Pres Gaas in GLK

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Halmog
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 908
Joined: Thu Jun 27, 2013 1:14 pm
Location: I LIKE THE WAY YOU DIE BOY

Pres Gaas in GLK

Post by Halmog »

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17-8-2015 ku dhex lugeeyey qeybo kamid ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug .

Madaxweynaha oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa socod ka bilaabay isgooyska isku xira laamiga weyn iyo laamiga cusub ee loo bixiyey SYL .

Ugu horeyn madaxweynuhu waxaa uu socod dheer ku tagey Hotelka Shaariqa , waxaaana halkaas ku sugnaa dadweyne kala duwan oo damaashaadayey , waxaana uu madaxweynuhu si kalsooni kujirto wakhti ula qaatay shacabkii halkaas ku sugnaa .

Intaas kadib ayaa madaxweyne Gaas waxaa uu tagey Hotelka uunlaaye oo kamid ah koobaha inta badan bulshadu isugu timaado, waxaana ay dadkii halkaas ku sugnaa fursad u heleen in madaxweynahoodu la qaxweeyo islamarkaana uu wakhti fiicana uu la qaato.

Madaxweynaha oo sii watay socodkiisa ayaa hadana waxaa uu booqday Radio Gaalkacyo oo kamid ah warbaahinta Gobalka Mudug , isagoona indha indheeyey qeybaha ay idaacadu ku shaqeyso .

Radio Gaalkacyo ayaa Madaxweyne Gaas waxaa uu uga sii gudbay Hotel Classic , waxaana halkaas ku qaxweynayey masuuliyiin iyo shacab , qeyb kamid ah hotelka oo carwo ah ayuu madaxweynuhu ka dukaamaystay mudadii uu halkaa ku sugnaa.

Hotel Aljazeera ayaa isna kamid ahaa Goobihii uu maanta socodka ku tagey Madaxweyne Gaas, waxaana si wanaagsan Hotelkaas ugu soo dhaweeyey madaxweynaha maamulka iyo howlwadeenada Hotel Aljazeera.

Madaxweyne Gaas ayaa Salaadii duhur waxaa uu boqolaal dadweyne ah kula tukaday Masaajidka Ramadaan oo kamid ah masaajidada waaweyn ee ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudubad u jeediyey dadweynihii ku tukanayey masaajidka ayaa ugu baaqay inay kaalin buuxda ka qaataan Nabadgelyada iyo horumarinta, waxaana uu culimada kula dardaarmay in bulshada ku wacyigeliyaan waxa wanaagsan si aqoontooda diimeed u kobocdo.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sanad iy bar kadib waxaa siweyn looga dareemayaa isbadel dhinac kasta ah, waxaana kusoo badanaya goobo ganacsi oo casri ah kana qeyb-qaadanaya bilicda iyo horumarka Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
User avatar
Halmog
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 908
Joined: Thu Jun 27, 2013 1:14 pm
Location: I LIKE THE WAY YOU DIE BOY

Re: Pres Gaas in GLK

Post by Halmog »

About US and Contact Info.
About US and Contact Info
Search in site...
Monday, August 17th, 2015 | Posted by pi4
(Faahfaahin+Sawiro) Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xariga ka jaray Waddooyin Laami ah magaalada Gaalkacyo
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa,maanta si rasmi ah xariga uga jaray laba laami oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka Magaalada Gaalkacyo Gobalka Mudug ee Puntland.
Xafladd kooban oo loo qabtay xarig jarka laamiyadaasi ayaa waxaa kasoo qeyb-galy Wasiiro, Xildhibaano, Haween iyo Dhalinyaro ku labisanaa dharka hiddaha iyo dhaqanka isalamrkaana lulayey caleemo qoyan iyo calanka Puntland.
Waddooyinkaan laamiga ah oo ay fulisay Dawladda Puntland waxaa ay dhererkoodu dhan yahay 2,600mitir iyo 650mitir , waxaaana ay ka qeyb qaadanayaan bilicda iyo Nabadgelyada Puntland gaar ahaan Gobalka Mudug.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa sheegay in fulinta wadooyinkaan ay kamid yihiin mashaariicda Dawladdu ugu talagashay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.
‘’ Waxaan rabnaa in magaalada laamiyaal iyo jidad wanaagsan yeelato , waxaan sidookale rabnaan in magaalada bilicdeeda wax iskabadalaan , marka waxaan rajeyn inaad diyaar u tihiin jidadkaan iyo jidadkale oo bilacda magaalada ka qeyb qaadanaya , idina waxaa laydinka rabaa meeshi la marin lahaa ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobalada Puntland waxaa si habsami leh uga soconaya mashaariicda Dawladda , kuwaas oo si dar dar leh loo fulinayo si isbadel wanaagsan oo dhinackast ah Puntland looga dareemo looguna horumariyo.

