Egypt delegation and Hiraan Governor sign economic cooperation and Aid Package deal in Beledweyn

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Egypt delegation and Hiraan Governor sign economic cooperation and Aid Package deal in Beledweyn

Post by THE_TRUTH1 »

Egypt delegation and Hiraan Governor sign economic cooperation and Aid Package deal in Beledweyn
Image
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Wafdi ka socda dowladda Masar oo gaaray Beledweyne “Sawirro”
Posted on August 2, 2015 by Mustaf Mustaf in WARAR, WARARKA // 0 Comments




Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax oo ay wehliyaan wafdi ka socda dalka Masar iyo qusulka Safaarada Somalia ee magaalada Qaahira, ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Image
Guddoomiyaha iyo xubnnaha wafdiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka heer gobol iyo degmo, iyo xubnno isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada sida ururka dhanlinyarada Gobolka Hiiraan.

Intaa kaddib guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb-gallay munaasabad kooban oo lagu soo dhaweynayay taa oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka.

C/fataax Xasan Afrax oo warbaahinta la hadllay ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedada socdaalka wafdiga ka socda dalka Masar, isaga oo sheegay in ujeedada socdaalkoodu yahay siddii ay mashaariic kala duwan uga fulin lahaa gobolka, gaar ahaan magaalada Beledweyne.

“Maalmaha soo socda wafdiga waa ay nala sii joogi doonaan, iyagoo booqan doonna xeryaha ay degan yihiin dadka danyarta ah, oo qorshuhu yahay in dib u dajin loo sameeyo, loona dhiso guryo ka wanaagsan kuwa hadda ay ku nool yihiin” ayuu yiri Cabdifitaax Xassan Afrax,

Mar uu ka hadllayay Mashaariicda ay Qorsheynayaan inay ka fuliyaan Gobolka ayuu yiri. “Waxaa ka mid ah dhismaha isbitaal weyn oo ay ka howlgali doonnaan dhaqaatiir Masaari ah, Iskuul waxbarasho oo ay her-galin doonto Jaamacada Al-Azhar, waxaa siddoo kale ka mid ah mashaariic lagu hormarinayo beeraha iyo kuwa kale oo badan.”

Dhinaca kale, Cabdifitaax Xassan Afrax ayaa u sheegay dadkii ka soo qeyb-gallay munaasabada in dhawaan magaalada Beledweyne uu ka furmi doonno shirka dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, siddaa daraadeed looga baahan yahay bulshada in ay u diyaar-garoobaan.
Image
“Dhawaan waxaa halkan ka furmaya shirweynaha dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, siddaa daraadeed waa in dhamaanteen u diyaar-garoownaa siddii aan uga qeyb-qaadan laheyn sugidda ammniga iyo soo dhaweynta ergada ka qeyb-galli doonnta shirka,” ayuu yiri Afrax.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya xoolaha laga dhoofiyo gobolka Hiiraan si toos ah u taggi doonaan Masar, halka markii hore loo iib-geyn jiray dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.

Image
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Egypt delegation and Hiraan Governor sign economic cooperation and Aid Package deal in Beledweyn

Post by THE_TRUTH1 »

Image


Image

Image
Image
Image
Jowhar
:stylin: :som: :up: :clap:
God bless Federalism
theyuusuf143
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17681
Joined: Sun May 01, 2011 1:15 pm
Location: "Dareen naxli reeba iyo nolosha aan loo sinayn naftaaday dhaawacaan" by dhaglas

Re: Egypt delegation and Hiraan Governor sign economic cooperation and Aid Package deal in Beledweyn

Post by theyuusuf143 »

THE_TRUTH1 wrote:Image


God bless Federalism
Gobolkan weli magac looma bixin laakiin anigaa u bixinaya maanta. I hope in Gudiga maamul u samayntu qaadato magacaaan soo jeediyo. Isutaga gobolada hiiraan iyo shabeele waa....
HIR-SHABEEL ama Hirshabeel. Makala aqaan sida xawaadle iyo abgaalku dhulka u wada degaan laakiin waxan soo jeedin lahaa in buulobarde noqoto xarunta gobolka.
cheifaqilbari
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1927
Joined: Wed Jul 22, 2015 11:21 pm

Re: Egypt delegation and Hiraan Governor sign economic cooperation and Aid Package deal in Beledweyn

Post by cheifaqilbari »

^ news is saying its going to be called shabelle state from xamar government papers. .beautiful pictures .
User avatar
Somaliman%
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3787
Joined: Sat Mar 06, 2004 7:00 pm
Location: The hills. England,
Contact:

Re: Egypt delegation and Hiraan Governor sign economic cooperation and Aid Package deal in Beledweyn

Post by Somaliman% »

Mansha allah, beautiful region. Somalia is truelly on the move federalism is the way forward...ilaahow khery ka dhig.
User avatar
barbarossa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5560
Joined: Mon Sep 19, 2011 11:58 am
Location: Souviens-toi l'essentiel, oublie l'eccessoire.

Re: Egypt delegation and Hiraan Governor sign economic cooperation and Aid Package deal in Beledweyn

Post by barbarossa »

The Islamic Republic of Shabeelle is yet officially to be formed and they are already signing major cooperation deals with foreign entities? Congrats to our Reer Shabeelle brorhers for being way ahead of the game! Other Skinny republics better take note.
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Egypt delegation and Hiraan Governor sign economic cooperation and Aid Package deal in Beledweyn

Post by THE_TRUTH1 »

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo la sheegay inuu ka furmayo Beledweyn
by A M | Monday, Aug 3, 2015 | 1340 views




Agosto 3 (Jowhar)— Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa sheegay in todobaadka soo socda uu ka furmayo magaalada Beledweyne shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe,kaasoo ay ku howlan tahay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.


Image
C/fataax Xasan Afrax ayaa maanta ka sheegay magaalada Beledweyn in shirka uu maalmaha soo socda furmayo, isagoo ugu baaqay shacabka reer Hiiraan inay u diyaar garoobaan soo dhoweynta ergada ka qeyb galeysa shirka iyo kuwa ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Waxaa todobaadka soo socda ka furmaya Beledweyn shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waa la socotaa Federaalka sameyntiisa inay socoto, waxaa ugu baaqayaa reer Hiiraan in martida idin imaaneysa soo dhoweysaan, guryaha ugu baxdaan”ayuu yiri C/fataax Xasan Afrax.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in arrimaha shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ka soo socotay Addis Ababa illaa Muqdisho, ayna isaga iyo Madaxweynaha iska arkeen, waxaana uu tilmaamay in Madaxweynaha uu imaan doono Beledweyn.

Inkastoo aanay wali la shaacin goobta rasmiga ee lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, hadana ma jiro war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku aadan halka uu marayo howlaha maamul sameynta Labada Gobol ee ah kuwa kaliya ee ka haray dhismaha Maamul goboleedyada.

Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa wali qaban shir ku saabsan arrimaha maamul u sameynta Gobolladan oo loo qabtay dhinacyada ka soo jeeda labada gobol, si la mid ah shirarkii lagu saxiixay dhismaha Maamuladii ay dowladda Federaalka dhismaheeda kaalinta ku laheyd, sida kii Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Dhinaca kale waxaa la isla dhex marayay halka ay noqoneyso Caasimadda Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo halka uu ka imaanayo Madaxweynaha, waxaana labadan qodob ay ahaayeen kuwo ugu xasaasisan ee aan wali lagu heshiin go’aan laga gaarin.

Dad badan ayaa dhegta u taagaya shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana wali la dhowrayaa magacaabida Guddiyadii u howl geli lahaa ka shaqeynta dhismaha maamulkan.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”