Eng. Faysal Cali iyo Mujahid Boobe Yusuf Ducaale u luu magacaabay gudiga Ictiraaf Raadinta

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Djiboutian
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 996
Joined: Sat Jan 21, 2012 10:30 am

Eng. Faysal Cali iyo Mujahid Boobe Yusuf Ducaale u luu magacaabay gudiga Ictiraaf Raadinta

Post by Djiboutian »

Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Mudane Mujahid Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo" ayaa maanta Magacaabay Laba Guddiga Ictiraad Raadinta SL

War-saxaafadeed uu ku Saxiixan yahay Afhayeenka Madaxweynaha C/raxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax) ayaa lagu sheegay loo Magacaabay Ictiraaf Raadina Somaliland oo ay ku jiraan Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Xoghayaha warfaafinta xisbiga WADANI iyo Wasiirradii Arrimaha Dibadda Somaliland soo maray Wakhtigii Daahir Rayaale iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo" Wuxuu Wareegto Madaxweyne oo Sumaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3855/022016 ku Magacaabay Guddi Qaran oo ka shaqeyn doona Aqoonsi Raadinta Jamhuuriyada Somaliland,” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedkaas.

Wareegtadaan Madaxweynuhu ku Magacaabay Guddida Ictiraaf Raadinta ayaa u dhignayd Sidan:

“Sida aad la socotaan, Waxay Xukuumadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Jamhuuriyada Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.

Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland waxaan mas’uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddi heer Qaran ee Ictiraaf raadinta Somaliland. gudiga waajibaadkiisa shaqo waxaa bar-tilmaameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka talo-bixinta wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya (Road Map).

01. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Sacad Cali Shirre, Guddoomiye
02. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi
03. La-taliyaha Madaxweynaha ee Ictiraafka & Wadahadalada Cawil Cali Ducaale
04. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda
05. Wakiilka Wareega ee Somaliland, Raabi Axmed Mohamed
06. Wakiilka Somaliland ee Turkiga, Cali Axmed Cismaan
07. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda, Edna Aadan Ismaaciil
08. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda, Prof. Maxamed Siciid Gees
09. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
10. Wasiir Hore, Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)
11. Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed
12. Proffesor, Macalester College, Minnesota, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar
13. Dean, Kuliyada Sharciga ee Jaamacada Hargeysa, Maxamuud Xuseen Faarax
14. Garyaqaan, Shuruucda Caalamiga ah Mudane, Ibraahin Xaashi Jaamac
15. Guddoomiyaha Gudiga Arr. Dibedda ee G.Wakiilada, Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe
16. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Guurtida, Axmed Daahir Jirde
17. Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe
18. Xoghayaha warfaafinta xisbiga WADANI Boobe Yuusuf Ducaalle.

Sidoo kale, Waxaan farayaa dhammaan Wakiillada Somaliland u fadhiya dallalka dibedda iyo cid kasta oo ay khusayso Arrintaani inay Guddida Gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

P.S. Walle Xaaji Axmed waa xariif. Ragi macaaridka ku aha iyo iska mashquuliyay. :lol:

Inshallah Guul
User avatar
JSL3000
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8699
Joined: Mon Oct 26, 2015 7:29 am

Re: Eng. Faysal Cali iyo Mujahid Boobe Yusuf Ducaale u luu magacaabay gudiga Ictiraaf Raadinta

Post by JSL3000 »

Smart move, we must all unite all across the world for the people of somaliland voice to be heard, this is history in the making, a brighter future for our children insha allah
User avatar
Timiro1999
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2765
Joined: Thu Dec 03, 2015 7:45 am

Re: Eng. Faysal Cali iyo Mujahid Boobe Yusuf Ducaale u luu magacaabay gudiga Ictiraaf Raadinta

Post by Timiro1999 »

