Waxa ay intaasi ku dareen in ka hor taasi u baahantahay in ay booqdaan khubaro ka socota Turkish Airline garoomadaasi si ay u eegaan isla markaasina u baahantay in ay dawladda somaliland la xidhiidhan oo heshiisyo imanayaan oo anay Berbera iyo Hargeysa kaga shaqayn karayn midkii ay muqdisho ku joogeen.
Diyaaradda Turkish Airline ayaa iyadu ka hor intii aanuu qaraxii Daallo dhicin muqdisho ka wareegtay oo dalka Jabuuti fadhiisatay iyada oo wararku sheegeen in xogta Qaraxa ay sirdoonka Turkigu gaadhsiiyeen,isla markaasina rakaabkii u muqdisho u diratay Daallo oo ahaa rakaabkii ay siday markii shilku dhacay,waxaanay hada shaqadeedii ka wadataa dalka Jabuuti.
Si kasta ha ahaateen,hadii ay bilawdo duulimaadkeeda somaliland waxa ay ka mid noqonaysaa diyaaraddo dhawr ah oo caalami ah oo hada si toos ah uga duula garoomada Hargeysa Iyo Berbera,diyaaradahaasi oo ay ka mid yihiin Ethiopia Airline, Fly Dubai iyo kuwo kale.
