R.I.P Wariye & Rug Cadaa Siyaasi Cabdi Xaaji Goobdoon

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
MRnutritionist
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 546
Joined: Tue Oct 27, 2015 10:59 pm

R.I.P Wariye & Rug Cadaa Siyaasi Cabdi Xaaji Goobdoon

Post by MRnutritionist »

Muqdisho Somalia
One of the oldest and we'll known Somali wariye Cabdi Xaaji Goobdoon has died in Mogadishu

Cabdi Xaaji Goobdoon waxa uu ku dhashay Degmadda Jigjiga ee dhulka Soomaalida Galbeed, isla markaana uu muddo dheer ku soo jiray Hawlaha Saxaafadda, isagoo sannadkii 1961-kii ku biiray Idaacadda Radio Mogasdishu.

Marxuunka walaalkiis oo isagana ah Saxafi ka hawlgala Telefishinka Qaranka ee SNTV waxa uu tilmaamay inuu Walaalkiisa ka soo shaqeeyey Laanta Afka Soomaalida ee Idaacaddii Radio Mosko Russia ee Dalweynihii Midowgii Soofiyeeti (USSR) muddadii u dhexeysay 1963-kii ilaa 1971-kii.

Allaha U Naxariisto Cabdi Xaaji Goobdoon waxa uu sannadkii 1971-kii ilaa 1981-kii ahaa Weriyihii Gaarka ee Madaxweynihii Dowladdii Kacaanka, Marxuum Jeneral Maxamed Siyaad Barre.

Waxaana Xilkaasi kaga dambeeyey Allaha U Naxariistee Weriyihii Caanka ahaa ee Axmed Xasan Cawke oo dhowr bilood ka hor ku geeriyooday magaalladda Jigjiga.

Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon waxa kaloo uu Xilal ka soo qabtay Wasaaradda Warfaafinta oo uu ku soo barbaaray, isagoo ka gaaray Darajadda Agaasimaha Guud ee Wasaaraddii Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha ee Dowladdii Kacaanka.

Waxaa kale oo loo magacaabay inuu Xil ka qabto Wasaaradda Arrimaha Dibedda xilligii Kacaanka, balse ma u shaqo tegin, sida uu sheegay Abuukar Xaaji Goobdoon


Image

WQ Yusuf Garaad

Cabdi Xaaji Gobdon oo xalay ku geeriyooday Muqdisho, Allaha u naxariistee wuxuu ahaa Macallin sannadihii kontomaadkii inta aanuu ku biirin Radio Muqdisho billowgii lixdanaadkii.

Cabdi Xaaji Gobdon wuxuu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta markii aan anigu ku biiray Radio Muqdisho horraantii siddeetanaadkii. Waxaan ka dib ka warhelay in uu dabayaaqadii kontonaadkii Macallin ka noqday Dugsiga Leegada, ka dibna Golweyn, inta aanuu horraantii lixdamaadkii ku biirin Radio Muqdisho. Horraantii lixdanaadkii iyo mar kale dabayaaqadii lixdaamaadkii wuxuu ka shaqeeyay Laanta Af Soomaaliga ee Radio Moscow.

Waxaan xusuustaa yaraanteydii aflaam Ruushku dhigi jiray oo af Soomaali ku codeysnaa in qaarkood codka ku duubani uu ahaa kan Cabdi Xaaji Gobdon.

Waan ogaa inta aanuu noqon Agaasime Guud in uu ahaa weriyaha Gaarka ah ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Warfaafinta ka dib waxaa uu noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga.

Cabdi Xaaji Gobdon, Allah ha u naxariistee, wuxuu ahaa weriye cod hallaasi ah leh, aadna u af Soomaali wanaagsan. Markii aan ahaa arday soo koraya isaga iyo Yaasin Xaaji Ismaaciil Jirde waxay ka mid ahaayeen weriyayaal aan ka kororsado eryada af Soomaaliga ah gaar ahaan kuwa siyaasadda, dhaqaalaha iyo militeriga.

Gobdon shakhsiyaddiisa waxaan bartay ka dib markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliya. Waxaan u arkay in uu yahay nin Dowlad ku nool ah, dadkana aan iskala weyneyn siiba dhallinyarada.

Waxaa kale oo aan u arkay nin ku kalsoon mihnaddiisa, xoog furan, jecel in aqoonta laga dhaxlo oo uu u gudbiyo jiilka isaga ka da’da yar. Isaguna ma ahayn nin ay da’du ka hor istaagto aqoon kororsiga siiba xagga la qabsiga teknoolojiga cusub. Wuxuu adeegsan jiray talefoonka caaqilka ah iyo iPad wuxuuna qoraal iyo sawirro ku soo bandhigi jiray saxaafadda bulshada.

Gobdon wuxuu ka mid ahaa mas’uuliyiintii badbaadiyay keydka cajaladaha ee Radio Muqdisho sannadihii faraha badnaa ee laba ama ka badan kooxood ama dowladood ay ka dagaallamayeen Muqdisho.

Cabdi Xaaji Gobdoon wuxuu qoray buug ku saabsan aabbihiis iyo culummo kale oo Soomaaliyeed.

Wuxuu la soo shaqeeyay Dowlad kasta oo dalka ka curatay xataa xilliga burburka marna wuxuu ahaa la Taliye ama Af hayeen Madaxweyne, Ra’iisal Wasaare ama Wasaaradda Warfaafinta.

