Page 1 of 2
My take on Yusuf Garaad's Mogadishu article
Posted: Mon Apr 04, 2016 4:28 pm
by AirBitaale
Muxuu yahay caqliga na baraya in labada gabdhood ee Soomaaliyeed oo Gaalkacyo ku wada dhashay aan dhahno middood waxay marti ka ahaaneysaa Caasimaddeeda. Oo ka darane waxay marti u ahaaneysaa midda kale?
http://yusuf-garaad.blogspot.com/2016/0 ... -mise.html
Labada gabdhood ee Gaalkacyo kuwada dhashay Garowe ma u siman yihiin, waa su'aale?
Muxuu yahay caqliga na barayaa in labada gabdhood ee Gaalkacyo kuwada dhashay ay Muqdisho u sinaadaan lkn aysan Garowe u sinnaan?
Si qaldan ha ii fahmin, akhriste. Kama soo horjeedo midnimada Umadda Soomaaliyeed iyo in muwaadin kastaa uu meeshuu doono ku noolaado LAAKIIN waa in si dhamaystiran waddanka oo dhan looga hirgaliyo, oo meel kasta oo waddanka ka mid ah muwaadinka Soomaaliyeed iyo qoyskiisaba si xorriyad buuxda leh ugu noolaadaan, kuna ganacsadaan, hanti ka iibsadaan. Xaq bay u leeyihiin.
Waxaan anigu ka soo horjeedaa in waddanka qayb ka mid ah la yiraaho waa la wada leeyahay, qaybna rag gooni isu lahaysiiyo; Labadii ceyriinka wax ku qaybsataa biseel isuguma timaado. Ama waddanka aan wada lahaano ama safaaradaha noo kala qaada!!
Re: My take on Yusuf Garaad's Mogadishu article
Posted: Mon Apr 04, 2016 4:42 pm
by Vivacious
Did you watch faaliyaha qaranka's take on this issue?

Re: My take on Yusuf Garaad's Mogadishu article
Posted: Mon Apr 04, 2016 4:43 pm
by AirBitaale
Mohamed Muuse4 days ago - Shared publicly
Yusuf Aad ayaad ugu mahadsantahay mar kale dareenkaaga wadaninimo. Runtii waan hubaa dad badan in ay ka niyad jabeen hadaladdii odayaasha ay jeediyeen oo aan anigu ugu horeeyo... Tusaale, waxaan joogay Kenya 2007 markii ay ka dhacday wadankaas doorashaddii lagu murmary... Musharixii xisbiga ODM ee xilligaas Raila Odinga waxa uu kursigiisa xil dhibaanimo ka helay degmo ka mida Nairobi isaga oo ka soo jeedda gobol kale oo waxa uu ku sigtay in uu ku waayo musharaxnimaddiisa hadii uusan helin xil dhibaanimadda waana ognahay Yusuf Hasan oo isna ka soo gala Kamkunji in uu yahay Somali....Aniga waxaan ku dhashay War dhiigley balse kama soo jeedo dadkii ay odayaasha muqdisho siiyeen lahaanshaha Muqdisho sanaddii 2007 waxaan niyadda iska dhahay hadii dalka xasilo miyaadan sida Odinka oo kale ku guuleysan karin kursiga War-dhiigley!? halkaa waxaa ka cad in hadaladdas aniga iyo muwaadiinin badan ay ka niyad jabeen! laakiin inta muwaadin Yusuf Garaad oo kale ah joogo xalku sidaas ma noqon doono in sha Allah.
Maxamed Muuse xaq buu u leeyahay inuu matalo Warta Nabadda (Ex-Wardhiigley) lkn ka warran dadka sidiisa oo kale ku dhashay gobolo aysan reerahoodu deganayn? Kuwaa mayna xaqqaas oo kale lahayn?
Mise sharcigaan Muqdisho kaliya ayuu qabanayaa?
