal ahayn.
Haddii kale, waa magac lagu sasabayo dadka deggan Gobollada Dhexe, oo waxaa loo caleemo saarayaa Dowlad Goboleed ka kooban Gobol iyo bar oo markaa aan buuxineyn shuruudaha Dastuurka ku qoran.
Dowladda Federaalku waxay ku gabbatay Guddiga Soohdimaha in loo daayo oo isagu go’aan ka gaaro muranka Mudug ka taagan.
Waxa aan ka fekeray talooyinka aan is leeyahay Guddigu wey ka fekeri karaan si xal loo gaaro.
Guddigu wuxuu ku talo bixin karaa ayaan is iri in:
1) Mudug oo wada jirta la raaciyo Puntland.
2) Mudug oo wada jirta la raaciyo GalMudug.
3) Mudug laga dhigo laba Gobol oo midba dhinac raaco.
4) Mudug oo hal Gobol ah, sida qabiilka ku saleysan ee uu hadda u qeybsan yahay loo daayo, oo Galguduud iyo NusMudug maaddaama aanay noqon karin Dowlad Goboleed lagu daro maamulka hadda loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
5) Dastuurka la beddelo oo laga dhigo Gobol iyo ka badan in ay noqon karaan Dowlad Goboleed.
6) Dastuurka la beddelo oo laga noqdo nidaamka Federaalka gebigiisba.
Qodobbada kor ku xusan, waan jeclaan lahaa in aad ila wadaagto midka aad doorbidi lahayd. Sidaas oo kale, xal aan intaas ka mid ahayn haddii aad igu biirin kartana fadlan qeybta ra’yiga ku soo bandhig.
Wax kasta oo ay noqotaba, reer Mudug iyo siyaasiyiinta Federaakaba waxaa la gudboon in ay ahmiyadda koowaad siiyaan nabadgelyada. Xalka la doonayaa ha ahaado wax si nabadgelyo ah lagu aqbali karo.
Nabadda maanta taalla Gaalkacyo waxaa u sabab ah madax ay horsed u ahaayeen Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo Maxamed Faarax Caydiid oo laba ciidan oo dagaalay isu keenay, magaalada wada dejiyay, kana yeelay in ay wadajir u ilaashadaan amnigeeda. Labadaas mas'uul waxaan wakiilladooda dood ugu qabtay magaalada Gaalkacyo gudaheeda sannadkii 1996. Waxaan si wanaagsan u xusuustaa in iyaga oo hadalka isku maagaya, mid walibana uu isagu sheeganayo in nabaddu ay ku timid dulqaadkiisa in haddana la is oggolaa oo la is qaddarinayay. Tan ugu muhiimsanina ay ahayd in la aqbalsanaa in la wada noolaado.
Degmooyinka kale ee Gobolka Mudug ma aha kuwo la wada deggan yahay ama hadda muran la gelin karo dhanka ay ku kalsoon yihiin in ay ka tirsanaadaan oo Dowlad Goboleed ay la wadaagaan.
Waxaan u haystaa in 2015 qofka isku daya in uu magaalo Soomaaliyeed xoog ku qabsado ee ku xukumo uu yahay Ma-Gudbe aan wax ka baran casharrada qaraar ee uu noo dhigay macallinkeenna magaciisa la yiraahdo Dagaalka Sokeeye. Casharradaas wuxuu Macallinku noogu dhigay fasalkeenna oo ah dalkeenna.
Fikaradaha Akhristayaasha
Omar Abdullahi OmarJuly 15, 2015 at 6:19 PM
ASC Yusuf Garaad!
Ramadaan kariim/ Ciid wanaagsan Insha ALLAAH. Waxeey ila tahay tusaalooyinka aad bixisay 2 qodob ineeysan u cuntameeynin beelaha daga kasoo biloow Gaalkacyo iyo Marka iyo meel ka shisheeysaba.
Q. 1aad. Mudug laga dhigo laba Gobol oo midba dhinac raaco.
Q. 2aad. Mudug oo hal Gobol ah, sida qabiilka ku saleysan ee uu hadda u qeybsan yahay loo daayo, oo Galguduud iyo NusMudug maaddaama aanay noqon karin Dowlad Goboleed lagu daro maamulka hadda loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Aan kan hore qaato oo ah in gobol siyaado ah loogu daro beelo markii 18,kii gobol la sameynayay loo sad buriyay. Waxaan leeyahay iimaanka Allaha galiyo intii horana Allaha ku Anfaco. Hadii wax la badinayana gobollo iyo beello ka mudan ayaa jira.
