[img]Inta badan Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa maanta heshiis la gaaray dowladda Federaalka, iyadoo lagu heshiiyay saddex qodob oo ka mid ah in Odayaasha ay tagaan magaalada Jowhar, si ay uga qeyb galaan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
[/img]
7 Major Clans in Hiiraan Unanimously Agree To Come Jowhar Meeting with out Conditions plus the already clans in sh.dhexe.
Wufuud ka qeybgalaysa shirka maamul u sameynta Sh/dhexe iyo Hiiraan oo soo gaaray Jowhar
by mahad | Monday, Mar 28, 2016 | 1772 views
Maarso 28 (Jowhar)— Diyaarad siday ugu yaraan 24 ruux oo isugu jira cuqaal,nabadoono iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaartay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Xubnahan oo qaarkood ahaa kuwii hore uga carooday shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa la dejiyay goobihii loogu talo galay in ay degaan ergada ka qeybgalaysa shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Nabadoon Cabdullahi Canshuur Xasan oo ka mid ah xubnihii dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ayaa rajo kamuujiyay in shirka maamul u sameynta labada gobol uu guuleysto.
“Salaadiinta iyo nabadoono badan oo ka soo jeeda gobolka Hiiran waxa ay iman doonaan subaxnimada Talaadada ee berry ah waxayna diyaar u yihiin inay ka qeybgalaan shirka gogashiisu ay ka fidsan tahay magaalada Jowhar.”ayuu yiri Nabadoon Cabdulaahi Canshuur Xasan.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in wafdi uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/maan Xuseen Odowaa ay imanayaan magaalada Jowhar si loo bilaabo wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.