Re: My take on Yusuf Garaad's Mogadishu article
Posted: Mon Apr 04, 2016 4:44 pm
by AirBitaale
Vivacious wrote:Did you watch faaliyaha qaranka's take on this issue?

Maya abaayadiis. Ajakis muxuu ka yiri?
Re: My take on Yusuf Garaad's Mogadishu article
Posted: Mon Apr 04, 2016 4:54 pm
by Vivacious
http://www.universalsomalitv.net/topics ... anka/11779
Is qabqabsiga dhan is at the end of the video laakiin bilowga hore qodobada wararka uu si sarbeeb ah oo uga hadlay. Watch 3:08 - 3:51
Re: My take on Yusuf Garaad's Mogadishu article
Posted: Mon Apr 04, 2016 4:56 pm
by AirBitaale
Mahamud abdi ahmed2 days ago - Shared publicly
Yuusuf Garaad waad ku mahadsantahay sxb qormadaan aadka u qiirada badan ... lkn waxaan is leeyahay waxaad kahadashay go'aanka odayaasha hawiye ay gareen oo ay ku sheegteen casimada in ay ayagu, kaleeyihiin soomaalida kele tusalana waxaad u soo qadatay laba gabdhood oo gaalkacyo kuwada dhashay in midna layiraah xamar muwaadin ayaad katahay mida kalana layiraah ajanabi ayaad katahay xamar...
Lkn waxaa ila qor xoneed oo aan is leeyahay waad iska indha tirtay in ay horay u dhacday laba gabdhood oo gaalkacyo kuwada dhashay in mid kamid ah Garoowe ama bosaaso ay muwaadinad putlander ah katahay midna in ay qaxooti ku tahay.
Aniga waxaan ku nolahay xamar jamacadna waan kadhigtaa waligeey ma'arkin sida xamar ay soomaali weyn hooy ugu tahay magalo kale oo sidaas soomaali u mideeysay meshaan xamar kadaganahay waxaa ila daris ah oo geesaha iga dagan , Darood , Dir, Hawiye , Raxanweyn , jariir iyo jaleec kalaba halka magalooyinka kale ee soomaaliyeed ay yihiin ku qabiil uu gooystay kuna amar taag leeyo , still waxaan qabaa dadka xamar.dagan ayagaa ah kuwa xuquuq dooda lagu xadgudbo.
Marnaba raali kama ahi, in dad soomaaliyeed xaqooda laduudsiiyo, ama Garoowe hajoogo ama bosaaso hajoogo ama Hargeeysa hajoogo ama Baydhaba hajoogo ama kismaayo hajoogo ama dhuusamareeb hajoogo.
Soomaaliyeey in aan midoowno oo aan istageerno ayaan kuwada istaagi karnaa lkn kuma wada guleeysan karno in adiga aad wax kasta ay kugu wanaagsan yihiin waxadana ay ku qaas yihiin oo aan lagula wadaagi karin , ana aad ii didantahay xaquuqdeeyda iyo hormarkeeyga waxaan leyahayna aad idhahdid waan kula leyahay waxaadana aad ii diido......
Mida kale oo aan rabo in aan xuso waxeey tahay Muqdisho waxeey aheeysaa soomaali weeyn oo dagada iyo Airport ka laga cashuuraa dowlada soomaaliyana waxeey canshuurtaa casimada bas, canshuurta muqdishana waxaa mushaarkaas kaqaata nin kayimid Hargeysa ama Boorama ama Garoowe ama.Boosaaso ama jigjiga intaas oo culeeys ah magalada qaabili karta oo xamar lagu badali karaa waa teeeeee.
Morgan wiilashiisa hasoo degaan guriga igu dhagan, si derisnimo leh ayaan ula dhaqmayaa.
Wiilasha Morgan ganacsi haka furtaan Suuqa Bakaaraha waxbaan ka iibsanayaa.
Laakiin maalinkay Golaha Deegaanka Gobolka iigu yimaadaan waa inay iyaguna kuraasta Golaha Deegaanka Gobolka reerkoodu dego wax ka ogolyihiin.
