
Abaanduulaha ciidanka Milateriga Jen. Cali Baashi ayaa sheegay in ujeedka howl galada loo qaaday ay tahay sidii la isugu furi lahaa xuduudka Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
“Howl galadan si wanaagsan ayay u socdaan, ciidamada qaranka waxay ka sifeynayaan cadawga meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan, howl galkan waxaa uu yahay in la isugu furo xuduudka labada gobol ee Sh/Dhexe & Hiiraan iyo Galgaduud”ayuu yiri Jen. Cali Baashi.
Duullaankii ay maanta qaadeen Ciiddanka Qaranka oo ay wehliyaan Hoggaamiyayaal caan ah oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Somalia, Cali Mahadi Maxamed, Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Cumar Maxamuud Filish, Maxamed Cismaan “Dhagaxtuur”, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo xubno kale ayaa waxay caawa ku sugan yihiin Aagga Hore ee Dagaalka ee Degmadda Cadale.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan inuu Dagaalkii maanta ahaa mid aan loo kala harin, waxaana Ciiddanka hoggaaminayey Kolonel Qoondhe, oo isagu Xeeldheere ku ah Taatikadda Dagaalka.
Ciiddanka ayaa la sheegay inaysan hakanin gulufka ay ku qaadeen Alshabaabka ku sugnaa qeybo ka mid ah Sh/dhexe, waxayna Ciiddanka la wareegeen Deegaano u dhexeeya Degmadda Ruun Nurgood iyo Cadale, oo ay ka mid yihiin Deegaanadda Maxaa Saciid, Cadcadeey, Nuur Dugle, Cadaan-laxeey iyo Wargaadhi.
Wararka ugu dambeeyey ee naga soo gaaray Cadale, waxay sheegayaan inay Caawa halkaasi ku sugan yihiin Mas’uuliyiin iyo Saraakiil Sarsare oo magac leh dadka ku nool Gobalka Sh/dhexe.
Dadweynaha ku nool Cadale ayaana si diiran u soo dhaweeyey Madaxdaasi iyo Ciiddanka Xoogga Dalka Somalia, waxayna ballan-qaadeen inay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Qaabka Dagaalka ee maanta Alshabaab lagala wareegay Deegaano ka tirsan Sh/dhexe ayaa lagu tilmaamay guushii ugu ballarnayd ee ay Ciiddamaddu ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Alshabaabka ku sugan Gobalkaasi.