

Wasiirka Gaashaandhiga Jen. C/qaadir Diini ayaa sheegay in Kenya ay ku soo xadgudubtay dhulka Soomaaliyeed taasoo aan loo dulqaadan karin xadgudubka heerkaasi gaarsiisan ee ay Kenya ka wado xuduuda kala qeybisa labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa isna sheegay in dadkii ay kusoo arkeen deegaanadii ay booqdeen in ay ku weyn tahay Soomaalinimada, isla markaana ay u baahan yihiin Dowlad Soomaaliyeed oo ka hor istaagto dhibaatada lagu haayo iyo xadgudubyada dhuleed ee Kenya.



