1.1. Dhulbahante wuxuu 95% isku raacay inuu si buuxda uga mid noqdo jamhuuriyadda Somaliland.

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

ramzy2277
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2253
Joined: Sat Aug 17, 2002 7:00 pm
Location: from

1.1. Dhulbahante wuxuu 95% isku raacay inuu si buuxda uga mid noqdo jamhuuriyadda Somaliland.

Post by ramzy2277 »

Hargeysa(Ramaas)October-04-2015- Guddi lagu magacaabo Guddiga fulinta ee golaha middaynta beelaha Dhulbahante ayaa soo saaray bayaan cad oo muujinaya in la gaadhay xilligii ay beelahaasi dhinac isugu luga duwan lahaayeen, isla markaana ay wadahadal toos ah la geli lahaayeen Somaliland.



Bayaankaa oo ay ku saxeexan yihiin Gudoomiyaha guddidaas Dr Faarax Cali Shire, Gudoomiye xigeenka guddidaas Chief Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Dheeg, Xoghayaha Guddiga Fulinta Jaamac Ismaaciil Dhible iyo Afhayeenka Chief Caaqil Cabdillaahi Yuusuf Kooreeye, waxa lagu socodsiiyay Madaxa kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, Isimadda iyo waxgaradka beelaha Dhulbahante, waxaanu u dhignaa sidan; “

Ujeeddo: Go,aamadda guddiga fulinta ee golaha middaynta Dhulbahante



Golaha midaynta siyaasadda Dhulbahante waxa la sameeyay 09. 01.2015, goobtuna waxay ahayd Laascaanood. Goluhu wuxuu magacaabay guddi fulineed oo soo baadha xaaladda siyaasadeed ee beeshu ku sugantay, isla markaana go,aamo rasmiya ka soo saarta mustaqbalka iyo iyo wadajirka beesha. Guddigu wuxuu yool ka dhigtay afar qodob oo kala ah;



1. Sidii loo midayn lahaa deegaannada Dhulbahante oo ay hadda kala xukumaan Somaliland iyo Puntland.

2. Sidii dhulbahante uga tashan lahaa hab dhaqanka Isimadda iyo maamuladda ay kala aaddeen.

3. Maamulka ugu haboon ee Dhulbahante gorgortan siyaasadeed la galo.

4. Tallooyinka lagu gaadhi karo midnimadda beesha.

Guddiga waxay ku qaadatay muddo lix bilood ah sidii ay xal ugu heli lahaayeen qodobadaa. Guddigu waxay qodobadaa dhex dhigeen dadweynaha Dhulbahante, isla markaana waxa ka soo baxday qiyaastan.



Boqolkiiba 95% waxay ogolaadeen go,aanadda guddiga ee hoos ku qoran.

Boqolkiiba 5% waxay soo jeediyeen in Dhulbahante iska ahaado sida uu hadda yahay, iyagoo kala wata dano kala duwan sida;

Koox yar oo aaminsan in cid kastaa Dhulbahante la col tahay.

Koox yar oo sadexda maamul u kala shaqaysa.

Koox ay ku qufulantay hebel baa sidaa yidhi.

Haddaba anaga oo fulinayna aragtida inta badan oo dhan 95%, waxaanu cid kasta u cadaynaynaa go,aamadan;



Go,aanka Koowaad



1.1. Dhulbahante wuxuu 95% isku raacay inuu si buuxda uga mid noqdo jamhuuriyadda Somaliland.



1.2. Madaxda Somaliland waxa waajib ku ah inay maamulka dawladda gaadhsiiso deegaamada bariga goboladda Sool, Sanaag, Buuhoodle iyo Xaysimo oo dhan.



1.3. Xukuumadda iyo Komishanka waxa waajib ku ah inay kaadhadhka dhalashada iyo cod bixinta gaadhsiiyaan deegaanada Dhulbahante oo dhan si ay doorashadu mid xor iyo xalaal ah.



1.4. Guddiga beesha waxa waajib ku ah hirgelinta iyo ka qayb qaadashada doorashooyinka.



Go,aanka labaad



2.1 Guddigu wuxuu ogolaaday saxeexyadii Isimadda ee ugu horeeyay ee ay Burco ku galeen 18.may.1991, kaasoo cadaynayay gooni isu taaga Somaliland.



2.2 Guddigu wuxuu tirtiray saxeexyadii Isimadda Dhulbahante la galeen Puntland iyo dawladda soomaaliya.



2.3 Isimadda Dhulbahante shaqo kuma laha siyaasada, marka laga reebo goob joog ahaan, talo soo jeedin iyo duco sidii dhaqanku ahaan jiray.



2.4 Guddiga shirarka waxa hogaamin doona Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo Prof. Cali Ciise Cabdi iyo guddiga fulinta ee midaynta.