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
User avatar
Halmog
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 908
Joined: Thu Jun 27, 2013 1:14 pm
Location: I LIKE THE WAY YOU DIE BOY

Re: Pres Gaas in GLK

Post by Halmog »

Image

Image
Image
Image
User avatar
Halmog
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 908
Joined: Thu Jun 27, 2013 1:14 pm
Location: I LIKE THE WAY YOU DIE BOY

Re: Pres Gaas in GLK

Post by Halmog »

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Gaalkacyo xariga kaga jaray Saldhiga Booliska Gobalka Mudug oo lagu sameeyey dib u habeyn.
Xafladda Xarig jarka oo ka dhacay xarunta cusub ee saldhiga Booliiska Gobalka Mudug waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur, Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen : Cabdirisaaq Afguduud , Saraakiil katirsan ciidanka Booliska Puntland iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu xariga kajaray xaruntaas cusub , waxaa uu indha indheeyey qeybaha uu ka koobanyahay.
Saraakiisha booliska ayuu Madaxweynuhu kula dardaarmay in xaruntaan cusub ay ilaaliyaan Nidaamka shaqo iyo Nadaafadeeda, islamarkaana ay noqoto xarun si joogto ah u shaqeynaysa .
Magaalada Gaalkacyo waxaa si rasmi ah uga soconaya mashaariicda horumarineed ee ay dawladdu ugu talagashay , amaankeeduna maalinba maalinta ka dambeeysa waa uu sii wanaagsanaanayaa.
Daawo Sawirro.

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
User avatar
GAMES
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8220
Joined: Fri May 25, 2001 7:00 pm
Location: U.S

Re: Pres Gaas in GLK

Post by GAMES »

What is he doing in Gaalkacyo?
User avatar
Halmog
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 908
Joined: Thu Jun 27, 2013 1:14 pm
Location: I LIKE THE WAY YOU DIE BOY

Re: Pres Gaas in GLK

Post by Halmog »

GAMES wrote:What is he doing in Gaalkacyo?
Visiting the land he rules & people.
User avatar
Halmog
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 908
Joined: Thu Jun 27, 2013 1:14 pm
Location: I LIKE THE WAY YOU DIE BOY

Re: Pres Gaas in GLK

Post by Halmog »

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18-8-2015 hoygiisa magaalada Gaalkacyo kula kulmay Nabadoonada Gobalka Mudug.
Kullanka oo ay kasoo qeyb-galeen Nabadoonada Gobalka Mudug ayaa waxaa looga hadlay mudadii uu socday xoojinta wada shaqeynta Dawladda iyo Nabadoonada , Nabadgelyada Gobalka iyo gacan siinta laamaha amaanka , xoojinta midnimada iyo Wadajirka , dib u habeynta bilicda magaalada iyo Bixinta canshuuraha.
Nabadoonada Gobalka Mudug ayaa waxaa ay madaxweynaha ka codsadeen in wakhti kordhin uu u sameeyo Dadweynaha looga baaqay inay ka baxaan dhulka Dawladda ee ku yaala magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo loo qabtay saddex maalmood .
Madaxweyne Gaas ayaa dhankiisa Nabadoona codsiga ay u jeediyeen uga jawaabay in wakhti uu u kordhinayo oo keliya dadka ay ku adag tahay in si fudud uga guuraan , islamarkaana ay u taalo alaab badan hanoqoto adeeg ganacsi iyo wixii lamid ah, balse dadka kale ayuu ugu baaqay in ay wakhtigii loo qabtay uga guuraan si hantidaasi gacanta Dawladda ugu soo noqoto.
Sidookale Madaxweynaha ayaa Nabadoonada uu la kulmay u sheegay in dhulka Dawladda ee laga saarayo Dadweynaha aan lagu celineyn dadkale gacantood , balse loogu shaqeynayo danaha guud ee shacabka.
Waxaa weli magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ka soconaya kulamada uu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas la qaadanayo waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gobalka Mudug.

Image
Image
Image
Image
User avatar
Idman702
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3486
Joined: Mon Mar 02, 2015 11:06 am

Re: Pres Gaas in GLK

Post by Idman702 »

Halmog wrote:
GAMES wrote:What is he doing in Gaalkacyo?
Visiting the land he rules & people.
:lol: :lol:

:up:
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”