Tan labaad. Wax shaqeynaayo maahan in beel ballaaran la yiraahdo 1 dowlad goboleed ayaa tihiin, hal codna waad leedihiin.Taas hal si ayeey ku dhici kartaa oo iyana ah in qoladan loo sadburiyo markoodoo gobolkii Madaxweyne Shariif Shiikh Axmad sameeyay ( Shabeelaha Sare) lasoo celiyo, kadibna Hiiraan iyo Galgaduud iyo Mudug barkeed hab beeleed lagu mideeyo. SHabeelaha Sare iyo Shabeelaha Dhexe la mideeyo oo Puntland na ay barkaas Mudug ah beel ahaan kula sii mid ahaato.
Waxa kalee wixi soomaali ay ka qabto ayeey u taallaa wax Galmudug hada dan gaar u naqanaayo uma arko maxaa yeelay waa dowlad goboleed dhisan oo nidaamki dhismaha dowladaha soo martay shuruucdiisna buuxisay. Puntland iyadaa u baahan in baarlamaanka la horgeeyo oo dowladaha ku bahoobay dowlada Federalka laga mid dhigo.
dah carJuly 15, 2015 at 6:31 PM
Yusuf Geraad waxan raba inaan talooyinkaga Comment ka bixiyo
Tan 1'aad in Mudug oo wada jirta la raaciyo Puntland. Waxey u muuqata inaysan socon karin.
2) Mudug oo wada jirta la raaciyo GalMudug. Taana Puntland marnaba ma yeelayso.
3) Mudug laga dhigo laba Gobol oo midba dhinac raaco. Taa suuro gal ma'aha sababtoo cid awood u leh ma jirto inay wax nuucaasa ku dhaqaaqdo. Waxey noqoneysaa fawdo oo waxey wado u furaysaa inay gobolo badan kala jabaan taaso dhibaato mooyee aan faaido ugu fadhin bulshada Soomaaliyeed.
4) Mudug oo hal Gobol ah, sida qabiilka ku saleysan ee uu hadda u qeybsan yahay loo daayo, oo Galguduud iyo NusMudug maaddaama aanay noqon karin Dowlad Goboleed lagu daro maamulka hadda loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Midan ayaa macquul ah. waajib ma aha in qabiilka dega galgaduud uu maamul gooni ah sameysto.
5) Dastuurka la beddelo oo laga dhigo Gobol iyo ka badan in ay noqon karaan Dowlad Goboleed.
Ma soconeyso in wixii la raba laga yeesho dastuurka. Lamana aqbali karo shaley dadkii dastuurka saan ku aqbaley in maanta markii arintu la qaraaraatey ka boodan oo yiraahdan saan ma aha waa fowdo aan la aqbali karin.
6) Dastuurka la beddelo oo laga noqdo nidaamka Federaalka gebigiisba. Waa macquul.
Reply
maan cabaasJuly 15, 2015 at 6:37 PM
Laba mid baa qabaa . 1- Xalka ugu fiican saan u arko waa in Federalka dhan dhexda ka baxaa oo dib uheshiisiin dhab ah oo la islaab xaarto ee SOMALIA oo dhan ka dhacdaa markaasna lagu heshiiyaa dowlada dhexe oo xoogan xukunkana shacabka loo dhaweeyaa oo dowladoda hoose degmo ilaa gobol ayaga so doortaan wax walbo dowlad dhexe leedahayna degmooyinkoda loogu geeyaa .
2 -Hadii Federalka la dhaho waa qasab oo ay noqoto in MUDUG lakala qaybiyaa ayadoo clan based federalism la qaadanayo waa in lagu laabta FEDERALKA dhan Iyo sida maamulada JUBBA & KOFUR GALBEED usameesmen oo reer walba degmada uu leeyahay kula midooba reerkisa kale saasna lagu wada jooga oo states federal qabiil toos ah lawada noqdaa .
Abdifatah HassanJuly 15, 2015 at 8:23 PM
Dastuurka makii la qorayey tan in ay imaanayso waa la ogaa oo reer walba dadkii matalayey ayaa joogay waana la wada saxiixay labo gobol & wixii ka badan. Dadka ayaana doorashada iska leh,
Hadii ay siyaasiyiin isku dayaan in ay u fakaraan dadka socon mayso, waana la og yahay sida ay rabaan dada dagan Mudug puntland.
Waxba yaan boor la isku qarin dastuurka waa in la waafajiyaa Galmudug + ahlusuna waljameeca sida ay rabaana iyaga loo daayaa hadii Galmudug Hiiraan ku biirayso & Hadii ay Puntland wadahadal la galayso igaa doorashada iska leh.
Madaxweyne Xassan Sheikh isagaa wakhtigiisii dastuurku siiyay isga dumiyey Raysalwasaarayaashii uu doortay in uu hadba mid badalo wakhti yarna waa u haray.
Soomaaliya ha noolaato insha-Allah.