Go,aanka Sadexaad



3.1 Dhulbahante wuxuu shir siyaasadeed la galayaa Madaxweynaha, xukuumadda dhexe iyo ciddii kale ee looga maarmi waayo.



3.2 Dhulbahante wuxuu soo diyaarsaday 13 qodob oo dan guud iyo mid deegaan ah, oo ay saldhig u yihiin saamigii xubnihii baarlamaanka ee 1960 oo ahaa 33 xildhibaan.



3.3 Guddigu wuxuu halkan ku cadaynayaa 3 qodob oo ka mid ah 13 qodob.



..Jiritaanka Somaliland waa muqadas lama taabtaan ah.



..Xuduudaha Somaliland waa midkii Ingiriiska iyo Talyaanigu kala qorteen.



.. Qodobadda ay ku heshiiyaan ergadda Dhulbahante iyo xukuumaddu waxa wada ogolaanaya, wadana saxeexaya sadexda gole qaran, waana inay noqdaan lifaaq ka mid ah distoorka qaranka muddo boqol sano ah.



3.4. Waxaa Dhulbahante shirka turxaan bixinta siyaasadeed iyo nabadgelyo uga qayb geli doonna Cuqaal, Aqoonyahano iyo wax garad ka kooban 55 xubnood.



Go,aanka Afraad



4.1. Laga bilaabo taariikhda go,aankan waxa loo gudbay ku xisaabtanka qalinka, waxaana meesha ka baxaya xabadii iyo colaadii ku saabsanayd siyaasadda.



4.2. Waxa waajib ah inay beelaha Dhulbahante diidaan dagaal dambe oo ay amraan ragga wiilashoodii jaamacadaha u dirsaday.



4.3. Cadaaladda Somaliland waxa saldhig u ah 33 xildhibaan ee 1960, waxaana loo kala lahaa sidan hoos ku qoran;



.. Beelaha Isaaq 21 xubnood



..Beelaha Dhulbahante 5 xubnood



..Beelaha Samaroon 3 xubnood



.. Beelaha Ciise 2 xubnood



.. Beelaha warsangeli 2 xubnood.



Dhulbahante wuxuu ku xisaabtamayaa saamigiisa oo dhinac kastaba buuxa.”

Xigasho: Wargeyska Ogaal

Source:

http://ramaasnews.com/index.php/News/Dh ... ptcNr.dpuf
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5296
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: 1.1. Dhulbahante wuxuu 95% isku raacay inuu si buuxda uga mid noqdo jamhuuriyadda Somaliland.

Post by KingWaslawi »

Ma la hubaa niyaw
Image
ramzy2277
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2253
Joined: Sat Aug 17, 2002 7:00 pm
Location: from

Re: 1.1. Dhulbahante wuxuu 95% isku raacay inuu si buuxda uga mid noqdo jamhuuriyadda Somaliland.

Post by ramzy2277 »

this is another website about the same issue,lets wait for the videos.

http://qorilugudnews.com/articles/13371 ... hulbahante
User avatar
gegiroor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6445
Joined: Sun Mar 22, 2015 11:57 pm

Re: 1.1. Dhulbahante wuxuu 95% isku raacay inuu si buuxda uga mid noqdo jamhuuriyadda Somaliland.

Post by gegiroor »

Ha dhakhlayso, maxaa hadba koox yar oo qol hoostiis ku shirtay sheeko xariir soo qoratay. Warkani waa been iyo wax kama jiraan. Truth needs to be told. I guess the men who issued that call do want to join SL wakiilada so Cirro can beat them up. I say Cirro is gonna beat them up all :dead:
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5296
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: 1.1. Dhulbahante wuxuu 95% isku raacay inuu si buuxda uga mid noqdo jamhuuriyadda Somaliland.

Post by KingWaslawi »

^^^
Qabyaalad baa dhuuxa kaaga jirta niyaw ma is tidhi, SOMALILAND waa wadankoodii noocaagaa qabyaaladsan waxba kama waydiinayaan. Orod oo Puntland taad ku khafiiftay doono.

Gacanyare ayaa tahee, Udun dhaka malaas.
User avatar
thegoodshepherd
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3571
Joined: Thu Jan 09, 2014 2:59 am
Location: Somalinet boycott by Puntites in effect 24/12/14

Re: 1.1. Dhulbahante wuxuu 95% isku raacay inuu si buuxda uga mid noqdo jamhuuriyadda Somaliland.

Post by thegoodshepherd »

Nin ilma adeerayashi raba in uu wax la qeybsado ayu leeyahay "gacanyare aya tahay", Walee waa aduun gadoon.
Gobonimadi aya noqotay wax laga xumaado :lol:


BTW waxba kama jiraan this declaration, there was no such meeting.
User avatar
mahoka
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8700
Joined: Wed May 27, 2015 7:57 pm

Re: 1.1. Dhulbahante wuxuu 95% isku raacay inuu si buuxda uga mid noqdo jamhuuriyadda Somaliland.