Re: My take on Yusuf Garaad's Mogadishu article
Posted: Mon Apr 04, 2016 5:18 pm
by AirBitaale
Re: My take on Yusuf Garaad's Mogadishu article
Posted: Mon Apr 04, 2016 5:26 pm
by Halmogg
Move the capital reer unuka leh and this issue will go. Let someone else have that problem.
Personally, i prefer everybody stick to their regions and we share the aid given in the name of somalia since we are all bunch of beggars. Its simple
Re: My take on Yusuf Garaad's Mogadishu article
Posted: Mon Apr 04, 2016 5:30 pm
by AirBitaale
Halmogg wrote:Move the capital reer unuka leh and this issue will go. Let someone else have that problem.
Personally, i prefer everybody stick to their regions and we share the aid given in the name of somalia since we are all bunch of beggars. Its simple
Xaggee la geynaayaa? Ma haysaa qolyo ogol in lala maamulo siyaasadda deegaankooda?
Aan sii sharaxo; haddii caasimadda loo raro, kasoo qaad, Garowe, waxaan anigoo nin HG u soo safanayaa kursiga aan ku leeyahay golaha deegaanka Gobolka Nugaal, maadaama meeshu tahay caasimaddii dalka? Warkaasi makuu cuntamaa Halmoog?
Re: My take on Yusuf Garaad's Mogadishu article
Posted: Mon Apr 04, 2016 5:37 pm
by Halmogg
AirBitaale wrote:Halmogg wrote:Move the capital reer unuka leh and this issue will go. Let someone else have that problem.
Personally, i prefer everybody stick to their regions and we share the aid given in the name of somalia since we are all bunch of beggars. Its simple
Xaggee la geynaayaa? Ma haysaa qolyo ogol in lala maamulo siyaasadda deegaankooda?
Bro, gudomiya gobolka banadir waa nin reer banadir plus all gudomiyasha degmoyinka are reer banadir. Whats the issue here? Maa nin reer nugaal baa jooga mesha?
Re: My take on Yusuf Garaad's Mogadishu article
Posted: Mon Apr 04, 2016 5:40 pm
by AirBitaale
Currently? No, but your proposal of using 4.5 formula for Banaadir will require that!
Re: My take on Yusuf Garaad's Mogadishu article
Posted: Mon Apr 04, 2016 5:40 pm
by Halmogg
AirBitaale wrote:Halmogg wrote:Move the capital reer unuka leh and this issue will go. Let someone else have that problem.
Personally, i prefer everybody stick to their regions and we share the aid given in the name of somalia since we are all bunch of beggars. Its simple
Xaggee la geynaayaa? Ma haysaa qolyo ogol in lala maamulo siyaasadda deegaankooda?
Aan sii sharaxo; haddii caasimadda loo raro, kasoo qaad, Garowe, waxaan anigoo nin HG u soo safanayaa kursiga aan ku leeyahay golaha deegaanka Gobolka Nugaal, maadaama meeshu tahay caasimaddii dalka? Warkaasi makuu cuntamaa Halmoog?
Maya taas waa xaaqdaro, again thats not the case in banadir
Re: My take on Yusuf Garaad's Mogadishu article
Posted: Mon Apr 04, 2016 5:41 pm
by Halmogg
AirBitaale wrote:Currently? No, but your proposal of using 4.5 formula for Banaadir will require that!
Who proposed that?
Re: My take on Yusuf Garaad's Mogadishu article
Posted: Mon Apr 04, 2016 5:42 pm
by TheblueNwhite
Bada dhexdeeda haddaan 5.0 ka dhigno ka waran. Halagu murmo malaaygaan waa Hawiye mise Darood markaas. Problem solved.
Yacht ayaan dalbanaayaa waqti yar isii.
Re: My take on Yusuf Garaad's Mogadishu article
Posted: Mon Apr 04, 2016 5:42 pm
by AirBitaale
Puntland! Yaa kale