
Arbaco, Feberaayo 10, 2016 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenkii hore ee wadanka Ciraaq, Ayad Allawi & Wafdi uu horkacayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo kulammo la qaatay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo RW Sharma’arke.
Wafdiga uu hoggaaminayo Allawi ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay RW Somalia, Xubno ka tirsan Wasiirrada iyo Baarlamaanka Somalia, iyadoo ay soo dhaweynta qayb ka ahaayeen safiiradda Somalia u fadhida dalka Ciraaq.

Sidoo kale, Ayad Allawi oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in markii ugu horreysay uu booqasho ku yimaado Somalia, isla markaana ay ka go’an tahay in uu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka labada waddan.
RW Sharma’arke ayaa isagana Tilmaamay inay muhiim u tahay Somalia Booqashadaan uu maanta Muqdisho ku yimid wafdiga uu hoggaaminayo Allawi ee ka socda Dalka Ciraaq.
Kulanka dhexmaray Ayad Allawi iyo Madaxda Somalia ayaa waxaa looga hadlay Xoojinta Xariirka labada Dal iyo sidii Somalia iyo Ciraaq ay isaga kaashan lahayeen La-dagaallanka Argaxisada iyo sidii dowladda Ciraaq ay gacan u siin lahayd dowladda federaalka Somalia.
Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenkii hore ee Ciraaq Ayad Allawi ayaa wuxuu ku tagay booqasho gaaban dhismaha Baarlamaanka Somalia, halkaasoo uu hadal aad u kooban ugu jeediyay xildhibaannada baarlamaanka Somalia, isagoo sheegay in Somalia iyo Ciraaq uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha baarlmaaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isaguna la hadlay xildhibaannada baarlamaanka ayaa sheegay inay u tahay sharaf weyn Baarlamaanka Somalia inay soo dhaweeyaan Ayad Allawi.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
- See more at: http://www.hiiraan.ca/news/2016/Feb/war ... 5JyZq.dpuf