Suldaan Maxamed Xirsi Qani Vs Suldaan Cismaan Cali Madar, Gaashamo massacre.

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
X.Playa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17317
Joined: Sun Mar 17, 2002 7:00 pm
Location: Canada,Hawd

Suldaan Maxamed Xirsi Qani Vs Suldaan Cismaan Cali Madar, Gaashamo massacre.

Post by X.Playa »

I have never liked the fool Ina Xirsi Qani the man cant even talk his plunders are many and some how he talks and sounds like a handicape. I always perfered suldaan Cismaan Suldaan cali Madar, a sharp intelligent hot blooded balanced sultan. Sad the H.Y follow the qaad addict clown Maxamed Xirsi Qani and not the intelligent well spoken Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar who even count more sultans in his lineage then the qaad chewing political prostitute ina Xirsi Qani.

Look at the donkey ina xirsi qani and look at what cismaan said.


Image


Salaaddiinta Guud ee Habar-yoonis oo Siyaabo kala duwan uga hadlay Shacab lagu laayey Bariga Itoobiya
(Hadhwanaagnews) Thursday, June 09, 2016 01:17:21
Hargaysa(HWN):-Salaaddiinta Beelaha Somaliland qaarkood iyo Beelaha dega Beriga dowlad-deegaanka

Hargaysa(HWN):-Salaaddiinta Beelaha Somaliland qaarkood iyo Beelaha dega Beriga dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa ka hadlay isku dhac-dhex-maray Dad Shacab ah iyo Ciidammo ka kala tirsan kuwa Federaalka Ethiopia iyo Liyuu Booliska Ismaamulka Soomaalida oo laba cisho ka hor ka dhacday deegaanka Jaamac-Dubbad oo ka tirsan degmada Gaashaammo ee gobolka Jarar.

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani iyo Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar oo ah Salaaddiinta Beelaha Habar-yoonis ee dega Somaliland iyo Bariga dalka Itoobiya, ayaa Maanta iyagoo ku kala sugan dalalka Somaliland iyo Jarmalka waxay dhacdadaas uga warrameen Saxaafad kala duwan, waxaanu Suldaan Maxamed Tirada dadka dhintay ee la xaqiijiyey oo markii hore lagu sheegay 43 Qof ay inta sugan ee la aasay tahay 24 Qof, baa la raadinayaa.

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo Maanta u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA isagoo ku sugan Hargeysa, ayaa sheegay inay ka xun yihiin sida wax u dhaceen, isla markaana Baaq u kala diray dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Shacabka deegaankaas ku dhaqan.

“Horta, anigu goobta maan joogin, laakiin sida wax u dhaceen waxa weeye, marka hore Ciidanka waa lagu qaldamay, dad yar oo kooban baa ku khaldamay, markii dambena Ciidanku magaalo ayuu yimi Jaamac-Dubbad la yidhaahdo oo Koonfur-Bari ka xigta Gaashaammo oo magaaladii agteeda ama dhex-deeda wax lagaga riday ah, gaadh baa laga qabtay, ka dibna waa la soo ururiyey, ka dibna Rag, Dumar iyo Carruur wixii halkaas joogay waa la laayey, iyagoo loo aanaynayo waxaad isku qolo tihiin dadkii rasaasta nagu riday.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani.

Suldaan Maxamed oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida ay dhacdadu ku bilaabantay, waxa uu yidhi; “Waxay ku bilaabantay laba Gaadhi oo isku dhacay oo la yidhi waa la soo jiidayaa oo xagga Gaashaammo loo jiiday, ayaa meel walba qof caqli-xumi waa joogaaye, dad caqli-xun baa is-yidhi Gaadhiga kala hadha yaan la idinka qaban Gaadhigoo bilaa lambar ahe, sidaas bay ku timi dhacdadu, dee wixii Allaah ka qaddarayna way ka dhaceen.”

