Gaalkacyo Latest update

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
MRnutritionist
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 546
Joined: Tue Oct 27, 2015 10:59 pm

Gaalkacyo Latest update

Post by MRnutritionist »

Galmudug Prisident Abdikarim Hussein Guled is on his way to Gaalkacyo

Other news

Magaalada Gaalkacyo ay shalay ka dhaceen dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Puntiland iyo Galmudug, ayaa saakay u muuqata mid xoogaa yara dagan, waxaana saakay Magaalada laga dareemayaa xasilooni aan cago badan ku taagneen .

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Ciidamadii dagaalamay ay wali is hor fadhiyaan ,mararka qaarkoodna aagaga hore ee dagaalka laga maqlayo xabado teel teel ah ay is dhaafsanayaan labada ciidan.

Ciidamada maamulka Galmudug oo shalay dagaalka ku qabsaday xaafado kuyaala Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ay ka talineysay Puntiland ayaa saakay lagu soo waramayaa in ay dib uga soo baxeen kuna soo laabteen xadka labada maamul wadaagaan.

Kasoo bixitaanka Ciidamada Galmudug goobihii shalay qabsadeen ayaa la tilaamay in uu ku yimid amar kasoo baxay Madaxda maamulka Galmudug, waxaana arintaasi timid kadib markii Madaxda Galmudug iyo Masuuliyiin katirsan Dowlada oo ku hoolan xalinta Dagaalka Gaalkacyo ay kuwada hadleen Khadka Telfoonka.

Dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 10-qof oo u badnaa dhinacyadii dagaalamay, waxaa sidoo kale jira qasaaro soo gaaray dad yar oo ku harsanaa Magaalada Gaalkacyo.

Maamulada Puntiland iyo Galmudug ayaa midbo midka kala ku eedeeyay masuuliyada dagaalkii shalay mar kale ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, waxa ayna labada dhinac warar kasoo baxay ku sheegeen in ay diyaar u yihiin wadahadalo lagu dhameenayo colaada Gaalkacyo.

I am MRnutritionist
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”