Posted on March 2, 2016 by Nimco Xersi in WARARKA // 0 Comments

Large crowds of IDPs demonstrate in central Mogadishu
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dib u dajin loo sameyn doono Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan amniga Caasimadda.
hadalkaan waxaa saxaafadda u sheegay Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda xilli uu ka hadlayay Shir Wasiirrada Xukuumadda ay isugu yimaadeen.
Dowladda ayaa arrintaa la kaashan doonta Hay’adaha Caalamka si nolosha ay hadda ku nool yihiin Barakacayaasha wax looga badalo dowladduna ka warqabto.• Golaha wasiirada Somalia waxay isla garteen in dib-u-dejin loo sameeyo barakacayaasha, iyadoo lala kaashanayo Hay’adaha Caalamiga ah ee Somalia ka Hawlgala, si ay uga Qayb-qaataan horumarka iyo nabad-gelyada dalka. -