Breaking News: Al-Shabaab captures City of Marka

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
BosasoShaam
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 689
Joined: Mon Mar 21, 2016 9:30 pm

Breaking News: Al-Shabaab captures City of Marka

Post by BosasoShaam »

BREAKING NEWS: Alshabaab oo la wareegay magaalada Marka
11 juli, 2016 | Filed under: Wararka maanta | Posted by: puntlandes

11 July 2016 (Puntlandes) Kooxda Alshabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii DFS.
226-3

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ay gudaha u soo galeen xaafado ka tirsan Marka. Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabelaha Hoose ayaa u jirta 90km magaalaga Muqdisho halka ay Laanta Buur na u jirto 60km.

Ka bixitaanka Ciidamada DFS ee magaalada Marka ayaa ka dambeysay markii xalay Alshabaab weerar aad u xoog badan ku qaaday Saldhig Ciidamada DFS ku lahaayeen Xerada Laanta Buuro.

Ma jirto illaa iyo iminka wax hadala ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ku aadan qabsashada magaalada ee Al-Shabaab.

Ma ahan markii u horeysay ee Ciidamada dowladda ay isaga baxaan Magaalada Marka, iyadoo bishii Febraayo ee sanadkan ay aheyd markii Al-Shabaab ay la wareegeen Marka, kadib markii ciidamada dowladda isaga baxeen.

Puntlandes.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”