Dadka inaga danbeeya ayaa kalsooni yeelanayaay maanta waxa taagan ku badalayn ee maanta tan taagan waxa u yeelay waa khibrada aanu leenahay cina Al-Shabaab aaminimayso oo Qabiilka dhaama.....
Atooraha xamarJuly 15, 2015 at 9:11 PM
mudug, galguduud, bari iyo nugaal in lees raaciyo
Hassan Abdikadir MohamedJuly 16, 2015 at 2:02 AM
Aniga waxaan qabaa taariikhda Soomaaliya dib ha loo eego wixii ka horeeyey xukunkii militeriga markaas oo uu wadanku ku koobnaa 8 gobol waxaan aaminsanahay in markaas lakala bixi karo waxaa igu maqaal ah in galdaduud iyo mudug hal gobol isku ahaayeen oo gaalkacyo caasimad gobol u aheed sidoo kale waxaan maqlay in golobka bari iyo nugaal la isku dhihi jiray MAJEERTEENIYA.
waxaa kale oo jirta in maadaama federaalka hadda la qaabatay asaga dhan la bilaabo hadda oo laga soo qaado un aysan hore u jiri jirin wax dowlad goboleed ka horeeyey dowladda hadda noo dhisan. Maadaama puntland ay ku doodo in ay ka weyntahay dowlad federalka ee curatay 2012, waxaan is leeyahay ma jiro wiil aabihiis ka weyn puntland waxay hoos tagtaa dolwlada federalka.
Waa fekerkeyga daciifka ah waxaan qalday ha la iga raali noqdo cidna colaad uma qabo kaliya aragtidayda ayaan cabiraayey
Feysal AbdullahiJuly 16, 2015 at 4:02 AM
I think the solution is in #6. I believe federalism is not appropriate for our people, because we're homogenous nation that shares the same religion, language, culture and there are no boundaries, I can say we're one ethnic group. the 18 regions left by the military regime are the best solution. those who are advocating for the Federal law are willing to create instability, new wars for resources, land ownership and grazing areas, instead they have to consider national interest and unity of the country which is an obligation of all citizens.
I would not mind Federal, but because of the track history of SOMALIS in the past and present, there will be increased competition over resources and BORDER boundaries, and the result will be a repeat of 1991 civil war.
Therefore, I propose that the legislators carefully study the imposition of the federal law and its consequences to the already complex situation of the somali politics.
Thanks Yusuf
Mustafe AbdiJuly 16, 2015 at 4:43 PM
Waxan Soo Jeedin lahaa Qodob kale Oo ah in Dastuurka laga dhigo 3 gobol oo la kordhiyo. Reer Mudug markaa Ciday Raacayaan iyagaa inoo shegi lahaa 2 da Maamul ee Mudug isku haystana 1.5 iyo 2.5 bay noqon lahaayeen.
btnsan JamaJuly 16, 2015 at 6:40 PM
ASC Ciid mubaarak kul caam wa intuu bikhayr Yuusuf Garaad waxaad soo jeedisay 6 talo oo wax ku ool ah anigu talo 7aad baan ku daraayaa
7) Mudug oo wada jirta ay dowlada federaalka la wareegto maamulkeeda gebi ahaanba Isla Markaana caasimada Soomaaliyana Gaalkacyo loo soo wareejiyo
Gaalkacyo waa lawada degaa maadaama ay Puntland kudoodayso xamar halbeel baa ku habsatay oo marti bay ku yihiin beelaha kale sidaa darteed PUNTLAND way soo dhawaynayaan hadii lasoo jeediyo qodobkaan.
Beelaha Gobalada dhexe waysoo dhawaynayaan hadii Gaalkacyo caasimada loo soo wareejiyo isla Markaana gobolada GALGADUUD, HIIRAAN, SHABEELADA DHEXE IYO BANAADIR WAXAY NOQON KARAAN DOWLADA GOBALEEDKA UGU SAL BALAARAN LEHNA KAABAYAAL DHAQAALE DEKED AIRPORT IYO DHUL BAAXAD WAYN BARWAAQO SOORAN.
Gaalkacyo ilaa Muqdisho waa 700 km
Gaalkacyo ilaa Hargaysa waa 700 km
Gaalkacyo ilaa Boosaaso waa 700 km
Gaalkacyo ilaa Jigjiga waa 700 km
Waa magaalo u dhexaysa beelaha ugu tunka WAYN Soomaaliya, way difaacan karaan wayna u soo gurman karaan degdeg haday Xabashi AMA cadow kale soo hujuumo
Mahadsanid
IlyasJuly 17, 2015 at 8:55 AM
Dastuurka la beddelo oo laga dhigo Gobol iyo ka badan in ay noqon karaan Dowlad Goboleed