by A M | Wednesday, Feb 24, 2016 | 609 views

Febraayo 24 (Jowhar)— Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa si nabad kula wareegay deegaanka Ceel-Baraf iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.
Sida ay sheegayaan wararka deegaanka Ceel-Baraf oo ah deegaan istiraatiiji ah ayaa ku dhow Gobolka Hiiraan, waxaana uu illaa 26KM u jiraa degmada Jalalaqsi, halka degmada Mahadaay oo uu hoos-tago u jiro illaa 40-km.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanadii Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaankaas iyo deegaanada la isku yiraah Afarta Tuulo, markii ay ka war heleen in Ciidamada ku soo wajahan yihiin.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka la wareegay ay qeyb ka yihiin maleeshiyo deegaanka ah oo muddooyinkan isku abaabulayay deegaano ka tirsan Mahadaay.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiidka dagaalka ay horay u sii mareen deegaanada Caadley, Miir-Taqwo iyo Cali-Fooldheer, inkastoo aanay saldhig ka sameysan.

Deegaanka Ceel-Baraf ayaa ka mid ah deegaanada la isku yiraah Afarta Tuulo, sida Biyo Cadde, Caadley, iyo Cali Fooldheere, waxaana deegaanadaas ka soo jeeda madax ka tirsanaa Midowgii Maxkamadihii Islaamka.
Waxaa kaloo deegaanadaas ay caan ku ahaayeen jabhadeyn xilliyadii dowladdii kacaanka, waxaana deegaan lagu magacaabo Xalfooley oo qiyaastii 15KM u jira Ceel Baraf ay aheyd xero Maxkamadihii Islaamka halkaas ku lahaayeen, laguna aas aasay muqaawamadii, waxaana deegaanadaas looga soo jabhadeeyay degmada Jowhar iyo Mahadaay, xilligii ay gacanta ku hayeen maamuladii hore ee ka jiray dowladii Marxuum C/llaahi Yuusuf.
Sidoo kale waxaa deegaanada la isku yiraah Afarta Tuulo ka soo jeeda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, waxaana ku aasan aabihiis iyo awoowayaashiis, gaar ahaan deegaanka Miir-Taqwo.
Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Ciidamada dowladda iyo AMISOM la wareegeen deegaanka Biyo Cadde oo 40-km u jira Jowhar.
Deegaanka Ceel Baraf ayaa ah deegaan ku teedsan dhul howd ah, buur iyo dhulka cara cadka loo yaqaan, waxaana uu illaa qiyaastii 20KM uyuu jiraa Wabiga Shabeelle.



