heavily armed Somali military dispatch from Mogadishu Capture Marka for Amisom

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

heavily armed Somali military dispatch from Mogadishu Capture Marka for Amisom

Post by THE_TRUTH1 »

heavily armed Somali military dispatch from Mogadishu Capture Marka for Amisom

DEG DEG: Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo saaka dib ula wareegay magaalada Marka
by A M | Monday, Feb 8, 2016 | 2825 views



Image
Febraayo 8 (Jowhar)— Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saaka mar kale la wareegay magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii saddexdii maalmood ee u dambeysay ay gacanta ku hayeen Xarakada Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan ciidamada ayaa si nabad kula wareegay magaalada, markii Al-Shabaab ka baxeen, waxaana ciidamada gudaha u galay Marka ay ahaayeen ciidamo Milateri oo shalay ka baxay Muqdisho, kuwaasoo ku hubeysnaa gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah.

Ciidamadan ayaa waxaa hogaaminayay Saraakiil dhowr ah oo uu ku jiro Abaanduule kuxigeenka ciidamada xooga dalka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamadan xalay ku hoydeen dhanka sarta Ayuub ee koofurta magaalada, halkaasoo horay ugu sugnaayeen Ciidamada AMISOM.

Dadka deegaanka Marka oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in xaalada ay tahay mid degan, isla markaana gudaha iyo daafaha magaalada ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Maalintii shalay ayaa dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanka Buufow oo kaabiga ku haya magaalada Marka, waxaana dagaalkaas uu dhex maray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay gaadiid dagaal oo qori dhashiike uu saarnaa oo ay ka qabsadeen ciidamada dowladda iyo meydadka askar ka tirsan ciidanka dowladda.

Xaalada magaalada Marka ayaa tan iyo jimcihii aheyd mid jahwareer ka jiray, isla markaana saacado magaalada gacanteeda isu bedeshay, markii ciidamada dowladda iyo AMISOM ka baxeen, waxaana sabtidii ay hadana mar kale dib ugu noqdeen, balse ma sii xajisan gacan ku heynta magaalada, Al-Shabaab ayaa dib mar kale u qabsatay.
User avatar
BeyondQabil
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1054
Joined: Tue Mar 04, 2014 1:49 am

Re: heavily armed Somali military dispatch from Mogadishu Capture Marka for Amisom

Post by BeyondQabil »

As if the nation belongs to Amisom
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”