Page 1 of 1

Troops dispatch from Mogadishu Via Hiiraan on road are taking over towns in Galgaduud

Posted: Wed Oct 21, 2015 10:03 am
by THE_TRUTH1
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo la wareegay Deegaanka Wabxo ee Gobolka Galguduud



Image

Talaado, Oktoobar 20, 2015 (GDN) — Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo laga diray Muqdisho ayaa la wareegay deegaanka Wabxo oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Col. Axmed Maxamed oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysay howlgalka ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in ciidamada ay si nabad ah kula wareegeen deegaanka Wabxo iyo deegaanno ku dhow-dhow.

“Ciidamada dowladda federaalka Somalia waxay dagaal la’aan kula wareegeen Wabxo iyo deegaannada ku dhow-dhow oo awal ay dhuumaaleysi ku imaan jireen, qorshaheenuna waa inaan gaarno deegaannada kale ee Galguduud ka tirsan,” ayuu yiri Col. Axmed.

Sidoo kale, wararka ayaa intaa ku daraya in dhawaan ciidamo ay isku-furi doonaan Xarar-dheere ilaa Aadan-yabaal, wuxuuna xusay in in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya inay ku wajahan yihiin deegaannada Al-shabaab weli ku harsan tahay.

Ugu dambeyn, ciidankan ka baxay Muqdisho ayaa sii maray gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana ciidamadan oo maalmo ka hor gaaray deegaanka Maxaas,

Re: Troops dispatch from Mogadishu Via Hiiraan on road are taking over towns in Galgaduud

Posted: Thu Oct 22, 2015 5:15 pm
by FarhanYare
ujeedado maxeey tahay? anigu lama socdo xaalada Somalia. PM me the answer waxba inta haku soo qoorin

Re: Troops dispatch from Mogadishu Via Hiiraan on road are taking over towns in Galgaduud

Posted: Thu Oct 22, 2015 5:31 pm
by barbarossa
Probably to dislodge the unyielding Ahlusunna Wajamiica from Dhusmareeb and environs.

Re: Troops dispatch from Mogadishu Via Hiiraan on road are taking over towns in Galgaduud

Posted: Fri Oct 23, 2015 8:13 am
by THE_TRUTH1
Troops are Headed for Xaardheere - ceeldheer ilaa Aadan-yabaal, clean alshabaab from Galgaduud then Ahlu Sunna i Guess :up:

Sidoo kale, wararka ayaa intaa ku daraya in dhawaan ciidamo ay isku-furi doonaan Xarar-dheere ilaa Aadan-yabaal, wuxuuna xusay in in ciidamada dowladda

Re: Troops dispatch from Mogadishu Via Hiiraan on road are taking over towns in Galgaduud

Posted: Sat Oct 24, 2015 9:41 am
by THE_TRUTH1
Maamulka Galmudug oo ku hanjabay inuu dhowaan degmada Xarardheere ka saarayo xoogaga Al-shabaab
Oct 24, 2015 - jawaab

Image
Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay wadaan qorsheyaal ay kula wareegayaan deegaannada maamulkaasi hoos taga ee ay ku sugan yihiin Xarakada Al-shabaab.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta maamulka Galmudug Daahir Fiidow ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda Federaalka ay dhawaan wajihi doonaan deegaanka Xarardheere iyo deegano kale.

“Galmudug wey ka go’an tahay in deegaanadeeda ka xoreyso Al-shabaab, waxaa xaqiiq ah in awoodda ciidamada Galmudug tahay mid muuqata, waxayna kaashan doonaan ciidamada dowladda Federaalka, waxaan waxaan qabaneynaa deegaanka Xarardheere si shacabka looga dul qaado kuwa dhibka ku haya” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa todobaadyadii u dambeeyey waxay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadeen degaanno ka mid ah gobalka Galgaduud, waxaana dhawaan ay dagaal kula wareegeen deegaanada Wabxo iyo camaara oo Al-shabaab gacanta ugu jiray. :clap: