Gobolka Banaadir oo lagu soo daray Qaybsiga Aqalka Sare iyo Isbedel lagu sameeyay Heshiiskii Madasha Qaran Good Job

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Gobolka Banaadir oo lagu soo daray Qaybsiga Aqalka Sare iyo Isbedel lagu sameeyay Heshiiskii Madasha Qaran Good Job

Post by THE_TRUTH1 »

Gobolka Banaadir oo lagu soo daray Qaybsiga Aqalka Sare iyo Isbedel lagu sameeyay Heshiiskii Madasha Qaran..
Image

Gobolka Banaadir oo lagu soo daray Qaybsiga Aqalka Sare iyo Isbedel lagu sameeyay Heshiiskii Madasha Qaran17 May 2016
Xildhibaanadii Guddiga ahaa ee loo xil saaray tifaftirka Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ay ku wada gaareen Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboledyada, ayaa shaaca ka qaaday inay isbedel ku sameeyeen qaar ka tirsan Qodobada Heshiiskasi.


Xildhibaan C/laahi Jaamac oo Guddigaasi ka mid ah ayaa sheegay in Aqalka Sare ee dalka lagu soo daray Gobolka Banaadir, iyadoo markii hore uusan ku jirin Gobolka.
“Inaha ugu muhiimsan ee laga hadlayay waxaa ka mid ah aqalka sare ee baarlamaanka, waxaa sharcigu dhigayaa qodobka 72 in laga keeno 18 gobol, wixii naloosoo gudbiyay 17 gobol ayaa aqalkii laga keenay 54 loo qeybiyay, halkaa waan saxnay waxaan ku adkaysanay inaan gobolka 18aad oo Muqdisho ahaa banaadir inaan sina looga tagi Karin, arrintaa is afgarad ayaa laga gaaray Muqdishana waa lagu soo daray”.
Xildhibaan C/laahi ayaa sheegay shaqada guddigooda inay tahay inay meesha ka saaraan wixii qaladaad ah oo ay arkaan wixii sax ahna u daayaan, kadibna si toos ah baarlamaanka loo horgeeyo si loo sharciyeeyo.
“Guddigaas baarlamaanka waxaa loo saaray wixii ka soo baxay madashii madaxda qaranka iyo kuwa gobollada oo golaha wasiiradu noosoo gudbiyay 30 bishii April , waxaana lagu ballansanaa iyagu waxay soo saaraan in baarlamaanku sharciyeeyo, micnaha sharciyayntu waxa weeye haddii sharciga uu waafaqsan yahay in la sharciyeeyo hadayna waa waqsaneyna in la fiiriyo danaha qaranka wixii la socon kara”.Ayuu yiri Xildhibaanka oo la halday Idaacada Goobjoog
“Muddo todobaad ah ayay maanta nagu tahay dabaaldagyo ayaa naga soo galay waana naga dhamaatay, guddiga xagiisa waa ka soo aruurtay, waxaana loo gudbin doonaa baarlamaanka, waxaanan rajaynaynaa wixii guddigu ka soo shaqeeyay inuu meel mariyo Baarlamaanka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Inaha ugu muhiimsan ee laga hadlayay waxaa ka mid ah aqalka sare ee baarlamaanka, waxaa sharcigu dhigayaa qodobka 72 in laga keeno 18 gobol, wixii naloosoo gudbiyay 17 gobol ayaa aqalkii laga keenay 54 loo qeybiyay, halkaa waan saxnay waxaan ku adkaysanay inaan gobolka 18aad oo Muqdisho ahaa banaadir inaan sina looga tagi Karin, arrintaa is afgarad ayaa laga gaaray Muqdishana waa lagu soo daray”.
“Waxaa kaloo aad looga dooday madaxda goboladu saxiix ma ku yeelan karaan xildhibaan federaal ah , arrintaa markii loo sharci dayay oo aanu dastuurka fiirinay oo aan dhaqanada caalamka fiirinnay oo wax walba fiirinay waxay noqotay maya, xildhibaanku hadduu qabiil ka imanaayo qabiilka ayaa soo xulaya ergada dooraneysa cidina saxiix kuma laha guddiga koontaroolaayo mooye” waana sida uu hadalka u dhigay xildhibaanku.”
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”