Muqdisha yaa nabada u diidan?

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Muqdisha yaa nabada u diidan?

Post by bashe19 »

Wax shaki ah maleh ummadda somaliyedna waa ogaatay, HAWIYE baa nabada u diidan, hantidii ummadda ka dhexeysayna wuu xalaalaystay, inta aan hawiye ahayn ee joogtana wuxuu isugu daray, inay yiraahdan xamar marti baad ku tihiin, handadaad, cagajuglayn, gowrac, boob, kufsi, bililiqo, qarax iyo qaarijin. Hadda waxay u soo dhigteen dadkii CUSBITAALADDA IYO JIDADKA U DHISAY WALAALAHEENA TURKIGGA.

Caddeymo badana waaloo hayaa.

:dj:
User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Re: Muqdisha yaa nabada u diidan?

Post by bashe19 »

Modka ulakac buu treadka double uga dhigay.

inaXasan
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 482
Joined: Tue Jul 15, 2014 1:14 pm
Location: Compton, Somalia

Re: Muqdisha yaa nabada u diidan?

Post by inaXasan »

war maxa naga galay muqdisha tuuladeena ban ku wareer-san nahaye
User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Re: Muqdisha yaa nabada u diidan?

Post by bashe19 »

Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya. Waa magaalo ay tahay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu ku soo hirto. Waa meel ay tahay in uu si xor ah u degi karo, ka shaqeyn karo, ku noolaan karo, codkiisa ka dhiiban karo isaguna uu iska rashaxi karo.

Qofkii isku daya in intaas aan sheegay uu u diido muwaaddin Soomaaliyeed, oo isku dayo in uu oggoleysiiyo in uu caasimaddiisa marti ka ahaado, oo uu marti u ahaado qabiil, ha ogaado wuxuu Muqdisho u diiddan yahay caasimadnimada.

Sax iyo khalad isuma eka. Waana in caqligu na hago oo aan si maskax furnaan ah u fekerno.

Muxuu yahay caqliga na baraya in labada gabdhood ee Soomaaliyeed oo Gaalkacyo ku wada dhashay aan dhahno middood waxay marti ka ahaaneysaa Caasimaddeeda. Oo ka darane waxay marti u ahaaneysaa midda kale?

Anigu ma qabo in Caasimaddeenna lagu sheego in uu qabiil leeyahay. Mana qabo in muwaaddin Soomaaliyeed la isku dayo in la iska xijiyo caasimaddiisa oo loo sheego in uu marti ka yahay.

Hadalka Muqdisho laga jeediyay wuxuu dhaawac ku yahay qalbiga dadka Soomaalinnimada ku kalsoon jecelna. Wuxuuna si gaar ah dulmi ugu yahay beelaha aan hubeysnayn ee Xamar mooyiye aan meel kale oo ay dalka ka degaan aanay jirin. Wuxuu dulmi ku yahay Soomaaliga ku dhashay ama ku barbaaray caasimadda magaalo kalana aan dalka ka aqoon. Ma hubo in ujeeddada laga lahaa ay sidaas ahayd.

Hadalka odayaashu waa isku-day aan shaqeyneyn. Waayo Qabiilka odayaashu ay u hadleen, oo aan sidaa wada oggoleyn, waxaa ka badan Soomaalida kale. Soomaaliduna ma yeeleyso in ay caasimaddooda marti ka ahaadaan.

Baarlamaanku muxuu ka qabaa?

Midda ka khatarsan, waa fikirka aan anigu u qabo in uu kaas la nooca yahay ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waa fikir ay ii soo baxday in Xildhibaannada u ololeeyay iyo kuwa u codeeyay qaarkood in aanayba fahamsaneyn saameynta uu ku yeelan karo iyo dhaawaca uu u geysan karo Soomaalinnimada. Waxay taasi ii soo baxday dhowr jeer oo Xamar iyo Kismaayo aan Xildhibaanno kala dooday mowduucaan.

Waa fikir la mid ah hadalka odayaasha ee hadda laga qeylinayo laakiin ka asluubeysan. Fikir kuma koobna ee waxa ay Xildhibaannadu ay isku dayeen in ay sharci ka dhigaan. Waa waxa ay ugu yeereen “U dhashay” oo lagu go’aamiyay meel aan sidaa uga fogeyn meesha ay hadda odayaashu hadalkan uga dhawaaqeen.

