


Xasan Abshir Faarax oo la hadlay warbaahinta kulan Guddoomiyaha uu la qaatay kadib ayaa sheegay in qiiro lixaad leh ay ku abuurtay soo dhaweyntii maanta loogu sameeyay Aqalka Dowlada hoose ee Muqdisho oo uu mar xafiis u aheyd, waxaana uu mahad celin iyo bogaadin u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen jimcaale.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu ku faraxsan yihiin in markii ugu horeysay uu soo booqdo aqalka dowladda hoose ee xamar Ex Xildhibaan Xasan Abshir, waxaana uu sheegay Guddoomiyaha in bulshadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay weynayaan dadka xilka ka soo qabtay dalkooda, isla markaana la tuso xushmada loo haayo.