













[youtube]TLuQZlWTQtw#t=334[/youtube]
Puntland oo 17-sano jirsatay.
Dawlada iyo dadweynaha reer Puntland,ayaa maanta oo sabti ah taariikhduna ay ku beegan tahay 1-da Agoosto 2015-ka u dabaaldagaya sanadguurada 17-aad ee aasaaska Puntland,maadama Puntland la aasaasay 1-dii Agoosto sanadkii 1998-dii.
Gobolada Puntland ayaa maanta ay ka dhici doonta Munaasabada lagu xusayo sanadguurada 17-aad ee aasaaska Puntland,xilli maalmihii ugu dambeeyay ay socotay qabanqaabada la isugu diyaarinayay xuska Munaasabada.
Marka laga tago dabaaldagyada wata farxada iyo tamaashaadka ee ka dhacaya Puntland,waxaa caawo jiri doona Khudbad uu Madaxweynaha Puntland u jeedin doono dadweynaha reer Puntland,taasi oo diirada ku saari doono arrimo badan oo ay ugu muhiimsan tahay Geedi socodka Siyaasadeed,dhaqaale,hormar iyo bulsho ee ka jira Puntland,shalay halkii ay joogtay,halka ay marayso iyo hiigsiga Puntland ee Mustaqballka.
Dadweynaha ayaa maanta isdhaafsanayay hambalyada Munaasabada 1-da Agoosto,waxaadna dareemaysaa sida ay Ummadda reer Puntland ugu wayn tahay 1-da Agoosto.
Warsidaha Puntlandi ayaa idiin soo gudbin doona Munaasabadaha lagu xusayo 1-da Agoosto ee ka dhacaya gudaha iyo dibada,hadduu EEBE idmo.
Hadaba maamulka iyo hawlwadeena Warbaahinta Puntlandi ayaa Ummadda reer Puntland ugu hambalyaynaya Munaasabada 1-da Agoosto.
http://www.puntlandi.com.