Haddii aad fahmi weyso “U dhashay” waxaa loola jeedi, sida ugu habboon ee aad ku fahmi kartaa waa in aad daawato video-ga laga soo duubay Muqdisho ee odayaasha. Macnaheedu waa reer ayaa magaalo leh inta kalena waa ka marti xataa haddii ay ku dhasheen, ku barbaareen kuna dhaqmeen.

Waxay ka horimaaneysa xuquuqda uu Dastuurku siinayo muwaaddinka Soomaaliyeed oo ah in uu codkiisa ka dhiiban karo lagana dooran karo goob kasta oo dalka Soomaaliya ka mid ah.

Odayaasha waa lagu diidi karaa damacooda, laakiin Baarlamaanku ayaa hadalka odayaasha oo si kale loo yiri isku dayaya in uu sharci ka dhigo. Taas ayaa aniga igala khatarsan.

Xal

Haddii Duqa Muqdisho iyo Golaha Degaanku ay ku yimaadaan doorasho, looma baahna in laga doodo qabiilkee Duqa magaalada laga dhigaa iyo yaa Golaha lagu daraa. Duqa magaaladu wuxuu noqonayaa murashixii ay doortaan dadweynaha magaalada deggan.

Sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in la diyaariyo nidaamka doorashada caasimadda iyo xeerarkeeda. Kaas oo ay khasab tahay in uu codeeyo muwaaddin kasta oo degganaa caasimadda muddo lagu cayimi doono xeerka. Shakhsiyan waxaa ila habboon in beelaha aan hubeysneyn ee reer Muqdisho la xaqiijiyo in ay leeyihiin kuraas u dhiganta.

Waxaan adeegsaday ereyga Xal ee ma adeegsan Xalka, sababta oo ah tani ma ahan sidan keliya ma ahan xalku.

Dowladda

Dadweynaha Muqdisho waxay tirsanayaan in ay ku dulman yihiin nidaamka Federaalka. Inta aan ka warqabo dulmiga ugu weyn waa qodobka ku saabsan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Waa in dib loo egaa sida dadweynaha Muqdisho, ay kursi uga waayi karaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka inkasta oo lagu qiyaaso in Xamar ay deggan yihiin dad ka badan 10% tirada iyaduna qiyaasta ah ee dadka Soomaaliyeed.

Sabab lagu qanco haddii aan Dowladdu hayn, waa in ay xuquuqda codka ee dadweynaha Muqdisho ay xaqiijisaa.

Waxaa u dheer in ay ku hareereysan yihiin oo weliba ay cariiri geliyeen Gobollo leh Dowlado iyo Madaxweynayaal oo dalka badankiis ku firirsan.

Dowladda iyo dadweynaha Soomaaliyeed waa in ay ku baraarugaan halista hadallada noocan ah iyo dhaawaca ay u geysan karaan Soomaalinnimada oo la il daran dakharro waaweyn oo Soomaali iyo ajnebiba ay u geysteen ogaal iyo ogaal la’aanba.

Xumaha laguma daydo ee waa la saxaa. Haddii aad sixi kari waydana waa la sheegaa in uu xumaan yahay si qof sixi kara ay baraarujin ugu noqoto ama xataa mid saxayay ay u dhiirri geliso. Ama si lagaaga qanciyo haddii lacalla ay xumaantu ahayd mid aan jirin oo aad adigu is moodsiisay.

Soomaaliga aan Soomaaliya waxtari karin, ugu yaraan yaanuu wax u dhimin.

F. G.
Qormooyin Taxane ah oo aan ka qoray Muqdisho, “Xamar lagaama Xigo” waxaad ka heli kartaa isla bloggan haddii aad cinwaanka ku qorto isla boggan meesha ay ku qoran tahay raadi (search)

Muqdisho (W. Maka)
AirBitaale
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 813
Joined: Fri Jan 29, 2016 12:37 pm

Re: Muqdisha yaa nabada u diidan?

Post by AirBitaale »

bashe19 wrote:Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya. Waa magaalo ay tahay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu ku soo hirto. Waa meel ay tahay in uu si xor ah u degi karo, ka shaqeyn karo, ku noolaan karo, codkiisa ka dhiiban karo isaguna uu iska rashaxi karo.

Meel walba oo waddanka ka mid ah waa inay xor u tahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Maxaa Muqdisho ku gaar ah! :ufdup:
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”