Beelaha Ka Tirsan beesha Sacad oo Maanta Toos Hubkooda Dowlada Galmudug Ugu Wareejiyay

HM__Xafiiska Gaalkacyo :::-Munaasabadan Hubka Dowlada Galmudug loogu Wareejiyay Ayaa Waxaa ka Soo Qayb galay Mas,uuliyin ka Tirsan Dowlad Gobaleedka galmudg oo uu ka Mid Yahay Madaxweynaha Dowlad Galmudug ;Qaar ka Mida Golaha Wasiirada Galmudug ee Gaalakcyo ku Sugaan , Odayaasha Beelaha Hubka Wareejinyay iyadoona Sidoo Kalae Ay Goobtaasi Joogeen Mas,uuliyin Horay Xilalal Kala duwan uga Soo Qabtay Dowald Gobaleedka galmudug ..
Hubakan iyo Ciidanka oo Dowlada Galmudug loo gacan Galiyay Ayaa Munaasbadaasi Waxa ka hadlay Madaxweynaha Dowlada Galmudug mudane C.Karin Xuseen Guuled oo Maanta ku Tilmamtay Guul Madama Dowlada Galmudug Hub Casri ah iyo Ciidamo Farbadan loo Soo gacan Galiyay Waxana uu shaaca ka Qaaday in Ciidankan ay Noqon Doonaan Ciidan Dowladeed Waxana uu Sidoo Kale Tilmamay in ay Meel uga soo horjeesan Doonaan Dadka Dhigta isbaarooyinka . Waxa kale oo Goobta ka Hadlay Odayaasha beelaha ee meesha joogay Waxana ay shegeen in ay Diyaar u Yihiin in dowlada Galmudug ay La Shaqeeyaan Waxaana ay beelaha Kale oo hunka haysta ugu Baaqeen in dowlada galmudug ay ku soo wareejiyaan.
Beelaha hubka Warejiyay Waxa ka Mida Besha Reer Hilowle iyo Beesha Reer Qurhdaale Waxaan jira beelo kale oo is abaabulaya oo raba in hubka ay wareejiyaan

Waxa Beelaha Wareejiayay Maanta Hubka ay Gaarayaan 3 Beelood oo k mid aha Beesha Sacad Waxxaana Beelaha Hubka Maanta Sida Toos ka ah u Wareejiyay Waxa ka Mid aha
Beesha Reer Hilowle
Beesha Farale
Beesha Reer Qurdhaale oo ka Mid aha Beelihii Balan Qaaday in Hubka Ay Wareejiyaan Waxaana Munaasadaasi Xaadir ahaa Madaxda Galmudg iyadoona Goobta ay Yaaleen baabuurta Gaashaaman ee Dagaalka kuwaasi oo beelaha ay la Haaayeen
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug mudane Cabadi Kariin Xuseen gulled oo la Hadlay Xafiiska Warqbadka Hobyomedia.com ee Magaalda Gaalkacyo Aya Waxa uu sheegay in Arinan ay Wax Badan ka Badali Doonto Amaanka Magaalada Gaalkacyo iyo Dib u Soo Nooleynta Ciidamada Galmudug Waxaana uu aad ugu Mahad Celiyay Madaxda Qabaailada iyo Sidoo kale Cid Walba oo Fududeysay in hubka Lagu Soo Wareejiyo Dowlada Galmudug Waxaana Halkaasi siyaabo kala duwan uga Hadlay Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Beelaha Hubka Wareejiyo Kuwaasi oo ku dhiiraday in Barnaamijka Tubka Toosan ee Lagu Taagerayo Maamulkeena Suuban e Galmudug Waxaana Hubkan Hada loo gacan Galiyay Dowlada Galmudug
Warbaahinta Hobyomedia,com waxa ay idin soo bandhigi Doonta Sawirada Qaar ak Mid ah Hubka la Wareejiyay Hadii ay Macquul noqoto oo Arimaha Laamaha Amaanka Ay Naga Ogaladaan in aanu Baahino Waxanu Xirir kala Sameyn Doonra Saraakiisha Hadii ay Macquul Tahay Arintan