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo la weydiiyey tirada guud ee dadka halkaas ku dhintay iyo waxay kala yihiin, waxa uu ku jawaabay; “Tirada guud ee dhimashada illaa immika 24 Qof baa sugan, Toddoba waa Haween, Lix Carruur ahna waan hubnaa, inta kalena waa Rag Odayaal waawayn iyo Dhalinyaro-ba ah.” Sidoo kale, waxa la weydiiyey Suldaanka dhinaca Ciidanka Itoobiya tirada wax laga yeelay, waxaanu yidhi; “Ma hubo wax Ciidanku sheegay oo ay soo bandhigeenna ma jiro.”

Mar uu Suldaanka la weydiiyey sida ay xaaladda deegaanka wax ka dhaceen tahay iyo inay jiraan wax waanwaan ah oo halkaas laga bilaabay, ayaa ku jawaabay; “Cidda meesha wax lagu yeelay iyo cidda wax yeeshay-ba waa dowlad iyo Shacabkeedee, markaa Shacab kale oo aloosan oo wax ridayaa ma jiro, hawlgal badanna waannu ka samaynay, wixii dowladdooda kaga yimi mooyee wax kale oo dhib ah oo immika jiraa ma jiraan. Dowladdana waxaannu leenahay oo ugu baaqaynaa arrinka halkaas ku joojiya oo halla isku soo gaadho.”

“Maamulka wax ka soo kordhay oo buurani ma jiraan, Ciidankuna sidiibii meesha wax ka dhaceen u deggan yahay, Dadkana Cabsidii uun baa weli dul-hoganaysa, Meydadkana shalay baa la aasay oo la oggolaaday in la aaso, welina waxa la raadinayaa Meydad kale oo meelahaa ku qarsoon in la helo oo meelahaa Baraagaha dhexdooda iyo Kaymaha ku qarsoon in la baadho, xaaladduna waa deggan tahay.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed oo sii watay Jawaabta uu ka bixiyey Su’aasha kor lagu weydiiyey.

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi waxa uu Baaq u diray Shacabka deegaankaas, dowlad-deegaanka Soomaalida iyo Federaalka Itoobiya, waxaanu yidhi; “Shacabka waxaan leeyahay dadka dhintay Illaahay ha u naxariisto, dhammaanna Samir iyo Iimaan ha innaga siiyo, wax dhibaato ahna yaan la geysannin. Dowladda ayuun baa xal laga sugayaa, dowladdana waxaan u soo jeedinayaa gaar ahaan Madaxweynaha Killalka (dowlad-deegaanka iyo Federaalka Itoobiya-ba in arrintu halkaas isku taagto, bal dibna loo eego wixii dhacay.”

Mar Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay jiraan Ergooyin halkaas wax ka dhaceen Xal ahaan u tegay weli iyo in kale, waxa uu yidhi; “Waannu rejaynaynaa, Madaxweynihii dowlad-deegaanku wuu maqan yahay, waxaan rejaynaynaa inuu isaguna arrinta si deg-deg ah uga hawlgalo oo joojiyo, gogol wadahadal iyo nabadeedna uu furo.”

Sidoo kale, Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar oo isagoo dalka Jarmalka ku sugan ayuu ka hadlay dhacdadaas foosha xun ee shacabkaas loo gaystay, waxa uu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan kelmad ka idhaahdo Xasuuqa ama xaalad aan wax lagu tilmaami karaa jirin oo ka dhacday Tuulada Jaamac-dubbad, Dadka Shacabka ah ee aan wax hub ah sidan ee aan wax dhib ah wadin ee wax colaad ah oo ay u hayaan dowladda Federaalka iyo ta deegaanka (Ethiopia) midna aanay jirin, marwalbana dowladda federaalka laga taageero cid kasta oo ku cadaw ah, ee aan mar iyo laba toona ahayn ee mar walba Shacabkaas la xasuuqayo ee inta ay ku soo duulaan Ciidanka Liyuu Booliska loola baxay xasuuqayaan ayaan u cambaaraynayaa, aadna waan uga xumahay.”