Post by mahoka »

thegoodshepherd wrote:Nin ilma adeerayashi raba in uu wax la qeybsado ayu leeyahay "gacanyare aya tahay", Walee waa aduun gadoon.
Gobonimadi aya noqotay wax laga xumaado :lol:


BTW waxba kama jiraan this declaration, there was no such meeting.
no one likes mj, not even ur own bredren :lol: :lol:
User avatar
Thuganomics
Posts: 14075
Joined: Wed Sep 08, 2010 12:56 pm
Location: Arguments gain nothing but resentment, Disscussion however creates learning

Re: 1.1. Dhulbahante wuxuu 95% isku raacay inuu si buuxda uga mid noqdo jamhuuriyadda Somaliland.

Post by Thuganomics »

^
:lol:
User avatar
26June1960
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1400
Joined: Mon Mar 30, 2015 1:28 am

Re: 1.1. Dhulbahante wuxuu 95% isku raacay inuu si buuxda uga mid noqdo jamhuuriyadda Somaliland.

Post by 26June1960 »

gegiroor wrote:Ha dhakhlayso, maxaa hadba koox yar oo qol hoostiis ku shirtay sheeko xariir soo qoratay. Warkani waa been iyo wax kama jiraan. Truth needs to be told. I guess the men who issued that call do want to join SL wakiilada so Cirro can beat them up. I say Cirro is gonna beat them up all :dead:
That Baashe guy got knocked the fuck out. Doesn't he have any tol? Cali Khalif and Garaad Jama should've issued a Fatwa from Saaxdheer against Cirro like Ayatollah Khomeini did to Salman Rushdie back in 89. :lol:
User avatar
X.Playa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17317
Joined: Sun Mar 17, 2002 7:00 pm
Location: Canada,Hawd

Re: 1.1. Dhulbahante wuxuu 95% isku raacay inuu si buuxda uga mid noqdo jamhuuriyadda Somaliland.

Post by X.Playa »

They did , and at same time they answered back to the sultan of the habar yoonis , claiming he sided with Ciro and whined and wailed about Isaaq as usual.
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: 1.1. Dhulbahante wuxuu 95% isku raacay inuu si buuxda uga mid noqdo jamhuuriyadda Somaliland.

Post by HooBariiska »

X.Playa wrote:They did , and at same time they answered back to the sultan of the habar yoonis , claiming he sided with Ciro and whined and wailed about Isaaq as usual.
naftan hada soo toostay daawada....

mate this topic is about dhulbahante who have joined somaliland

nothing to do with ciro or suldaan
User avatar
HayWire
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1827
Joined: Mon May 13, 2013 8:48 pm

Re: 1.1. Dhulbahante wuxuu 95% isku raacay inuu si buuxda uga mid noqdo jamhuuriyadda Somaliland.

Post by HayWire »

:lol: Lejustcier Ayeydaa Buufkeed. why you delete my comment only
User avatar
X.Playa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17317
Joined: Sun Mar 17, 2002 7:00 pm
Location: Canada,Hawd

Re: 1.1. Dhulbahante wuxuu 95% isku raacay inuu si buuxda uga mid noqdo jamhuuriyadda Somaliland.

Post by X.Playa »

HooBariiska wrote:
X.Playa wrote:They did , and at same time they answered back to the sultan of the habar yoonis , claiming he sided with Ciro and whined and wailed about Isaaq as usual.
naftan hada soo toostay daawada....

mate this topic is about dhulbahante who have joined somaliland

nothing to do with ciro or suldaan

Xashiish head boy, I was answering the post above me. " the mind is a terrible thing to waste" stop smoking weed kido, and once for all don't be an oxymoron there is no such a thing as " Somaliland dhulbahnate" these individuals who the Isaaq bankroll are nothing but small time snitches and double dealers.
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: 1.1. Dhulbahante wuxuu 95% isku raacay inuu si buuxda uga mid noqdo jamhuuriyadda Somaliland.

Post by KyrieJama »

X-Playa

I'm still waiting for that 'Dhulbahante appreciation thread'; after dedicating your life studies to documenting the storied/glorious history of the Dhulbahante, it would serve you right to pay homage to the source of your inspiration.
User avatar
LiquidHYDROGEN
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14522
Joined: Fri Mar 16, 2007 10:48 am
Location: Back home in Old Kush

Re: 1.1. Dhulbahante wuxuu 95% isku raacay inuu si buuxda uga mid noqdo jamhuuriyadda Somaliland.

Post by LiquidHYDROGEN »

I didn't know the darwiish were dhulbahante. :leon:

Tell me more, in this mythical great history of yours was Hannibal and Genghis Khan both qurjiiles as well?
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”