Xukuumad sii dhacaysa waxa lagu gartaa isku bedel kala bedel u magacow ka magacow.
Nimankan mucaaridka ah ee uu doonayo inuu shaqadoodii rasmiga ahayd ka jeediyo sida Faysal Cali Waraabe iyo Boobe Yusuf Cabdi waa inay iska gartaan tabcada xukuumada sirqoonyo la damac san yihiin.
Waa inay yidhahdan:
1-Anagu (Faysal & Boobe) waxba nooma magacaabi kartid oo xukuumadaada kama tirsanin.
2-Anagu (Faysal & Boobe) shaqo ayaanu wadanka u haynaa, taas oo ah mucaarid.
3-Ma xukuumad aan mucaarid ku ahay ayaa caawiyaa, maba taqaanid kelmada mucaarid.
4-Dee ictiraaf raadintu waa marba xukuumada wadanka ka talisa shaqadeeda.
5-hadii aanad waxba isla haynin kursiga iskaga deg maxaad kolba cimriga u dheeraysanaysaa.
6-qadiyadii JSL adigaa ( Siiraanyo) god ku riday oo dhulka jiidjiiday markaad tidhi ximin iyo xeeb aan meel la fadhiisto.
7-sanad baa kuu hadhaye iska sii daansha daanshod cidi, cidi kaaga jimcin maysee.
8-waxaad doonaysaa guul dad kale keenay inaad ku magac doonataan sida xukuumadada caanka ku tahay (reer amaan iyo faan jecel)
9-xaalku waa dhagac iyo dhagac laysuma joogaan " barbarkay ka baxdaa waa bakaylo qaleen" ictiraaf doonistu waa shaqadada.
Siiraanyow waadigan luxmanayee leexadu ku sidatee, hadba laan cuskanayee maxaa luray naftaadii.
Aakhiral cimri baad joogtaaye adeer iska naso way iska cadahay in aanad meesha wadin adigu wadina karaynine.
User avatar
AwRastaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7612
Joined: Mon Nov 30, 2015 5:09 am

Re: Eng. Faysal Cali iyo Mujahid Boobe Yusuf Ducaale u luu magacaabay gudiga Ictiraaf Raadinta

Post by AwRastaale »

I love Timiro.

Not only because she is Isaxaaq and by unwritten constitutional law I am obligated to love her but she is a cracker.

Waxan ka yabay siday siyassada uu taqano iyo siday ola socoto.

Most Isaxaaq dumar apart from Fosia Yusuf rather chase their adhi from Daroor to Saylada than Faisal Ali Warabe, Irro iyo Silanyo.

Real talk.

Gacan ban uu tagay

Image

Lakin waxa kula talin laha inay ka fogato ariimaha Habraha :lol:

Timiro wa inan isbarana dee, sidani si maha. By birth right, I already know you and you know me. We just haven't connected faces.

Wad ogtahay adba. Horta Mareykanka Isaxaaqa joga sida uma si aqano lakin kuwa Canada, UK, Middle East, New Zealand, Malaysia, China aya aad isla socona.
User avatar
LeJusticier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8463
Joined: Wed Jun 05, 2013 5:36 pm
Location: base of sufism. Imam Le Justicier ...Xerta Dareenka

Re: Eng. Faysal Cali iyo Mujahid Boobe Yusuf Ducaale u luu magacaabay gudiga Ictiraaf Raadinta

Post by LeJusticier »

AwRastaale wrote:I love Timiro.

Is Timiro Daad from the noble Isahaq? if yes :rose:
As Abu-Rasta mentioned Habraha xasaradooda uun ka fogow. means Wadani aint HY, Kulmiye aint HJ and et cetera and et cetera and et cetera and et cetera and et cetera and et cetera and et cetera and et cetera and et cetera and et cetera and et cetera.

lol enough with et cetera :lol:
User avatar
LeJusticier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8463
Joined: Wed Jun 05, 2013 5:36 pm
Location: base of sufism. Imam Le Justicier ...Xerta Dareenka

Re: Eng. Faysal Cali iyo Mujahid Boobe Yusuf Ducaale u luu magacaabay gudiga Ictiraaf Raadinta

Post by LeJusticier »

Back to the topic.

I dont think the goverment is serious about the aforementioned subject.
User avatar
Timiro1999
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2765
Joined: Thu Dec 03, 2015 7:45 am

Re: Eng. Faysal Cali iyo Mujahid Boobe Yusuf Ducaale u luu magacaabay gudiga Ictiraaf Raadinta

Post by Timiro1999 »

AwRastaale wrote:I love Timiro.

Not only because she is Isaxaaq and by unwritten constitutional law I am obligated to love her but she is a cracker.

Waxan ka yabay siday siyassada uu taqano iyo siday ola socoto.

Most Isaxaaq dumar apart from Fosia Yusuf rather chase their adhi from Daroor to Saylada than Faisal Ali Warabe, Irro iyo Silanyo.

Real talk.

Gacan ban uu tagay

Image

Lakin waxa kula talin laha inay ka fogato ariimaha Habraha :lol:

Timiro wa inan isbarana dee, sidani si maha. By birth right, I already know you and you know me. We just haven't connected faces.

Wad ogtahay adba. Horta Mareykanka Isaxaaqa joga sida uma si aqano lakin kuwa Canada, UK, Middle East, New Zealand, Malaysia, China aya aad isla socona.
Lol, inkastoo anigu aan geeljirad ahay hadana adhigana waa yara raacaa marmar lknse markan xoolaha soo xareeyo ama galabtii yara hadh geliyo ayan odayaasha siyaasada yara eryadaa oon eega bal waxa lakala macaashayo.
Awrastaale my Indro :heart:
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Eng. Faysal Cali iyo Mujahid Boobe Yusuf Ducaale u luu magacaabay gudiga Ictiraaf Raadinta

Post by SahanGalbeed »

Siyaasada dhan e Somaliland maxay tahay ? Reer miyi is eryanaya maaney ahayn ? Mid ba cay iskaga dhawaaqaysa , isla markii ba , been ba lagu asturaya :lol: . Waa reer hebel kii sharafta laha , waa tii kale e :rose: da ahayd . waa bidhihdhi , waa badhadho .Wixii geesinimo iyo sharaf leh ma caytaamo

Allah maxa badaw meesha la isku gu keenay , Somali oo dhan ba sidaasa , almeeno , waa xagii wanlaweynta e qosol bay ku daboolaan Isaaqu calool xumada .

Qabyaalad iyo somali la kala kari maayo , jaaihiiliya-di asal ka weeye , haddaad habraha meel isku soo ururisaan na , iney isku kacaan ha ka yaabina. Anigu ordoo hawshu Ilaahey idinku ku talo galay oo ah inaad somaali sidey u dhantahay hogaanka u qabataan , baan ku kari la'yahay dadkan .
theyuusuf143
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17681
Joined: Sun May 01, 2011 1:15 pm
Location: "Dareen naxli reeba iyo nolosha aan loo sinayn naftaaday dhaawacaan" by dhaglas

Re: Eng. Faysal Cali iyo Mujahid Boobe Yusuf Ducaale u luu magacaabay gudiga Ictiraaf Raadinta

Post by theyuusuf143 »

Ictiraaf raadintu waa hawl inaga inoo taal, maaha hawl madaxweynaha oo keliya loo diray, siilaanyo wuu asaasaqay isaguna waa is ogyahay, Wuuba fiican tahay hadii uu dadkaas wada haldoorka ah hawsha Ku wareejiyey. Odaygu waa symbol of unity dibna usoo noqon maayo Marku term kiisu dhamaado, sidaa darteed waa waajib in digrootooyinkiisa wixii danta guud loogu adeegayo laga aqblo. Eng faysal iyo boobe ba way aqbaleen shaqada loo diray.
User avatar
Djiboutian
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 996
Joined: Sat Jan 21, 2012 10:30 am

Re: Eng. Faysal Cali iyo Mujahid Boobe Yusuf Ducaale u luu magacaabay gudiga Ictiraaf Raadinta

Post by Djiboutian »

Timiro1999 wrote:Xukuumad sii dhacaysa waxa lagu gartaa isku bedel kala bedel u magacow ka magacow.... Waxa kalu u lagu gartaa
Ka rog oo haddana saar, Sabkax oo haddana seed, Seemman oo haddana sulan, Sidkan oo haddana sagan, Sahlan oo haddana sudan, Sal leh oo haddana sigan, Sillan oo haddana sugan, Subkan oo haddana solan, Af Somaligaygow, Wax sawaaban noqotee, Maxay kuu sameeyaa? :lol:

Nimankan mucaaridka ah ee uu doonayo inuu shaqadoodii rasmiga ahayd ka jeediyo sida Faysal Cali Waraabe iyo Boobe Yusuf Cabdi waa inay iska gartaan tabcada xukuumada sirqoonyo la damac san yihiin.
Waa inay yidhahdan:
1-Anagu (Faysal & Boobe) waxba nooma magacaabi kartid oo xukuumadaada kama tirsanin. .... Xukumaada ma inta TV ka soo baxda ayun baad u taqaan!! Miyaan Eng. Faysal hore uga mid noqon qoladii Turkiga lu diray?
2-Anagu (Faysal & Boobe) shaqo ayaanu wadanka u haynaa, taas oo ah mucaarid. ... Miyaad inu sheegi karta shaqada ay wadanka u hayaan maxaay ka dhigan tahay? Imisay ku qaatan? Waxa la mucaaridayo ma dalka misa wa hooganka misa wa wax kasta? U manta Timirow waadinkan mucaarid ah adna ma shaqo ayaad wadanka u haysa!! :lol:
3-Ma xukuumad aan mucaarid ku ahay ayaa caawiyaa, maba taqaanid kelmada mucaarid. Xukumaada cawiin maysiid ee dalka ayaad cawiinaysa markaad Xukumaado waxaay danta qaranku ku jiro la qabatiid. Wixi dalka dan u ah waa luu wada simaan yahay Muxaafid iyo Mucaarid.
4-Dee ictiraaf raadintu waa marba xukuumada wadanka ka talisa shaqadeeda. Ictiraaf raadinta wa hawl cid kasta maca adiga ku taala.
5-hadii aanad waxba isla haynin kursiga iskaga deg maxaad kolba cimriga u dheeraysanaysaa. Xaajiga wuxu raba inu idin baro in dalka dadka u dhan ka wada dhexiiyo. Go'aanka kaligi wuu qaadan kara lakin mar kasta wuxu isku daya inu Axsaabta mucaaridka kala tashaado sidi u hore u kala tashaday ariintii wada hadalka Somaliland iyo Somalia
6-qadiyadii JSL adigaa ( Siiraanyo) god ku riday oo dhulka jiidjiiday markaad tidhi ximin iyo xeeb aan meel la fadhiisto. Cadeystu adiga aya laga sugaya
7-sanad baa kuu hadhaye iska sii daansha daanshod cidi, cidi kaaga jimcin maysee. Danshi danshi ma jiro u hawl aya sanadkan u taala.
8-waxaad doonaysaa guul dad kale keenay inaad ku magac doonataan sida xukuumadada caanka ku tahay (reer amaan iyo faan jecel) Diric keli ahaantii, Daleel guusha kama helo, Dadkaa geesi lagu yahay
9-xaalku waa dhagac iyo dhagac laysuma joogaan " barbarkay ka baxdaa waa bakaylo qaleen" ictiraaf doonistu waa shaqadada.
Siiraanyow waadigan luxmanayee leexadu ku sidatee, hadba laan cuskanayee maxaa luray naftaadii.
Aakhiral cimri baad joogtaaye adeer iska naso way iska cadahay in aanad meesha wadin adigu wadina karaynine. ... Waxaan isleeyahay waa taqana cidi gabaygan curisay iyo ujeedadi u kalaha. Mana qabato meeshan.
P.S. Xaajiga waxa lagu naanaysa Silanyo ( Not Siiraanyo ) ... Yaan lagu garan.
User avatar
Timiro1999
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2765
Joined: Thu Dec 03, 2015 7:45 am

Re: Eng. Faysal Cali iyo Mujahid Boobe Yusuf Ducaale u luu magacaabay gudiga Ictiraaf Raadinta

Post by Timiro1999 »

SahanGalbeed wrote:Siyaasada dhan e Somaliland maxay tahay ? Reer miyi is eryanaya maaney ahayn ? Mid ba cay iskaga dhawaaqaysa , isla markii ba , been ba lagu asturaya :lol: . Waa reer hebel kii sharafta laha , waa tii kale e :rose: da ahayd . waa bidhihdhi , waa badhadho .Wixii geesinimo iyo sharaf leh ma caytaamo

Allah maxa badaw meesha la isku gu keenay , Somali oo dhan ba sidaasa , almeeno , waa xagii wanlaweynta e qosol bay ku daboolaan Isaaqu calool xumada .