“Dowladda Federaalka Itoobiya waxaan ugu baaqayaa, dadkaa maalin walba Xasuuqu ku dhacayaa waa dadkiinnii, wax dhib ah ma wadaan sidaa aan sheegay, dowladda Itoobiya ka Awoow-ka-awoow way garab-taagan yihiin, nabad baanay ku garab-taagan yihiin, dowladdoodii inaad tihiin bay aamminsan yihiin. Dadkaa maalin walba la xasuuqayo ee sabab la’aanta lagu xasuuqayo dowladda Itoobiya inay tallaabo ka qaaddo ayaan ugu baaqayaa masuuliyiinteeda, si dhab ah loo baadho, ciddii dembigaa gashayna sharciga dowladda Itoobiya u yaalla la mariyo, mar labaad iyo mar saddexaadna waan cambaaraynayaa, waana arrin dhinac kasta oo laga eego fool-xun.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar.

Waxaanu sheegay in marar hore dowladda Itoobiya loogala hadlay dhibaatada laga tirsanayo Ciidammada, isla markaana aan waxba laga qaban, immikana talo laga yeelanayo waxa dhacay, sidoo kalena ay dowladda Itoobiya iyo Caalamka-ba u sheegayaan in deegaankaas Xasuuq badheedh ah oo sabab la’aan ahi ka dhacay inay ogaadaan, loona baahan yahay in wax laga qabto.

Hadhwanaagnews/Office

Hargaysa/Somaliland
User avatar
X.Playa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17317
Joined: Sun Mar 17, 2002 7:00 pm
Location: Canada,Hawd

Re: Suldaan Maxamed Xirsi Qani Vs Suldaan Cismaan Cali Madar, Gaashamo massacre.

Post by X.Playa »

Kii ciidagale eega , markii hore iyo maalintii ku xigtay. maalintii hore he had enough for a liquor so he called it a massacre , second day wuxu ahaa " badh-go" so he had to adjust and "correct" his statement and blame the victims and quote his follow porn addict and qaad-coholic Ina Xirsi Qani.

https://www.youtube.com/watch?v=7ARy84LLrww

Its about time we clean the isaaq sultanate and get rid of these clowns .
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Suldaan Maxamed Xirsi Qani Vs Suldaan Cismaan Cali Madar, Gaashamo massacre.

Post by Siciid85 »

That Ciidagale Sultaan is an embarrassment to all Isaaqa. Is that what Suldaan says when his people are killed. Meesha dawlad maba ka talisa ku lahaa. Dawladee, ma tan shacabkii laysay? Yaab

Also not a word from Cirro. Another useless clown.
User avatar
X.Playa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17317
Joined: Sun Mar 17, 2002 7:00 pm
Location: Canada,Hawd

Re: Suldaan Maxamed Xirsi Qani Vs Suldaan Cismaan Cali Madar, Gaashamo massacre.

Post by X.Playa »

he quoted xirsi Qani who didn't blame the Liyu Boolis , he said " it was god's will" and the liyu police suffered a mistake by the people , what I think is they are trying to get some " weji" from In Iley on Isaaq expense.

Sultan Cisman spoke well however. and the government are trying their best and the people are united. But make no mistake people should drop these clowns, these guys are don't deserve the titles.
User avatar
X.Playa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17317
Joined: Sun Mar 17, 2002 7:00 pm
Location: Canada,Hawd

Re: Suldaan Maxamed Xirsi Qani Vs Suldaan Cismaan Cali Madar, Gaashamo massacre.