2002 waxaan Djibouti uga wadaqeybgalnay 3 usbuuc oo la isu keenay qorayaal, weriyayaal, abwaanno iyo xeel dheerayaal cilmi afeedka yaqaan. Waxaan dadkaas ka mid ahaa Hadraawi, Gaarriye, Aw Jaamac Cumar Ciise, Cabdiqeys, Yamyam, Idaajaa, Xasan Cilmi, Ismaaciil Dugsiiye, Riiraash, Cabdi Xaaji Gobdoon, Axmed Cali Askar, Axmed Xasan Cawke, Siciid Faarax Yare, Cali Seenyo iyo aqoonyahanno badan oo reer Djibouti ah. Waxaan halkaa ka soo saarnay qaamuus ay ku kooban yihiin eraybixinta ay warbaahintu u baahan tahay si ay wararka ugu adeegsato. Qaar badan oo mid ah khubaradaasi wey dhinteen ee Allah ha u naxariisto.

Howlihii ugu dambeeyay ee aan aniga iyo Gobdon ka wadashaqeynay waxaa ka mid ahaa xeerka saxaafadda oo aan talo bixin ku lahayn. Iyo qaban qaabada xuska maalinta Afka Soomaaliga 2015 iyo talo ka bixinta howlaha ay tahay in la qabto si afka loo horumariyo iyo cidda ay tahay in ay qabato howshaas ka dib markii ay Madaxtooyadu na weydiisatay in koox kale oo aqoonyahanno ah aan kala shaqeyno.

Cabdi wuxuu ugu weynaa dhowr walaalo ah oo Jaamiciyiin u badan oo ka shaqeeya Warfaafinta Qaranka, Radio iyo TV. Aabbahoodna sidoo kale wuxuu ka tirsanaa idaacadda oo uu wacdi diini ah ka soo jeedin jiray. Sidaa darteed wuxuu ka soo jeedaa qoys diineed, isaguna waxaa uu ahaa nin aan ku tilmaami karo Suufi ku dhow Ahlu Sunna wal Jameeca.

Saaka aroortii markii geeridiisa la ii sheegay, waxaan goostay in aan soo bandhigo sawirro dhowr ah oo aan ka soo guuriyay bartiisa Facebook, oo aan is leeyahay waxay ra’yi ka bixin karaan taariikhdiisa.

Sawirrada waxaa la socda fasiraadda uu qaarkood Gobdon ka bixiyay oo sidii uu isagu u qoray ah oo aan soo minguuriyay marka laga reebo saxitaan ama habayn aad u yar oo aan ku sameeyay. Fasiraadda farta waaweyn ee tan le’eg waxaa qoray Cabdi Xaaji Gobdon. Fasiraadda farta yaryar ee sawirka ku hoos taallana aniga ayaa qoray.

Cabdi Xaaji Gobdon marka taariikhdiisa laga hadlo, waxaa laga dheehan karaa taariikhda warbaahinta Soomaaliya iyo heerarka ay soo martay iyo weliba heerarka uu soo maray Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.
User avatar
GAMES
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8220
Joined: Fri May 25, 2001 7:00 pm
Location: U.S

Re: R.I.P Wariye & Rug Cadaa Siyaasi Cabdi Xaaji Goobdoon

Post by GAMES »

Reading his obituary and tarikh nooleed, he was one of the pioneers of Somali reporters.

AUN.
User avatar
Hyperactive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 34541
Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
Location: "Some people are so poor, all they have is money."

Re: R.I.P Wariye & Rug Cadaa Siyaasi Cabdi Xaaji Goobdoon

Post by Hyperactive »

war wa la so daayey jeelka.
User avatar
Halmogg
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1197
Joined: Sat Jan 16, 2016 11:01 pm

Re: R.I.P Wariye & Rug Cadaa Siyaasi Cabdi Xaaji Goobdoon

Post by Halmogg »

AUN
User avatar
GAMES
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8220
Joined: Fri May 25, 2001 7:00 pm
Location: U.S

Re: R.I.P Wariye & Rug Cadaa Siyaasi Cabdi Xaaji Goobdoon

Post by GAMES »

Hyperactive wrote:war wa la so daayey jeelka.
Its not Coldoon who was arrested in Burco. But someone else.

P.S, i am glad Coldoon is out.
User avatar
mahoka
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8700
Joined: Wed May 27, 2015 7:57 pm

Re: R.I.P Wariye & Rug Cadaa Siyaasi Cabdi Xaaji Goobdoon

Post by mahoka »

AUN
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: R.I.P Wariye & Rug Cadaa Siyaasi Cabdi Xaaji Goobdoon

Post by Siciid85 »

Hyperactive wrote:war wa la so daayey jeelka.
Jaw! Wadaad waa kusidee.
User avatar
Hyperactive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 34541
Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
Location: "Some people are so poor, all they have is money."

Re: R.I.P Wariye & Rug Cadaa Siyaasi Cabdi Xaaji Goobdoon

Post by Hyperactive »

Sorry guys, I though about coldoon.

games, thank you for correcting me.
User avatar
BlueBlood
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1897
Joined: Sat Dec 06, 2014 11:28 am

Re: R.I.P Wariye & Rug Cadaa Siyaasi Cabdi Xaaji Goobdoon

Post by BlueBlood »

AUN
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”