Somali Arm force based in Shabeellada Hoose; are heading to liberate Jilib Jubbada Dhexe.

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Somali Arm force based in Shabeellada Hoose; are heading to liberate Jilib Jubbada Dhexe.

Post by THE_TRUTH1 »

Guddoomiyaha Shabeellada Hoose ayaa shaaciyay inay ka billaabi doonaan Gobolka Howlgallo ay doonayaan in Xoogagga Al-shabaab uga saaraan qaybaha ay kaga sugan yihiin Gobolka ayna ku gaaraan degmada Jilib ee Goboka Jubbada Dhexe. - See more at:

Image

Isniin, Ogoosto 24, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa ka hadlay iska-horimaadyo Ciidamada Dowladda Somalia iyo Kuwa AMISOM oo Is-garab-sanaya iyo Al-shabaab ku Dhex-maray Gobolka Shabeellada Hoose.

C/qaadir Sidii ayaa xusay in xoogagga Al-shabaab ay isku dayeen inay beero aseendooyin ah oo ku yaalla Gobolka Shabeellada Hoose ay ku dhuuntaan, sida uu sheegay markii laga soo eryay deegaanno ka tirsan Gobollada Bakool iyo Bay oo howlgallo ka socdaan.

“Kooxihii Al-shabaab waxay isku dayeen markii laga soo eryay Deegaanno ka kala tirsan Gobollada Bay iyo Bakool inay ku dhuuntaan beero waaweyn oo ku yaalla deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose; waxaan halkaas dagaal kula galay ciidamada dowladda Somalia,” ayuu yiri C/qaadir Siidii.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu xusay in deegaanno u dhexeeya Degmooyinka Afgooye iyo Awdheegle ay isku dayeen inay Al-shabaab ku dhuuntaan, kuwaasoo uu sheegay inay ka mid yihiin; Sabiid, Canaale, Bariirre iyo Mareerey, balse ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda oo aad u fara badan ay halkaas ka saareen.

“Howlgalkan waxaan uga mahadcelinaynaa Taliyaha Nabad-sugidda Somalia, C/raxmaan Tuur-yare oo ciidammo xoog badan u soo diray deegaanka kuwaasoo ka saaray Al-shabaab Sabiid, Caanoole iyo Mareerey, iyagoo doonaya inay dadka ku bireeyaan halkaas,” ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiye C/qaadir Siidii.
Image
Mar la weydiiyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose khasaarooyinkii ka dhashay dagaalladaas, ayuu sheegay inuu filayo in maxaabiis ayna soo bandhigi doonaan, isagoo ku daray intaas in Qorshihii Al-shabaab ay damacsanaayeen laga hortagay.

“Al-shabaab waxay doonaysay inay ka fuliso deegaannadan sidii weerarkii ay ka geysteen deegaanka Leego oo kale, Laakiinse Alle taas ma dhihin oo waa laga gaaray, Waxaana loo geystay dhibaato xoog leh, dad u xirxirnaana waa laga fakiyay,” ayuu mar kale yiri Siidii oo Warbaahinta la hadlayay isagoo ku sugan Gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Shabeellada Hoose ayaa shaaciyay inay ka billaabi doonaan Gobolka Howlgallo ay doonayaan in Xoogagga Al-shabaab uga saaraan qaybaha ay kaga sugan yihiin Gobolka ayna ku gaaraan degmada Jilib ee Goboka Jubbada Dhexe.

Ugu dambeyn, Xarakada Al-shabaab oo dhankeeda ka hadashay dagaallo ay kula galeen Gobolka Shabeellada Hoose Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo AMISOM ayaa sheegay inay kula wareegeen deegaan Mareerey iyo Sabiid oo ka tirsan degmada Afgooye.
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Somali Arm force based in Shabeellada Hoose; are heading to liberate Jilib Jubbada Dhexe.

Post by original dervish »

The socalled Somali army has never ever liberated so much as a stretch of pavement without Amisom. :)
The title of the thread is just wishful thinking on the part of the op.
MJ360
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 332
Joined: Sun Jun 30, 2013 10:15 am
Location: Negate the "Somali" out of Mogadishu's government

Re: Somali Arm force based in Shabeellada Hoose; are heading to liberate Jilib Jubbada Dhexe.

Post by MJ360 »

:dead:
MarsinQorahay
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3328
Joined: Tue Oct 30, 2012 8:34 am
Location: Hawd bartu geela ka daaqo.

Re: Somali Arm force based in Shabeellada Hoose; are heading to liberate Jilib Jubbada Dhexe.

Post by MarsinQorahay »

:lol: soviet union miya
User avatar
thegoodshepherd
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3571
Joined: Thu Jan 09, 2014 2:59 am
Location: Somalinet boycott by Puntites in effect 24/12/14

Re: Somali Arm force based in Shabeellada Hoose; are heading to liberate Jilib Jubbada Dhexe.

Post by thegoodshepherd »

Alshabab continue to control Sablale and Kurtunwaaray, as a matter of fact they cut off water to a lot of towns and continue to extract tax. They should try liberating those areas first before dreaming of J/L.
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Somali Arm force based in Shabeellada Hoose; are heading to liberate Jilib Jubbada Dhexe.

Post by THE_TRUTH1 »

Agosto 24 (Jowhar)— Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in la diyaariyay ciidamadii ka qeyb qaadan lahaa sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka Jubbada dhexe oo ah gobolka kaliya ee Al-Shabaab si buuxda gacanta ugu hayaan.

Axmed Madoobe oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in howl galkaas uu dhowaan bilaaban doono, isagoo xusay in ciidamada maamulkiisa ay diyaar yihiin, isla markaana ay ka sugayaan xiriirinta howl galkaas AMISOM iyo dowladda Federaalka.

“Waxaa hada qorsheysan in la bilaabo wajiga labaad ee howl galka oo la qabto Jubadda Dhexe, aniga Jubbaland ahaan ciidamadeena waa diyaar, waxaa ka rajeyneynaa xiriirinta AMISOM iyo dowladda Federaalka in arrintaas si deg deg ah la isku aadiyo, waqti dhow waa bilaaban doonaan barnaamijkaas jadwalka ku jiro”ayuu yiri Axmed Madoobe

Axmed Madoobe ayaa xusay in howl galka ay ka wadaan Jubooyinka uu ka dhib badan yahay kuwa kale, maadaama gobolka uu yahay dhul keyn ah iyo meelo lagu dhuumaaleysan karo, isla markaana culeyska Shabaab uu badnaa markii dagaalka ay ka soo bilaabayeen xuduuda.
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Somali Arm force based in Shabeellada Hoose; are heading to liberate Jilib Jubbada Dhexe.

Post by THE_TRUTH1 »

Xxmed Modoobe

Image

They started with 1500 hundred soldiers after 4 years now down to 700 to a thousand max , thats not enough to secure Kismaayo and Afmadow


when was last time they made Move biesege in Kismaayo ? Barre Hirrle In Gobweyn had him besiege with Kenyans kkk :D
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”