Post by X.Playa »

Cirro is related to ina Iley and has a special relationship with him , don't count on it, he wont say a word.
User avatar
MujahidAishah
Posts: 16994
Joined: Thu Dec 16, 2010 5:32 pm
Location: Garisadi Guryosamo Goljano ku nool

Re: Suldaan Maxamed Xirsi Qani Vs Suldaan Cismaan Cali Madar, Gaashamo massacre.

Post by MujahidAishah »

Awoowo HOW BLOODY DARE U

Don't you dare diss ina xirsi qani :ufdup:
User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5400
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: Suldaan Maxamed Xirsi Qani Vs Suldaan Cismaan Cali Madar, Gaashamo massacre.

Post by kaliil »

Suldaan cismaan suldaan cali suldaan madar waa nin nool ilaahay ha daayee.ina cabdiqaadir anigu nin fayowba uma aqaan. Nacaskii cirrona dadkan la xasuuqay ilaa imika kamuu hadal waanu ku ceeboobay.taageerada reerka wuu ku waayi arintan uu ka aamusay darteed.nin tacsi kuu quudhiwaayay maxaa kale laga sugi.qof walba oo dhinta wuu u tacsiyadayn jiray dagaalka dharkayngeeyona wuu ka hadlay oo dadka nabad ayuu ugu baaqay intii dhimatayna wuu ka tacsiyadeeyey laakiin ta gaashaamo muxuu uga aamusay?ma muxu ka baqanayaa ethiopia mise cidkale?
caadani90
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 836
Joined: Mon Nov 17, 2014 7:37 pm
Location: Hawada Sare

Re: Suldaan Maxamed Xirsi Qani Vs Suldaan Cismaan Cali Madar, Gaashamo massacre.

Post by caadani90 »

Waxan iminka jooga Saladin ma aha. Nin waliba visahiisa yar ee uu itoobiya iyo jabouti ku galu ilashanaya.

Caruur iyo dumar aya meesha lagu xasuuqay markasay halkay ka guban lahayeen iyagi ku markhati furayaan.

Ina xirsi qanigan dadku ka masuulka aha leh "wa dad iyo dawaladisi", kan suldanka guud isku sheega ee isago sirkhansan warbahinta soo fadhista, mid isku sheega suldaanka guud ee HJ oo aan laba kelmadood oo isku xigta oo la afgaranyo an laga hayn, kan sheegta suldaanka guud ee HA ee malin walba bakhbakh iyo cantarbaqashka warbahinta la soo fadhista. Walee Isaaqu xagi daqanka wu ka dhintay.
User avatar
X.Playa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17317
Joined: Sun Mar 17, 2002 7:00 pm
Location: Canada,Hawd

Re: Suldaan Maxamed Xirsi Qani Vs Suldaan Cismaan Cali Madar, Gaashamo massacre.

Post by X.Playa »

An argument between Suldaan Dakhare of the ciidagale and suldaan Maxamed Cabdiqaadir ,

Maxamed Cabdiqaadir : shir ciidagale aniga uun baa iclaamin kara , anaa ah suldaanka guud, se maxaa laga shirayaa Suldaan Dakahrow?

Suldaan Dakhare : adaanu kugu ducaynaynaa suldaan Maxamed inu ilaahay iimaanka ku soo celiyo.
User avatar
mahoka
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8700
Joined: Wed May 27, 2015 7:57 pm

Re: Suldaan Maxamed Xirsi Qani Vs Suldaan Cismaan Cali Madar, Gaashamo massacre.

Post by mahoka »

Bunch of old gutless cunts.

Idoor's biggest enemy is its garac saladeen. Get rid of these lazy cunts who never worked one day in their lives. Get rid of qabiil caydh
User avatar
AwRastaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7611
Joined: Mon Nov 30, 2015 5:09 am

Re: Suldaan Maxamed Xirsi Qani Vs Suldaan Cismaan Cali Madar, Gaashamo massacre.

Post by AwRastaale »

All three are useless; Qani, Abdiqadir and the Xirey subject.