Qabyaalad iyo somali la kala kari maayo , jaaihiiliya-di asal ka weeye , haddaad habraha meel isku soo ururisaan na , iney isku kacaan ha ka yaabina. Anigu ordoo hawshu Ilaahey idinku ku talo galay oo ah inaad somaali sidey u dhantahay hogaanka u qabataan , baan ku kari la'yahay dadkan .
Anagu ilbaxnimada iyo reer magaalka waanu isku caynaa, waxaad ceebka u taqaan dad bay camalkisa tahay.
Adigu ilbaxnimada qaado, inankii ilbaxa ahaayow lol illaahay baa xaal og.

Djiboutian wrote:

Waxan oo rinjiyeyna maxaad ka wadaa, ma rinjiilaad tahay.
Sidaan u ogahay ayaad adiguna u ogahay inuu Silanyo waa halkaage uu doonayo inuu Faysal iyo Boobe ka jeediyo shaqadoodii ahayd mucaaridka.
Shaqadoodu waa inay xukuumada wixii ay qalado toosh weyn oo afar dhagax qaata ku iftiimiyaan.
Xukuumadan dhagax dhiga dhagxaanteedii ha iska dhigto meelahas.
Imisa shir bay Somalia la gashay oo ay fara madhan kala timid?
Tiro malaha bal adba adiga yaan lagaa garan in aad adeero dhinaca saaraysid.
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Eng. Faysal Cali iyo Mujahid Boobe Yusuf Ducaale u luu magacaabay gudiga Ictiraaf Raadinta

Post by SahanGalbeed »

Timiro1999 wrote:
SahanGalbeed wrote:Siyaasada dhan e Somaliland maxay tahay ? Reer miyi is eryanaya maaney ahayn ? Mid ba cay iskaga dhawaaqaysa , isla markii ba , been ba lagu asturaya :lol: . Waa reer hebel kii sharafta laha , waa tii kale e :rose: da ahayd . waa bidhihdhi , waa badhadho .Wixii geesinimo iyo sharaf leh ma caytaamo

Allah maxa badaw meesha la isku gu keenay , Somali oo dhan ba sidaasa , almeeno , waa xagii wanlaweynta e qosol bay ku daboolaan Isaaqu calool xumada .

Qabyaalad iyo somali la kala kari maayo , jaaihiiliya-di asal ka weeye , haddaad habraha meel isku soo ururisaan na , iney isku kacaan ha ka yaabina. Anigu ordoo hawshu Ilaahey idinku ku talo galay oo ah inaad somaali sidey u dhantahay hogaanka u qabataan , baan ku kari la'yahay dadkan .
Anagu ilbaxnimada iyo reer magaalka waanu isku caynaa, waxaad ceebka u taqaan dad bay camalkisa tahay.
Adigu ilbaxnimada qaado, inankii ilbaxa ahaayow lol illaahay baa xaal og.
Sheeko xariir ba la yidha waxan walaalo . Lifestyle ma'aha waxa lagu gu haysto , waa intellectual capacity . Xoolo dhaqatadu , "economy"-ga waddanka ay qayb weyn kaga jiraan , laakiin ilbaxnimadu waa cuqdad ka horeeynta bulshada , waa nin kale wax la qabso. Baddowgu isaguun ba iska hadla ,had iyo jeer wuxuun ba eryada :lol: Baddow loo ma dhiiban karo waddan oo waxaan reerkiisa ahayn ma 'ba yaqaan
Rambie
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5689
Joined: Sat Mar 15, 2014 2:16 pm

Re: Eng. Faysal Cali iyo Mujahid Boobe Yusuf Ducaale u luu magacaabay gudiga Ictiraaf Raadinta

Post by Rambie »

TF Timiro did you born in 99?
User avatar
Methylamine
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6362
Joined: Sat Jan 01, 2011 7:22 pm

Re: Eng. Faysal Cali iyo Mujahid Boobe Yusuf Ducaale u luu magacaabay gudiga Ictiraaf Raadinta

Post by Methylamine »

What a waste of time and resources
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”