Iidoorland: Isku day lagu xirayey sarkaal Police oo ka tirsan Alshabaab oo mudaaharad dhaliyey

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
HayWire
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1827
Joined: Mon May 13, 2013 8:48 pm

Iidoorland: Isku day lagu xirayey sarkaal Police oo ka tirsan Alshabaab oo mudaaharad dhaliyey

Post by HayWire »

Axmed Cadib sarkaalka la raadinyo
Banaabax aad u weyn oo khasaare dhaliyey ayaa maalintii shalay gilgilay magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.
Banaabaxaas ayaa ka dhashay isku day ciidanka booliska ee magaalada Ceerigaabo ee hoos yimaada maaulka Somaliland ay ku dooneyeen in ay ku soo xiraan sarkaal sare oo ka tirsan booliska gobolka sanaag oo lagu tuhunsan yahay inuu shixnado hub ah dhawr jeer ka soo dajiyey dekedaha macmalka (dabiiciga) ee Maydh iyo Xiis,isla markaana u gudbiyey kooxahada Al Shabaab ee ku dhuumata buuraha xiriirsan ee Golis.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Axmed Cadib ayaa taliska booliska qaybta ceerigaabo ku tuhunsan yihiin inuu ka tirsan yahay,isla markaana xiriir la leeyahay kooxda Alshabaab.
Dadweyne aad u gadoodsan oo u badan beesha sarkaalkaasi ka dhashay ayaa dagaal hubeysan iyo mudaaharad kala hor tahay ciidanka booliska magaalada Ceerigaabo,taas oo sababtay in ciidamada amaanku ku guuldareysteen in ay soo xiraan sarkaalkaas. Xaalada magaalada ayaa la soo werinayaa in ay weli kacsan tahay,sidoo kale Axmed Daaci iyo taagerashiisa oo hubeysan ayaa ka soo muuqday shaashadaha layska arko.
Dawlad goboleedka somaaliyeed ee Puntland ayaa hore ugu eedeyey maamulka Somaliland taageerada kooxada mayalka adag ee ku dhuumata Buuraha Golis.
Image



User avatar
GAMES
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8220
Joined: Fri May 25, 2001 7:00 pm
Location: U.S

Re: Iidoorland: Isku day lagu xirayey sarkaal Police oo ka tirsan Alshabaab oo mudaaharad dhaliyey

Post by GAMES »

Khat is one helluva drug.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”