Xiirey horta waba nin lita. He walks around Hargeisa begging for a ride. When no one respects you as a leader you become a lonely beggar and that's what all three share in common.

I never liked saladdin but these three are utter useless.
User avatar
Skyflyguy
Posts: 238
Joined: Thu Apr 07, 2016 5:27 pm

Re: Suldaan Maxamed Xirsi Qani Vs Suldaan Cismaan Cali Madar, Gaashamo massacre.

Post by Skyflyguy »

AwRastaale wrote:All three are useless; Qani, Abdiqadir and the Xirey subject.

Xiirey horta waba nin lita. He walks around Hargeisa begging for a ride. When no one respects you as a leader you become a lonely beggar and that's what all three share in common.

I never liked saladdin but these three are utter useless.
Ciyaarta ka daa beesha. Waxaad u hadasha Sida raga ciidagale iyagaa suldaan xiirey iyo suldaan habaar caaya.

Xiirey earns a good salary like all other madax Dhaqameed of somaliland so he doesn't beg anyone for anything.

Danta beesha ayuu ka shaqeeya day and night, the Kuwait school built in East hargeysa was the brain-child of him & Cali warancade. The suldaan xiirey is also working with the government for several other projects for beesha.

On top of his serve to beesha he is the definition of a somalilander, afkiisaba magaca somaliland Kama soo baxdo isaga oo aan raacin qaranka yacni "qaranka somaliland"
He also praises ciidamada qaranka every chance he gets :smugfavre:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Suldaan Maxamed Xirsi Qani Vs Suldaan Cismaan Cali Madar, Gaashamo massacre.

Post by Siciid85 »

kaliil wrote:Suldaan cismaan suldaan cali suldaan madar waa nin nool ilaahay ha daayee.ina cabdiqaadir anigu nin fayowba uma aqaan. Nacaskii cirrona dadkan la xasuuqay ilaa imika kamuu hadal waanu ku ceeboobay.taageerada reerka wuu ku waayi arintan uu ka aamusay darteed.nin tacsi kuu quudhiwaayay maxaa kale laga sugi.qof walba oo dhinta wuu u tacsiyadayn jiray dagaalka dharkayngeeyona wuu ka hadlay oo dadka nabad ayuu ugu baaqay intii dhimatayna wuu ka tacsiyadeeyey laakiin ta gaashaamo muxuu uga aamusay?ma muxu ka baqanayaa ethiopia mise cidkale?
Cirro awalba madheer aanu jiidayno buu ahaa ee muu ahayn nin karti uu leeyahay ku socda.

Ninka Tacsi uu quudhi waayey walalahii, naf kale haka sugin.
User avatar
JSL3000
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8699
Joined: Mon Oct 26, 2015 7:29 am

Re: Suldaan Maxamed Xirsi Qani Vs Suldaan Cismaan Cali Madar, Gaashamo massacre.

Post by JSL3000 »

Suldaan cismaan suldaan cali suldaan madar wa geesay geesay dhalay

Suldaan maxamed xirsi qani wa biladhiig

And suldanka guud cidagale guy was the worst he said it was the people's fault wtf wrong with him.

Cirro kept quiet that is shocking. :lol:
User avatar
X.Playa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17317
Joined: Sun Mar 17, 2002 7:00 pm
Location: Canada,Hawd

Re: Suldaan Maxamed Xirsi Qani Vs Suldaan Cismaan Cali Madar, Gaashamo massacre.

Post by X.Playa »

:mindblown: Looool kii oo ilaabay magaca ninku eedayn lahaa, he was trying to accuse Galaydh and Garaad Cali Jaamac a.k.a Garaad Binti on the dhulos subclan skirmish, he forget the Garaads name and call him " waxa laygu yidhi Jaamac baa la yidhaahdaa" unfortunately the only Graad called Jaamac is the pro Somaliland one.


https://youtu.be/Z3SWVajDQB0
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”