Page 1 of 1

DEG DEG : Dagaal Culus oo hadda ka soconayo Magaalada cadaado Ee Gobolka Gal-Gaduud

Posted: Sun Jun 12, 2016 3:40 am
by BosasoShaam
Marqaan media

You are here: Home / Wararka
DEG DEG : Dagaal Culus oo hadda ka soconayo Magaalada cadaado Ee Gobolka Gal-Gaduud (Dagaalku yuu u Dhaxeeyaa Akhriso).


by Xasan Cowke | Sunday, Jun 12, 2016 | 289 views
Share
Warar hadda naga soo gaaraya Magaalada Cadaado Ee Xarunta KMG Ah Ee Maamulka Gal-Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in hadda halkaasi uu ka socdo dagaal aad u culus.

Dagaalka ayaa hadda si toos ah uga soconayo farasmagaalaha Magaalada Cadaado oo hadda xarun u ah Maamulka Gal-Mudug.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamo katirsan kuwa Militariga Dowlada Somalia Guutada 21-aad iyo ciidamo katirsan Gal-Mudug.

Dagaalkani ayaa yimid kadib markii iyadoo ciidamada Milatariga dowlada Somalia mushaaraadkooda loo qeeybinayay ay is hor istaag ku sameeyeen Ciidamada Gal-Mudug oo iyagu aan Mushaar la siinin.

Lama xaqiijin karo dagaalka iyo Qasaaraha ka dhashay maadaama dagaalka uu hadda socdo .

Wixii ku soo kordha dib kala soco Insha allah

Re: DEG DEG : Dagaal Culus oo hadda ka soconayo Magaalada cadaado Ee Gobolka Gal-Gaduud

Posted: Sun Jun 12, 2016 5:17 am
by FarhanYare
Soo ducee inoo dagal ka qarxo cadaado :dj:

Re: DEG DEG : Dagaal Culus oo hadda ka soconayo Magaalada cadaado Ee Gobolka Gal-Gaduud

Posted: Sun Jun 12, 2016 9:36 am
by Halmogg
Where is smooth? probably claim Pl was behind this lol

Re: DEG DEG : Dagaal Culus oo hadda ka soconayo Magaalada cadaado Ee Gobolka Gal-Gaduud

Posted: Sun Jun 12, 2016 1:43 pm
by TJcombo
Pay the Cadaado local Soldiers kick the SNA Mooryaan out