Page 1 of 1

Qaxoontigii Yemen Ee Puntland Oo Nabad Gelyo Daro Ka Soo Yaacay

Posted: Thu Dec 31, 2015 7:14 am
by Adan_1
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in aanu saamayn doonin dadka ajaanibka ah ee jooga Somaliland ee loo aqoonsaday inay qoxoonti yihiin iyo kuwa magan-geliyadda siyaasadeed ku jooga

go’aankii ay dhawaan xukuumadu soo saartay ee lagu amrayay dadka ajaanibka ah inay dalka ka baxaan. Kuwaasi oo ay ka mid yihiin qaxontiga u dhashay dalka Yeman ee Somaliland u soo qaxay, kuwaasi oo ah tiradda dadka qoxoontiga ah ee ugu badan

Cali Siciid raygal, oo ka hadlayay sida aanu u saamaynaynin dadka qoxoontiga loo aqoonsaday go’aanka xukuumadda ee ajaanibka dalka jooga lagu amray in ay dalka kaga baxaan muddo bil ah, waxa uu yidhi "Is-ma saamaynayaan labadan arrimood.

Tusaale ahaan dadka qoxoontiga ah ee Yeman ka yimid, ama dadka kale ee magan-geliyo doonka ah, ee wadamadda kale ka yimid waa dad la ogyahay in ay qoxoonti yihiin. Qaxoontiga Yeman ka soo qaxay waa dad la ogyahay in dalkoodii mashaakil ka dhacay.

Somaliland-na dalkeeda way ku soo dhawaysay, waxaana la siiyaa waraaqda aqoonsiga qoxoonti-nimadda. Waana dad ay ogtahay xukuumadu, shacbiga Somaliland-na uu ogyahay, mana aha dadka la saarayo, ee iyaga la doonayo in ay sharci la yimaadaan. Iyaga sharcigoodu waxa keliya ee uu yahay aqoonsiga qoxoontinimo ee la siiyay, ee cadaynaya in la qaabilay.

Wasiirka dib u dejinta oo la waydiiyay tiradda qoxoontiga u dhashay dalka Yemen ee Somaliand jooga iyo sababta loogu samayn waayay xeryo-qoxoonti, waxa uu yidhi "Inta badan way socdaan, maalin walba way yimaadaan, Berbera ayaa ugu badan meelaha ay ka soo dean, waxa kale oo ay ka soo degaan Saylac, imikana dadkii Yemaniyiinta ahaa, ee markii hore Boosaaso iyo xagga Puntland ka degay, ayaa imika waxay codsadeen in Somaliland lagu qaabilo, markii ay amaankeeda iyo deganaanshiyahdda ku qanceen. Tiradoodu qiyaastii wa ailaa saddex kun oo qof, ayay gaadhayaan inta hadda Somaliland ku sugan ee qoxoontinimo ku soo gashay.”

Mar uu ka hadlayay wxyaabaha ay wasaaradda dib-u-dejintu u qabato ama ka caawiso qoxoontiga ka soo qaxay dalka Yeman ee ku sugan Somaliland, waxa uu ku jawaabay "Dawlad ahaan dadka qoxoontiga ah Somaliland way qaabisshay, waanay soo dhawaysay.

Re: Qaxoontigii Yemen Ee Puntland Oo Nabad Gelyo Daro Ka Soo Yaacay

Posted: Thu Dec 31, 2015 10:34 am
by drobbah
I knew this would happen when I first heard some yemenis arrived in Puntland,lets face it Puntland is a shithole and they would rather live in Somaliland

Re: Qaxoontigii Yemen Ee Puntland Oo Nabad Gelyo Daro Ka Soo Yaacay

Posted: Thu Dec 31, 2015 5:06 pm
by JamalAddow
Fuck those filthy Yemenis. Send all those filthy Arabs to Somaliland. :pacspit: