Ma dhabaa in Dhurwaaga lagu Daweeyo Dadka Jinniga qaba?
Wareysi ku saabsan arrintaas)
Source: http://www.somaliatalk.com/2005/nov/dhurwaa.html
Intaa nooshahay maalin walba wax aad arkeysaa wax kaa yaabiya, iyadoo taasi jirto ayaa dhawaan Xaafadda aan deganahay ee AL-Baraka Guri u dhow waxaan arkay dad buuqaya oo la leeyahay Caawa Xaafadda waxaa jooga Dhurwaa, inta yaabay ayaan waxaan dadkii ku iri “oo Dhurwaagu muxuu qabanayaa?â€Â, markaas wiil i ag taagnaa ayaa waxa uu igu yiri “Nin Jinni qaba oo xaafadda degan ayaa Dhurwaaga lagu daaweenayaaâ€Â, markaasaa qalbiga waxaa igaga soo dhacay waxyaabo aan maqli jiray oo ahaa in Jinniga lagu daaweeyo Dhurwaaga ama uu ka cabsoodo, waxaan go'aansaday in aan tago halka lagu hayo Dhurwaagaasi aan subixii u dhaqaaqo, waxaan kaxeystay Taxsi, waxaa ila jiray dhowr qof oo ahaa dadkii isoo tusayay, waxaana marba jid goyno waxaan markii dambe gaarnay xaafadda Gubta, ama deegaanka Ciisa-Cabdi, yaanan war kugu daalinine, waxaan gaarnay Gurigii lagu hayay Dhurwaaga, Dhallinyaradii haysay Dhurwaaga ee xanaaneysa ayaa waxay nagu yiraahdeen “Haddii aad sawiraneysaan oo aad war naga qaadeysaan waxaad bixineysaan lacag†oo markaasi aad u badneyd, waxaana ku iri “diyaar ayaan u ahay in aan bixiyo lacagtaasi.â€Â
Yar lagu magacaabo C/Qani Urur Nageeye Fool-Fool ayaa Dhurwaagii ka soo saaray shabaqii uu ku jiray, waxaan arkay Dhurwaagii oo indha-caddeeynaya oo fiigsan, inta naxay ayaa waxaan ku iri yarkii Kaamirada qaadayey oo lagu magacaabo Faarax Blue “is deji oo si tartiib ah bahalka u sawir, waayo isagu waa iga naxdin badnaa, dhurwaana weligi ma aragâ€Â. Markiiba inta la i dhiirigeliyay ayaan si aad ah ugu soo dhawaaday, hase yeeshee Dhurwaagu ma ahayn mid degan, oo hadba dhinac ayuu u cararayay anna waxaa is iri armuu kugu soo boodaa oo qaniinyo kugu dhagaa, hayeeshee yarkii hayay Dhurwaaga ayaa waxa uu igu yiri “u soo dhawow Bahalkaâ€Â, inta aan u dhawaaday ayaa labo shuud (Sawir ) oo deg deg ah laga qaaday. Markii uu inoo dhamaaday sawirida ayaa waxaan u soo jeestay in aan wareysi ka qaado C/Qani Urur Nageeye Fool- Fool wuxuuna wareysigu u dhacay sidan:-
S: Goorma ayaad Dhurwaagaan soo qabateen?
J: Aniga iyo labo wiil oo dhaliyaro ah oo wadana Gaari ayaa mar aan mareynay Siliga Ameerikaanka ee Magaalada Muqdisho waxaan aragnay bahal Mukulaal u eg oo dariiqa goynaya, markiiba inta Gaarigii joojinay ayaan bahalkii xaggiisa u dhaqaaqnay, meel ood ah ayuu naga galay, waxaan ka soo qabanay halkii, wuxuu markaa jiray ama lagu qiyaasi karay labo bilood.
S: Hadda imisa sanno ayuu jiraa?.
J: Wuxuu jiraa labo sano iyo dhowr bilood.
S: Cuntada uu cuno waa noocee?.
J: Intii uu soo gaarayay lix bilood wuxuu cuni jiray cuntada dadka caadiga ah ay cunaan sida Caanaha, Cambuulada, Cajeerada IWM, balse dhowr sano kaddib waxaan u qoondeenay ama aan u qorsheenay in maalin dhaaf aan lix Kiiloo Hilib ah siino.
S: Sow ma aha kharash aad u fara badan?.
J: Isaga ayaa soo saarta kharashkiisa.
S: Oo sidee ku soo saartaa?.
J: Dadka ayaan ku Daaweynaa.
S: Oo sidee ayaad ugu daaweysaan?
J: Cudurada dhan ma wada daaweyno, ee waxaa ku daaweynaa dadka Jinka qaba.
S: Oo sidee ayaad ugu daaweysaan?.
J: Waxaan ugu daaweynaa, marka hore Qofka Jinka qaba ayaa Dhurwaaga loogu galinayaa guriga isagoo xirxiran, markiiba qofkii Jinka qabay ayaa mar dambe soo naaxaya, markaas ayuu wuxuu leeyahay sidee wax u jiraan waa mar uu Caafimaadka helo
S: Sidee lagu ogaadaa qofka Jinka qaba?.
J: Qofka Jinka qaba haddii uu Toban qof ku dhex jiro Dhurwaagu isaga ayuu abaaraa, sidaas ayaa lagu ogaadaa qofka Jinka qaba.
S: Qofka lagu doonayo in Jinka laga daaweeyo imisa ayaad ka qaadaan oo Kharash ah?.
J: Waxaanu ka qaadnaa Hal Malyan oo shillin Soomaali ah oo u dhiganta 70 Doollar
S: Imisa qof ayaa ku daaweyseen ila iyo haatan oo Jin qabay?.
J: Labadii sano ee Bahalkaan aanu heynay waxaan ku daaweenay ilaa iyo Boqol ruux oo nooga kala yimid Muqdisho iyo Goboladda ku hareereysan.
S: Maxay tahay waxyaabihii kuugu yaabka badnaa intii aad dadka Jinniga ka daaweyneyseen?.
J: Waxaa iigu yaab badnaa, markii inta qof Jin qaba Dhurwaagii loo soo xirxiray la damcay in Dhurwaaga lagu sii daayo, ayaan waxaan arkay Dhurwaagii oo isaga ceego lagu hayo, oo halis naftiisu gashay, waxaana taas ugu wacan Jinka qofka ku jira oo ah mid aad u xoog badan, waxaana markaasi la isugu daraa Qur’aan iyo Waraabihii.
S: Maxaa kale oo faa’iido ah ayaad ka heshaan marka laga tago ku daaweynta Jinka ee aragtidiisa?.
J: Dadka aan awoodin in ay iska bixaan Kharashka aragtida Dhurwaaga waxay qaataan Dhogortiisa ama Saaladiisa, iyada ayaa inta Dab-Qaad ama Iddan loogu shubo lagu qiiqiyaan sidaasna uu uga baxaa Jinku.
S: Maxaa kale oo faa’iido ayaa soo raacda?.
J: Dadka u soo Daawasho taga Dhurwaaga waxaanu ka qaadnaa lacag. waxaana maalin walba Dhurwaaga soo booqda dad aad u fara badan.
S: Dhurwaagaani ma Dhadigba mise waa Lab?
J: Haa waa Lab ama Nin.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com .
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2005
Psychiatric Hyena In Mogadishu !!!!!!!!!!!!!!!!
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- biiqaaye
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1374
- Joined: Wed Sep 22, 2004 2:59 am
- Location: Baar Ubax, Bakaaraha ii Black Sea
"J: Aniga iyo labo wiil oo dhaliyaro ah oo wadana Gaari ayaa mar aan mareynay Siliga Ameerikaanka ee Magaalada Muqdisho waxaan aragnay bahal Mukulaal u eg oo dariiqa goynaya, markiiba inta Gaarigii joojinay ayaan bahalkii xaggiisa u dhaqaaqnay, meel ood ah ayuu naga galay, waxaan ka soo qabanay halkii, wuxuu markaa jiray ama lagu qiyaasi karay labo bilood. "
hahahaha....Dhurwaa jidka xamar gooynaayo?
Of all the places in this world it had to be Xamar?
Why Xamar?
A city of nearly 3 million people where even the chickens are armed with ak47?
You'll see a dhurwaa crossing on wall streeet before u even think about dhurwaa jid cade yaasha xamar gooynaayo.
These hateful north easterners never cease to amaze me walaaahi.
hahahaha....Dhurwaa jidka xamar gooynaayo?



Of all the places in this world it had to be Xamar?
Why Xamar?
A city of nearly 3 million people where even the chickens are armed with ak47?
You'll see a dhurwaa crossing on wall streeet before u even think about dhurwaa jid cade yaasha xamar gooynaayo.
These hateful north easterners never cease to amaze me walaaahi.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 19 Replies
- 1754 Views
-
Last post by MaliPirate
-
- 9 Replies
- 786 Views
-
Last post by Casanova25
-
- 0 Replies
- 939 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 7 Replies
- 1364 Views
-
Last post by ruralboy
-
- 0 Replies
- 251 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 1 Replies
- 714 Views
-
Last post by original dervish
-
- 8 Replies
- 1122 Views
-
Last post by Adali
-
- 9 Replies
- 855 Views
-
Last post by Inaayah
-
- 5 Replies
- 546 Views
-
Last post by AbkoowDhiblaawe
-
- 2 Replies
- 521 Views
-
Last post by Moguul21