Galan oo gaaray Carmo

Carmo(puntland Post)-Gudoomiyihii hore ee Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Galan iyo ciidamo uu hogaaminaayo ayaa saakay soo gaaray Degmada Carmo ee Gobalka Bari oo ku taala wadada dheer ee xiriirisa inta badan Gobalada Puntland.
Galan ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyey Dadweynaha Degaanka, wuxuuna ciidamadii uu watay dejiyey meel aan sidaas uga fogayn Magaalada Carmo oo ay ku taal xerada lagu tababaro Booliska Soomaaliyeed.
Ma cada ujeedada uu halkaas u yimi Galan oo waayadii danbaba dibad wareeg ahaa, markii ay is khilaafeen Dawlada Puntland ayna Ciidamo katirsan kuwa Dawlada isku dayeen inay ku xiraan Magaalada Bosaaso
Galan ayaa maalmihii lasoo dhaafay Ciidamo maaleeshiyaada ku urursanaayey Bariga fog ee Puntland, isagoo hadalo dhaliil iyo hanjabaad iskugu jira hawada umarinaayey Dawlada uu hogaanka u hayo Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali, waxaase imaashaha Galan ee Carmo kasoo baxaaya warar is khilaafsan, Iyadoo wararka qaar sheegayaan inuu halkaas u yimi dhex-dhexaadin nabadeed oo ay waayadii danbaba wadeen wax garadka Gobalka Bari.
Siday doontaba ha ahaate Bulsho weynta Puntland ayaa aaminsan dariiqa kaliya ee wax lagu xaliyo inuu yahay hab nabadeed, iyadoo aan marna la adeegsanayn wax gacan ka hadala.
http://puntlandpost.net/2016/06/21/gall ... adda-gaas/
Bosaso(Puntland Post) Gudoomiyihii hore Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo hadana mucaarad ku ah dowladda madaxwayne Gaas ayaa waraysi uu siiyay Kalsan Tv waxa uu ku sheegay xukumadda Gaas inaysan ku filnayn ammaanka dalka.
Waxa uu sheegay hubka iyo agabka ciidan ee uu haysto inay uga timi qayb ka mid ah xukumadda Gaas, wuxuu carabka ku adkeeyay wasiiradiisa iyo taliyaasha ciidanku inay u keenaan, sidoo kale waxa uu sheegay hubka isagoo ganacsi ah in laga helo magaalooyinka waa weyn ee Puntland.
Dowladda Puntland weli kama aysan hadlin arrinta Gallan oo hadda si weyn looga hadal hayo deegaanada Puntland.
Ciidamo uu ku tababartey deegaano ka tirsan Gobalka Bari ayuu Gallan lasoo aaday dhanka degmada Carmo ee Gobalkaasi, wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaq ciidan oo xagga dowladda ah uu ka socda Gobalka Bari.