Eng. Faysal Cali iyo Mujahid Boobe Yusuf Ducaale u luu magacaabay gudiga Ictiraaf Raadinta
Posted: Sat Feb 20, 2016 6:51 pm
Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Mudane Mujahid Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo" ayaa maanta Magacaabay Laba Guddiga Ictiraad Raadinta SL
War-saxaafadeed uu ku Saxiixan yahay Afhayeenka Madaxweynaha C/raxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax) ayaa lagu sheegay loo Magacaabay Ictiraaf Raadina Somaliland oo ay ku jiraan Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Xoghayaha warfaafinta xisbiga WADANI iyo Wasiirradii Arrimaha Dibadda Somaliland soo maray Wakhtigii Daahir Rayaale iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo" Wuxuu Wareegto Madaxweyne oo Sumaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3855/022016 ku Magacaabay Guddi Qaran oo ka shaqeyn doona Aqoonsi Raadinta Jamhuuriyada Somaliland,” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedkaas.
Wareegtadaan Madaxweynuhu ku Magacaabay Guddida Ictiraaf Raadinta ayaa u dhignayd Sidan:
“Sida aad la socotaan, Waxay Xukuumadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Jamhuuriyada Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.
Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland waxaan mas’uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddi heer Qaran ee Ictiraaf raadinta Somaliland. gudiga waajibaadkiisa shaqo waxaa bar-tilmaameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka talo-bixinta wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya (Road Map).
01. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Sacad Cali Shirre, Guddoomiye
02. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi
03. La-taliyaha Madaxweynaha ee Ictiraafka & Wadahadalada Cawil Cali Ducaale
04. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda
05. Wakiilka Wareega ee Somaliland, Raabi Axmed Mohamed
06. Wakiilka Somaliland ee Turkiga, Cali Axmed Cismaan
07. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda, Edna Aadan Ismaaciil
08. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda, Prof. Maxamed Siciid Gees
09. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
10. Wasiir Hore, Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)
11. Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed
12. Proffesor, Macalester College, Minnesota, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar
13. Dean, Kuliyada Sharciga ee Jaamacada Hargeysa, Maxamuud Xuseen Faarax
14. Garyaqaan, Shuruucda Caalamiga ah Mudane, Ibraahin Xaashi Jaamac
15. Guddoomiyaha Gudiga Arr. Dibedda ee G.Wakiilada, Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe
16. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Guurtida, Axmed Daahir Jirde
17. Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe
18. Xoghayaha warfaafinta xisbiga WADANI Boobe Yuusuf Ducaalle.
Sidoo kale, Waxaan farayaa dhammaan Wakiillada Somaliland u fadhiya dallalka dibedda iyo cid kasta oo ay khusayso Arrintaani inay Guddida Gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.
P.S. Walle Xaaji Axmed waa xariif. Ragi macaaridka ku aha iyo iska mashquuliyay.
Inshallah Guul