Cali Guudlawe Xuseen Governor of Sh/dhexe, celebrates a Year of Progress and milestone achievement

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Cali Guudlawe Xuseen Governor of Sh/dhexe, celebrates a Year of Progress and milestone achievement

Post by THE_TRUTH1 »

Cali Guudlawe Xuseen Governor of Sh/dhexe, celebrates a Year of Progress and milestone achievement

Image


Xaflad lagu qabtay garoonka kubbada kolayga degmada Jowhar ayna ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Sh/dhexe,maamulada degmooyinka,saraakiil ciidamada ammaanka iyo boqolaal dadweyne ah ayaa lagu daawaday filim ku saabsanaa waxqabadka maamulka mudada halka sano ah ee uu jiray.
Image
Image
Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xildhibaan Qaasim Cali Nuur iyo danjirihii hore ee dalka Soomaaliya u fadhiyay wadanka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko.
Image
Waxqabadka la soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa hirgelinta mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyay degmooyinka Jowhar,Balcad, Warshiiq iyo Cadale.
Image

Qudbad uu ka jeediyay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlawe Xuseen xafladan ayaa sheegay in degmooyinka ay weli haystaan Maleeshiyadka Ugus dhawaana laga xoreyn doono isagoo ballanqaaday in sanadkan kiisa kale ay xaflad ku dhigan doono degmada Ruunnirgood oo ka mid ah degmooyinka ay haatan ku dhuumaaleysanayaa Ururuka Gudmaadka umadda Soomaaliyeed Ee UGUS.

“Waxaan hirgelin doonaa dhowaan mashaariic isugu jira kuwo caafimaad,waxbarasho iyo beero maadaama gobolka uu yahay mid ammaan ah.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe.

Guddoomiyaha ayaa munaasibaddaasi ka ballan qaadayin laga hirgelin doono gobolka Sh/dhexe mashaariic ay ka mid yihiin qodista 40 ceel gaar ahaan deegaanada ay ka jirto biyo la,aanta.
Munaasabadan ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala Duwan oo soo jiidatay ka qeybgalayaasha xafladda taas ay soo bandhigayeen kooxaha fanka oo uu hormuud ka ahaa Alfanaan Cabdow Caramram.
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: Cali Guudlawe Xuseen Governor of Sh/dhexe, celebrates a Year of Progress and milestone achievement

Post by TheblueNwhite »

I love the Sh/Dhexe atmosphere.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”